Hirdanka XIsbiyada Wadani iyo Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Cirka Isku Shareeray

Hirdanka XIsbiyada Wadani iyo Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Cirka Isku Shareeray iyo  Xaflado Lagag Joojiyey Xisbiga Wadani + Guri Xisbiga Wadani Kiraystay Oo Ciidanku Haystaaan
faalo wariye mukhtaar nuux ibraahim(Q.1aad
Bishii Ugu Danbaysay Waxa Cirka Isku Sii Shareeraya Hirdanka Siyaasadeed Ee U Dhaxeeya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye Kaasi Oo Wakhtigani Maraya Halkii Ugu Saraysay
Kadib Markii Xaflado Balaadhan Oo Ay Lahaayeeen Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani U Qabanayey Taageerayaal Laga Hor Istaagay Hoteladii Ay Ku Qaabsan Lahaayeena Ciidamo La Dul Dhigay
 Sidoo kale Guri ay Ka Kirayteen Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadanina Ciidan La Wareegeen Taasi oo Keenatay In Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Uu Dhaliilo Ba’an Ku Hurgufay Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Lagu Tuhun Sanyahay In uu Ka Danbeeyo Arimaha La Soo Dartay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani
Hirdankani Siyaasadeed Ayaa Waxa Keenay Kadib markii Xukumada IyO Xisbiga Kulmiye Ka War Heshay Siyaasiyiin Miisaan CUlus Ku Dhex Leh Siyaasada Oo ka Soo Jeeda Beesha Sacad Muuse Ee Uu u Sharaxan yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ay Ku Biirayaan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani.
Taasi oo Xoojisay taageeradii Wadani Ee gabiley Oo markii HOre Hoosaysay Waxay kaloo Arintani Keentay In Kulmiye iyo xukumada Oo Isku Dhafan Ay Culays Badan Saaraan Qof Kasta Oo Ay ku Tuhmayaan In Uu taageersan Yahay Xisbiga Wadani
Filed in: Articles, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.