Weftigii wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ee Jabuuti joogay oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

0
132

Jabuuti(Waaheen) Weftigii wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland hogaaminayey ee Booqashada ku tagay dalka Jabuuti ayaa manta kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Weftiga Somaliland oo ka koobnaa Lix wasiir waxa ay saaka markii hore kulan la yeesheen wasiiradda dhigooda ah ee dalkaasi, kadib-na waxay kulan fool ka fool ah la yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda labada Dal ayaa ka wadahadlay danaha labada Dal ka dhaxeeya sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Dr: Sacad Cali Shire, oo sheegay inay ka wadahadleen sii xoojinta xidhiidhka labada Dal.

Sidoo kale, Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Ambassador Cfataax oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka labada dhinac qaatay muddo lix toddobaad ah o oak wadashaqaynayeen labada dhinac sidii ay u kulmi lahaayeen.

Kulamada waxa kale, oo ka qayb qaaday Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland, kaasoo weftiga Somaliland Hargeysa ka sii raacay.

 

Somaliland iyo Jbauuti ayaa leh Xidhiidho qoto dheer oo la xidhiidha dhinaca Amniga, Ganacsiga, Dublamaasiyadda, iyadoo ay intaas dheer tahay in muwaadiniinta labada Dal ay yihiin Qoys kaliya oo labada dhinac ba dega.