Xirsi : Cirro Qosol Ku Doorta?  

Xirsi wuxu marayaa Cirro wuu qoslaa ku doorta. Akhlaaqda iyo qosolkuna waa laba kala duwan. Qosolka amaan ba ma lah. Qofka qosolka badani waaba Nacas . xataa tilaamaha diinta ayaa ka dhigtay qof aan war hayn oo dhoohan .  Rasuulka  Allah (scw) ayaa xadiis ku yidhi :

(( إياك وكثرة الضحك فإنه يميت القلب ويذهب بنور الوجه)”

“Waxaan kaga digayaa qosolka badan, waayo wuxu dilaa qalbiga, waxaana uu wejiga ka kexeeyaa nuurka”  .

Cilmi nafsiguna wuxu yidhaa “ Qosolku waa dariiqo uu jidhka hoose ee qofku ku muujiyo dareenkiisa hoose, qof kastaana si gaar ayuu u soo bandhigaa , dadkuna way kala qosol badan yihiin sida ay cuntada iyo hurdadab ugu kala badan yihiin, mana aha mid ku xidhan dareenkiisa akhlaaqeed sida aanay cuntada badan iyo hurdada badani xidhiidh  ula lahayn akhlaaqda qofka, kartidiisa, naxariistiisa, iwm.

Dr.Axmed Sheekh oo caalim cilmiga saykoolijaga ah wuxu yidhi :” Qosolku wuxu dhibaato ku keenaa habsami u socodka shaqada jidhka ee hoose, maxaa yeelay wuxu ku kordhiyaa unugyada jidhka hawada Ogsijiinta ah, siadaa darteedna waa inaan qosolka la badsan. Waxaana uu waafaqay xadiiskaasi Rasuulka (scw)

Sifaadka Rasuulka Allah (scw) ayaa sida xadiiska Jaabir Binu Samrat weriyay “ Rasuulka (scw) wuxu ahaa mid aamuskiisu badnaa, qosolkiisuna yaraa”, isagoo mar kalena yidhi “ Qosolka Rasuulku wuxu ahaa ilko cadayn”

Xirsi Aayadan la soo qaybsiiiyay ee uu Maalin kasta ku celiyo ee Cimraan ku jirta siduu u fahmay in Cirro lagu soo dejiyay “

فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ (159

Ayadu waxay cadaynaysaa naxariistii Rasuulku (scw) lahaa iyo inuu dulqaad lahaa oo dadka u jilicsanaa, haddii aanu sidaasi ahaan lahayn ay dadku hareerihiisa ka yaaci lahaayen markay naxariis ka waayaan. Laakiin Muuse iyo Cirroba kuwo ka tegayna way jiraan kuwo la jooga oo danaystayaal ah iyo kuwo qabiil ku raacsan ayaa ku xeeraniba way jiraan . Xirsi ma wuxu hayaa Muuse oo laga yaacay iyo Cirro oo lagu ururay ? xaasha , taasi waa mid aan laga rumaysnayan. Dantaad kursi doonka ku eekow , amaan been ah oo aqoon daro erayadeed ka buuxaan kaama rumaysanayno, shalay waad boobaysay, maanta boob kale ayaad rabtaa?

Filed in: Articles

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.