Madaxweyne Siilaano oo ka soo kicitimay Abu-Dabai, soona gaadhay Dubai

0
154

Dubai(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta ka soo kicitimay magaaladda Abu-dabai oo uu in muddo ah arrimaha gaar ah u joogay, waxaanu soo gaadhay magaaladda Dubai.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa maalmaha fooda inagu soo haya in uu u soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sidii uu ku sheegay hadalkii uu ka jeediyey Abu-dubai ka hor intaanu ka soo ambabixin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmo kooban ku hakan doono Dubai, halkaas oo uu si toos ah uga soo Duulo doono maalmaha soo socda.