WAYDIIN IYO WAR-CELIN: MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN QARAN IYO JAMHUURIYAD.

Inta badan dhallinyarada cilmiga siyaasadda barata oo aan bah ku nahay cilmigan, inkasta oo waayadii danbe aan cilmi baadhistaydu ku fooganeyd culuunta Supply Chain Management, International Trade, International Political Economy, Security Studies, Strategy and Operations.

Waxa ay i soo waydiiyaan su’aalo ku saabsan dawladnimada, dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Aniguna hadba inta karaankayga iyo haleelkayga ah si shakhsi ah ayaan ugu jawaab celiyaa (Private Response). Maanta se wiil dhallinyaro ah ayaa waxa uu i waydiiyey su;aal u qoran sidan:

”waa maxay qaran ama goormaa la odhan karaa dalkaasi waa qaran iyo kalmadda JAMHUURIYAD ee ay waddamadu raaciyaan magacooda maxaa se farqi u dhaxeeya labada kalmadood?” Waxa uu intaa ii raaciyey in aan si public ah wajahaadayda Facebook u soo dhigo si dad badani uga faa’idaystaan; aniguna sidaa ayaan yeelay jawaabtayduna waa tan:

1. Qaran (State) waa yeedhmo caalami ah oo adduunyada galbeed gaar ahaan Yurub isku af-garatay 1648 (Peace of Westphalian). Markii danbe waxa loo soo dhiraandhiriyey fahmadda odhanaysa in dal leh xuduud cayiman, tiro dad ah oo maangal ah kuna heshiiyey dawladnimo u gaar ah, leh taariikh iyo hay’aad dawladda oo sharci hoggaaminayo in ay yihiin qaran.

Qaranku waxa loo sii qaybiyaa laba: mid madaxbannaan sida ay yihiin 194 waddan ee Qaramada Midoobay oo lagu daray Switzerland, iyo mid aan aqoonsi haysan laakiin dhulkiisa, dadkiisa iyo dawladnimadiisuba ay u dhawrsan tahay sida Taiwan, Abkhazia, South Ossetia iyo Somaliland inkasta oo iyada caalamku wax badan ka dafiro.

Dal waxa la odhan karaa waa qaran marka uu astaamahan leeyahay; Dawlad, dhul xadaysan, muwaadiniin cayiman isla markaana uu caalamka intiisa kale la macaamili karo oo uu leeyahay awoodda heshiis uu ku gali karo. U fiirso sharcigan waxa la ansixiyey 1933 ka dib markii waddamada dunida qalinka ku duugeen heshiiskan oo la odhan jiray Montevideo Convention.

2. Waxa Jamhuuriyad ah waddan wal oo dadkiisu ay xukumaan, madaxdiisana la doorto oo aan boqortooyo ahayn. Tusaale ahaan dalka UK waa dal ay dadkiisu xukumaan, madaxdiisana la doorto laakiin waa boqortooyo sidaa darteed ma noqon karo Jamhuuriyad.

Halka uu Faransiisku ka noqday Jamhuuriyad 22 September 1792 ka dib markii uu baabi’iyey Boqortooyadii ka talin jirtay. Dhanka kale Dalalka adduunyadu waxa ay u qaybsamaan guud ahaan saddex; jamhuuriyad, boqortooyo iyo kelitalis.

Farqiga u dhexeeya Qaran iyo Jamhuuriyad waa in marka hore si jamhuuriyad aad u noqoto aad noqotaa qaran haysta dawlad, dhul, dad iyo sharciyad uu adduunka kula macaamili karo. Ka dib ayaad noqon kartaa Jamhuuriyad amma Boqortooyo amma Kelitalis. Mahadsanid

Mohamed Hagi Mohamoud

Filed in: Articles

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.