DHUUXIDDA TAARIIKHDA ISLAAMKA CASHARKA 78AAD GOOBTII XUNAYN qaybtii 4aad

Nabigeennu scw wuxuu amar ku bixiyey in boojimadii iyo balaladii Hawaazin la sii geeyo meel Jacraana la yiraahdo, isaguna wuxuu afka saaray Taa’if isagoo ku duulay Reer binuu Thaqiif oo qabiilo qabweyn oo diinta ka soo horjeedday ahayd, waagii horana nabiga scw xumeeyey, haddana Duullaan ku soo qaaday markii uu Makkah qabsaday, iyaguna markii ay ogaadeen inuu nabigu scw ku soo duulay oo ka daba yimid qalcado adag bay lahaayeen oo ay hoosta ka xirteen oo difaac adag ka galeen iyagoo ku tala galay inay muddo badan ka dirireen, waxayna ahaayeen qabiilo dhaqaalo badan haysata iyo hub ay ku dirirtaba…

Nabigeennu scw markii uu Xunayn ka baxay oo Daa’if aaday wuxuu sii maray Nakhlah Yamaaniyah, iyo Qarni iyo Al-Maliix dabadeed wuxuu sii maray Baxratu Righaa halkaas buuna masaajid ka dhisay oo ku tukaday, isagoo halkaas ku fuliyey xukun qisaas ah oo shareecada islaamka lagu fuliyo kii u horreeyey waxaa halkaas lagu dilay nin Reer Layth ah oo dilay nin Hudayl ah, Baliyah markii uu sii marayeyna wuxuu amray in la dumiyo qalcaddii Maalik bin Cowf oo halkaas ku tiil, dabadeed wuxuu qaaday waddo ciriiri la yiraahdo, saa markii uu qaadayey buu dadkii magaceeda weyddiiyey markii lagu yiri Ciriiri baa la yiraahdaana wuxuu yiri: Mayaa waxa la yiraahdaa Hawlyarey..

Dabadeed Rasuulku scw markii uu Daa’if gaaray wuxuu dagay meel dhufaysyadii Daa’if u dhow oo gamuunnadoodu ka soo gaari karaan…..markaasay gantaallo ku soo hoobiyeen Muslimiintiina waa u suuragali weyday inay Qalcadahooda galaan oo waa ay xirteen, halkaasna xayn rag ah baa uga shahiiday oo gamuunnadii dileen, dabadeed Rasuulku scw intuu Qalcaddoodii ka durkay buu kor ka go’doomiyey oo dhawr iyo labaatan cisho dul fadhiyey, waxaana duullaankaas la socday laba xaasaskiisa ka mid ah oo kala ahaa Umu Salamah iyo Zaynab bintu Jaxash, wuxuuna u kala dhisay laba khaymadood oo kala go’an, masaajid buuna halkaas ka dhisay loo yaqaan masaajidka Daa’if…

Rasuulku intii uu go’doominta ku hayey Reer Thaqiif dagaal baa ka socday oo fallaaro baa la is dhaafsanayey, iyagoo biro dab lagu soo dhalaaliyo oo holcaya Muslimiinta ku soo gamay oo ay ka badbaadeen, dabadeed Abu Sufyaan bin Xarbi iyo Al-Muqiirah bin Shucbah baa ku yiri: Ammaan na siiya aan idinla hadalnee, wayna u tageen, Abu Sufyaan wuxuu isku dayey inuu ka soo kaxaysto naagaha Quraysh iyo Kanaanah ay ka qabaan si aan loo boojimaysan haddii dagaalka looga adkaado, waxaana naagahaas ka mid ahaa Aamina bintu Abi Sufyaan oo Curwah bin Mascuud uu qabay, laakin waa ay ka diideen oo nimankooda ayay doorteen…

Nabigu scw markii uu shan iyo toban cisho dul fadhiyey buu wuxuu u yeeray oo la tashaday Nowfal bin Mucaawiye oo Reer Daylii ahaa, wuxuuna weyddiiyey sidii u ka yeeli lahaa Thaqiif, markaasuu ku yiri: Rasuulkii Allow waa dawaco god gashay oo haddii aad dul fadhidid aad qabanaysid haddii aad ka tagna aan waxba ku yeeli Karin…dabadeed Rasuulku wuxuu go’aansaday inuu isaga guuro oo ka laabto, Daa’if waxaa Muslimiinta uga shahiiday 12 nin toddoba Quraysh ah, afar Ansaar ah iyo nin reer Layth ah…

