Faadumo Siciid oo wasiiraddii Imaaaraadka ugu Tagay Madaxweyne Siilaanyo ku Dhaliishay

0
207

Af-hayeenka Madaxtooyadda oo Eedaha Faadumo ka jawaabay

Hargeysa(Waaheen) Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa wasiiraddii ku wehelinayey Madaxweyne Siilaanyo Safarkiisa Imaaraadka iyo kuwii ka daba tagayba ku Eedaysay inay ku kaceen falal aan loo baahnayn oo lagu burburiyey kharash farabadan.

Sidoo kale, Faadumo Siciid waxay ku dhaliishay in masuuliyiintaasi ay safarka u kaxaysteen dad aan xilal hayn, kuwaas oo tamashle u tahay Dubai, iyadoo sheegtay Huteeladda ugu qaalisan inay ku raaxaysanayeen, taasoo ay sheegtay dadka Imaaaraadka ku sugani inay la yaabanaayeen.

Faadumo Siciid waxay ilaahay u bariday Madaxweyne Siilaanyo in uu siiyo Caafimaad buuxa, hase yeeshee waxay sheegtay in loo baahan yahay xaaladiisa inay ka war hayaan ama la joogaan oo kaliya masuuliyiinta hawshaas ku shaqada leh oo kaliya sida Marwadiisa, Xoghayihiisa, Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka iyo wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland.

Eedaha Marwo Faadumo waxa isla shalay ba ka jawaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Dayr, oo sheegay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo inay fiican tahay, isla markaana uu dalka dhakhso ugu soo laaban doono.

Xuseen dayr waxa uu Eedaha ay Faadumo Siciid usoo jeedisay masuuliyiinta weftiga Madaxweynaha iyo Caafimaadkiisaba ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn Xisbiyadda Mucaaradka ahi inay niyada dadka ku dilaan, isla markaana ay tahay inay dhaliilo ay umadda ku kasbadaan la shir yimaadaan.

Xuseen Dayr waxa uu difaacay inay masuuliyiinta safarkaasi u raacday Madaxweynuhu xaq u leeyihiin xaaladda Madaxweynahooda inay la socdaan, waxaanu  been abuur iyo  nacayb ku tilmaamay dadka dhiiladda ka dhigaya caafimaadka Madaxweynaha.