GO’AAN KA GAADH DALKAAGA.

HOGGAAMIYE NOOCEE AH AYAA KU HABBOON SOMALILAND-TA MAANTA?

QAYBTII 1AAD.

Cilmiga siyaasaddu guud ahaan hoggaamiyayaasha adduunka soo mara saddex kudladood ayuu u kala saaraa in ay ka kooban yihiin. Inkasta oo aad loo sii falkiyo noocyadooda haddana bud-dhiggu waa uun saddex kudladood oo guud.

Saddexda kudladood waxa ay kala yihiin; hoggaamiyayaasha hal-adayga leh (Strong Leaders), kuwa dabacsan (Soft Leaders) iyo kuwa diciifka ah (Weak Leaders). Soomaalidu waxa ay carrabka ku dhuftaan had iyo goor in uu jiro hoggaamiye jilicsan.

Ma se sugna hoggaamiyaha jilicdasan ee Soomaalidu ay tiraabtaa ka uu yahay. Ma ka dabacsan baa (Soft Leader) mise waa kan diciifka ah (Weak Leader)? Ka uu yahay waa uu soo bixi e, bal aan ku horreeya qaybtan koowaad ee qoraalka iyo kudladda hore ee waa kuma hoggaamiyaha hal-adagga badani?

Kudladda hore waa hoggaamiyayaasha loo yaqaan ”Strong Leaders” oo ah hoggaamiyayaasha la yidhaa waa hoggaamiyayaal hal-adag. dhaqanka siyaasiga ah iyo sifooyinka lagu garan karo hoggaamiyayaasha kudladdan ku hoos jiraa guud ahaan waa shan sifo, walow sifooyinkaasi hadhow sii kala falliidhmaan:-

1.Sifada koowaad waa foojignaan iyo in uu hoggaamiyuhu ka war qabo xaal wal oo ku xeeran dalka uu madaxda ka yahay amma uu rabo in uu madax ka noqdo. Waa in uu yahay qof yaqaan meesha uu dalkiisu ka wakinayo iyo baahida taal nooca ay tahay. Waa in uu dhegaysi fiican leeyahay oo dhegtiisu nuxurka maali karto. Waa in uu qab iyo hiyi sare leeyahay oo uu madaxiisu kor jiro isaga oo u dan leh in uu cadowga gudaha iyo kan dIbeddaba u dardaar-wariyo. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Self-Aware’ amma iska war-qabid. Sida keliya ee bayaan loo gu garan karo lahaanshiyaha sifooyinkan waa in hoggaamiyuhu qudbadihiisu noqdaan kuwa maanka iyo laabta shacabka si u wada culaya.

2.Sifada labaad waa in uu halbeeg dhaqaale-dhis ujeedkiisu yahay leeyahay oo uu rabo in uu dalkiisa baahida dhaqan-dhaqaale ee haysata ka saaro. Waana in uu yaqaan halka ay sartu ka qudhuntay ee u baahan in wax laga qabto xeer, xeelad iyo xoog wax wal oo ay ku kacaysana diyaar la yahay. Sidoo kale waa in uu yaqaan waxa suura-gali kara iyo wax aan suura-galka ahayn si aanu wakhti badani uga lumin. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Target Driven” amma ujeeddo hagtay.

3.Sifada saddexaad waa in uu awood u leeyahay in uu bulshada kala soo dhex bixi karo intooda aqoonta leh si bilaa habrasho ah. Waa in uu yahay nimaan ciddina aaney ka bajin karin oo yaqaan waxa uu sameynayo, isla markaana aan kooxi qaflad ku qabsan karin oo maamulkiisa hadba sidii la doono shayaadiinta iyo inta sharka badani aaney uga shaqaysan karin. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Courageous & Venturesome’ amma geesi ku dhac leh oo khatarta si miyir qab ah ugu badheedhi kara isaga oo dantiisa tan dadkiisa iyo dalkiisa ka hormarinaya.

4.Sifada afraad waa in uu jecel yahay guusha iyo wax badsiga dalkiisa marka uu adduunyada kale wax ka goosanayo. Waa in uu yahay nin yaqaan taariikhda dalkiisa iyo waddamada jaarka la ah, isla markaana uu si fiican u ogyahay sidii siyaasiyan masaalaxa kala duwan ee mandaqadda la isku cunsiin lahaa. Sifooyinkan waxa la isku yidhaa ‘Neighbourhood-Linked and Globally Concerned’.

5. Sifada shanaad waa in uu go’aan qaadan karo oo uu labaclabac iyo beer-nugayl ka dhawrsan yahay. Sifadani waa ta hoggaamiyaha noocan ahi ku qaatay magac-bixinta hal-adaygnimo (Strong). Dhanka kale siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga qarannimo go’aan qaadashada hoggaamiyaheedu waa u halbowle.

Haddii sifooyinka mihimka ah ee hoggaamiye hal-adaggi yihiin kuwa kor ku xusan, maanta Somaliland ma ka sharraxan yahay hoggaamiye calaamaadkan leh oo qarankan jilicdasan (Fragile Nation) lagu aamini karaa? Jawaabtu waxa ay la taal shacbiga codka u dareeri doona dabayaaqada sannadka oo ay u joogto in ay dalkooda u dooraan cid jiirta adag ka saari karta oo tabcaannimada qaranka haysa uga tawaabi karta.

La soco qaybta 2aad iyo sifooyinka hoggaamiyaha dabacsan maalinta berri (Soft Leader).

Mohamed Hagi Mohamoud

Filed in: Articles

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.