Shimbiro diyaarad ku khasbay in ay deg deg u caga dhigato

Duullimaadka dayaaradda AirAsia X ee u socday Kuala Lumpur ayaa lagu khasbay inuu ku labto Australia, ka dib markii ay shimbiro ku dheceen oo rakaabkii ay ka argagaxeen.

Dayaradda oo sidday 359 qof ayey dhibaatadu la soo daristay markii ay ka kacday xeebta Gold coast 15:20 galabnimo ee Isniintii.

Rakaabka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaq xoog leh oo ay arkeen dhimbilo ka soo baxay matoorka, ka hor intii aysan dayaaraddu ayadoo bed qabta fariisan Brsibane saacad ka dib.

“wixii ka haray laba shimbirood ayaa laga helay dhabbaha dayaaradaha”, sida waxaa yiri mas’uul dayaaradda u hadlay.

Tim Joga oo rakabka ka mid ahaa wuxuu yiri “4 ilaa 5 jug ayaan maqlay ka hor intii aanan arkin iftiin guduudan oo dibadda ka baxaya”. Wuxuu intaa raaciyey isagoo u warramayey Sydney Morning Herald “dayaaraddu waxay billowday inay gariirto, waxaana ku xigay dhowr jug oo waaweyn iyo iftiin badan”.

Todobaadkii hore, dayaarad ay leedahay AirAsia X ayaa lagu khasbay inay ku laabato Perth, ka dib markii injiinku ka xumaaday.

Isla bishan gudaheeda dayaarad ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines ayaa si degdeg ah u fariisatay Sydney, ka dib markii dalool weyn lagu arkay mid ka mid ah qafisyada ku dahaaran injiinnada.

Bishii Disembar 2014 Dayaarad ay leedahay AirAsia ayaa ku dhacday badda Java, halkaasoo ay ku dhinteen 162 qof oo saarnaa, ka dib markii hannaanka koontaroolka isteerinka uu cilladoobay.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega
Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.