Qayb Kamida Taariikhdii Xirfadyahan Weriye Mijir Qaadi oo Burco ku geeriyooday  Qalinkii Cabdisataar Sabri

Mijir Qaadi Maxamuud oo ahaa Weriye Cabqari ah oo soojireen ah Waxaa uu shaqadda Warbaahinta Bilaabay Sanadkii 1945-tii isagoo ka bilaabay idaacadii xilligaa la aasaasay “Radio kudhu” oo ilaa hal kiiloo waad war laliskeedu ahaa “Radio kudhu” oo ciidamada meleteriga ingiriiska markii hore loo keenay ayaa hargaysa ka tiilay halka looyaqaan “Taardheer”
Mijir qaadi Maxamuud waxaa uu xilligaas ugu da’yaraa facii shaqada Idaacada lagu bilaabay oo ay kamid ahaayeen
Maxamed Xaashi , Muuse galaal, Cabdixakiin Caabi , Cabdi Ducaale ileeye , Axmed Cabdi rooble, Aadan dhakhtar Iyo rag kale oo Tiro badan

1952 kii ayaa idaacadii “Radio kudhu” labalaadhiyay kadibna Radio Hargaysa ayay noqotay idaacadii Mijir Qaadi isagoo Hanaqaad xirfadyahan ah ayuu kamid noqday dhalinyaradii ay ku nasteen facii kawaawaynaa oo markii danbe madax wada noqday

Mijir qaadi Waxa uu noqday suxufi caan ka ah dhulkii Ingiriisku haystay ee Somaliland protectorate iyo guud ahaan deegaamadii soomaalida ee baahinta Idaacadu gaadhsiisnayd

Markii danbe ee Somaliland iyo Somalia laysu daray ee ay dhalatay Somali Rebuplic Wuxuu uwareegay Radio Muqdisho

Waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray barnaamijyadii wacyigelinta ee Somalinimada Cusub lagu fahamsiinayay Umadda Soomaliyeed Kadibna markii danbe wuxuu noqday Nin la mabda noqda ragii siyaasiyiinta iyo hal-abuurka isugu jiray ee ka horyimi dawladii kacaanka ilaa uu markii danbe uu Ka midnoqday Jabhadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM

Mijir ayaa noqday wakiilka SNM u qaabilsan Adis Ababa kalkaas oo laga korinjiray Jabhadaha Siyaad barre dagaalka kula jira
Xilligaas idaacadii halgan ayuu geestakale kamid ahaa ragii ay fikir ahaan ku tiirsanayd

Mijir qaadi Maxamuud Ayaa markii SNMdagaalka kuqabsatay Gobolada woqooyi ee Madaxbanaanidoodii dib ugala soo laabtay Soomaaliya oo ay lixdankii maanta oo kale Kowda july midoobeen ka hawl galay dib uyagleelida iyo dib uhabayntii idaacadii Radio Hrgysa iyo nabadayntiii dadka iyo dal Somaliland
Mijir qaadi Maxamuud ayaa mudooyinkan danbe da’ iyo daal iyo Xanuuno isugu darsameen inkastuu kamid ahaa Xilligan Madaxda Sharfan ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Mijir Qaadi Maxamuud caawa waa marxuuun wuu inaga hooseeya keliya wuxuu ubaahanyahay Ducada Umadiisa iyo in ilaahay Samir iyo iimaankasiiyo eheladiisii

Mijir oo aan sanadkii 2013 kii aan kuwaraysatay Marnaamijka Waayo Arag SLNTV Ayaan idiinka soo qoray xogtan kooban ee taariikhtii nololeed marxuun mijir qaadi Maxamuud

Mijir ayaa waraysigaa wuxuu ku sheegay in Somaliland horumarkeeda iyo meelmarinta qadiyadeeda guul laga gaadhikaro keliya marka ladhiso Weriyeyaasha dalka Somaliland laakiinse hadii xaalkooda sidaa lagu daayo waxwaliba ay gaabis noqonayaan

Innaa lillaahi wa inna ilayhi raajicuuun

Abdi Satar Sabri

Filed in: Articles

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.