BALALADII HAWAAZIN IYO SIDII LOO AGAASIMAY

Nabiga scw iyo Muslimiintii markii ay Taa’if isaga soo laabteen waxay abbaareen Jacraana oo ah meeshii la isugu geeyey balaladii iyo boojiymooyinkii Hawaazin, waxaa halkaas la isugu geeyey haweenkii iyo carruurtii Hawaazin iyo geel tiradiisa lagu sheegay lix kun oo neef iyo ari aan tiradiisa la koobi Karin…

Dabadeed waxaa Rasuulka scw ka daba yimid ergo ay Hawaazin soo dirsadeen, oo Jacraana ugu yimaadeen iyagoo soo islaamay, waxayna ku yiraahdeen: Rasuulkii Allow guntii baannu nahay iyo ehelkiiba musiibo aadan moogayn baana nagu dhacday ee abaal noo gal Allaha ku galladee, waxaa istaagay nin Hawaazin ah oo Sacad binu Bakar ka sii ah, waa jifidii nabigeenna scw nuujisaye, oo Zahiir bin Surad la yiraahdo Abu Suradna lagu naanaysi jiray, ooye: Rasuulkii Allow, waxaa xeryaha idiinku jira eeddooyinkaa iyo habar-yarahaa iyo kuwii dhabta kugu hayn jiray oo ku soo barbaariyey, maanta haddii iyadoo dhibaatadaas oo kale nagu dhacdo aan u dan sheegan lahayn AL-Xaarith bin Abi Shamar (waa madaxweynihii maamul goboleedka Carabta ee Shaam oo boqortooyada Roomaanka hoos joogay) ama Nicmaan bin Al-Mumdir ( madaxweynihii maamul goboleedka Carabta Ciraaq ee Faaris hoos joogay) waxaanka rajayn lahayn inay noo dabcaan oo wax noo soo celiyaan, adigaana cid wax kafaala qaadda u khayr badan….ooye haddana:

RASUULKII ALLOW SI FAXNAAN LEH ABAAL NOOGU GAL, WAXAAD TAHAY KII AAN RAJAYNAYNNAY OO KAYKD NOO AHAAYE

NAGA GARGAAR MAATO WAAYUHU LOOGEEN OO ISWAAYEY OO KA LA GOOGGO’AY OO NABSI KU SOO MEERAY…

Markii uu tixo kuwaasi ka mid yihiin tiriyey buu Rasuulkii Alle scw ku yiri: Haweenkiinna iyo carruurtiinna miyaa jeceshihiin mise maalkiinna?

Suuye: Rasuulkii Allow ma waxaad na dooransiisay nasabkayagii iyo maalkayagii, mayee haweenkayaga iyo carruurtayada baan doorannay oo aad noo soo celinaysaa…

Suuye Rasuulku scw: Wixii aniga iyo Reer Binul-Muddalib ku soo aaday waa idinku wareejiyey, dabadeed marka aan duhurka tukanno oo aan dadka salaadda ka saaro waxaad tiraahdaan: Rasuulka Alle waxaan magaciisa Muslimiinta ku weyddiisanaynnaa, Muslimiintana Rasuulka Alle ku weyddiisanaynnaa in carrruurtayada iyo haweenkayaga naloo soo celiyo, markaas baan anigu wixii aan masuul ka ahay idinku soo wareejinayaa…

