“Madaxda Hay’adda ILO Waxaanu farta ugu fiiqnay Inay Naga Taageeraan shaqo Abuurka da’yarta” Maxamuud Xaashi 

Waxay  Ka Mid Ah Caqabahada Ugu Adag ee Qarankan Haysta.

Maanta waxa anniga iyo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshadu aannu xafiiskayga ku qaabilnay saraakiil sare oo ka socday hay’ada shaqaalaha aduunka ee ILO.

Weftigaasi iyo masuuliyiinta igu wehelinayey shirka waxaannu iska waraysanay mashaariicda hay’adda ILO ay ka qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha badan ee yaala oo aanu farta ugu fiiqnay inay inagga taageeraan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay shaqo abuurka da’yarta oo ka mid ah caqabahada ugu adag ee qarankan haysta, Xukuumadda xisbiga KULMIYE-na ay u tafaxaydan tahay sidii ay xal ugu heli lahayd.

Weftigaasi ILO waxay inoo balan qaadeen inay wax badan nala qaban doonaan, horena ay wax noola qabteen, hada ay wadaan mashaariic ay lacago badani ku baxayaan, waanu u mahad naqaynyaa Hay’adaasi.

Alla Mahad leh.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.