Sidii bay yeeleen oo markii duhurkii laga baxay bay sidii u hadleen ooyeen: Rasuulka Alle waxaan Muslimiinta ku weyddiisanaynnaa in haweenkayagii iyo carruurtayadii naloo soo celiyo, Muslimiintana waxaan Rasuulka Alle ku weyddiisanaynnaa in haweenkayagii iyo carruurtayadii naloo soo celiyo, markaasuu Rasuulkii Alle scw yiri: Wixii aniga iyo Reer Cabdul-Muddalib aannu haynno waa idin celiyey, sayeen Muhaajiriintiina: Annaguna wixii aan helnay Rasuulka Alle baan ku wareejinnay, Sayeen Ansaartiina: Annaguna wixii aan haynnay Rasuulka Alle scw ayaan ku wareejinnay, Al-Aqrac bin Xaabbis wuxuu yiri: Aniga iyo Reer binuu Tamiim waa diidnay, Cuyiinah bin Mixsinna wuxuu yiri: Aniga iyo Reer binuu Fazaarana waa diidnay, suuye Cabbaas bin Mardaasna annaga iyo Reer binuu Saliimna waa diidnay, sayeen: Binuu Saliim wixii aan haynnay Rasuulka Alle ayaan u ku wareejinnay, suuye Cabbaas: waa i dhabar jabiseen, suuye Rasuulku scw: Dadka saamigoodii ceshaday qof kasta waxaa laga siinayaa lix saami waxa koowaad oo na soo gala ee duulka haweenkooda iyo carruurtooda u celiya…

Rasuulkeennu scw boojimooyinkii Xunayn Cali bin Abu Taalib wuxuu ka siiyey gabar la yiraahdo Raytah bintu Hilaal bin Xayaan oo Reer binu Sacad bin Bakar ah, Cismaan bin Cafaanna wuxuu siiyey gabar kale oo la yiraahdo Zaynab bintu Xayaan, Cumar binul-Khiddaabna wuxuu siiyey gabar kale markaasuu u hibeeyey wiilkiisa Cabdullaahi bin Cumar….Cabdullaahi bin Cumar wuxuu yiri: Gabadhii aabbahay nabigu scw siiyey oo aniga uu ii hibeeyey intaan abtiyaashay Reer binu Jumax u gaystay baan ku iri: ii sii diyaariyey si markii aan soo dawaafo aan ula aqal galo, saa waxaan arkay dadkii oo kala yaacaya, markaasaan weyddiiyey sida wax u jiraan?

Markaasay igu yiraahdeen: Rasuulkii Alle scw baa haweenkayagii iyo carruurtayadii noo soo celiyey, markaasaan ku iri: war gadhiinna Reer binuu Jumax la joogtana horay u sii kaxaysta…markaasay sii kaxaysteen, Cuyiinah bin Muxsin isagu habar uu haystay oo haweenkii Hawaazin ka mid ah buu ku dhagay oo diiday inuu celiyo, oo wuxuu yiri: waxaan filayaa inay habartaani dad ka dhalatay oo ay qiimo badan ii goynayso, saa markii Rasuulku scw amarka ku bixiyey in haweenka iyo carruurta loo sii daayo Hawaazin buu diiday inuu celiyo, saa Zahiir bin Surad baa ku yiri: iska hayso, wallaahay baadan ka helayn af qoyan iyo horaad taagan, iyo uur dhalaya iyo naaso irmaan, iyo say u nool toonna, markaasuu iska celiyey oo oggolaaday lixdii saami ee nabigu scw u sheegay…

Rasuulkeennu scw markii uu Reer Hawaazin haweenkoodii iyo carruurtoodii u celiyey buu weyddiiyey Maalik bin Cowf, waxayna u sheegeen inuu Daa’if ku dhuumanayo, markaasuu ku yiri: u sheega haddii uu isagoo soo islaamay ii yimaado dadkiisii iyo maalkiisii waa u celinayaa boqol halaad oo geel ahna waa siinayaaye…Saa markii ay farriintii gaartay buu wuxuu ka baqay Reer Thaqiif haddii ay maqlaan arrintaas inay xayiraan oo ka diidaan inuu aado, sidaas daraaddeed dad buu ka codsaday inay rukuubkiisa u raraan oo meel durugsan u geeyaan oo u diyaariyaan, dabadeed goor habeen ah buu faraskiisii qaatay oo intuu rukuubkiisii u tagay oo ku dhacay buu Rasuulkii Alle scw u tagay oo wuxuu ku gaaray isagoo weli Jacraana jooga, markaasuu Rasuulku scw u celiyey ehelkiisii iyo maalkiisii boqol halaad oo geel ahna waa uu siiyey, markaasuu si fiican u soo islaamay oo diinta ku dhagay, waxaana loo magacaabay inuu madax u noqdo tolki iyo wixii ka soo islaamay qabiilooyinka Daa’if goonyaheeda dega, markaasuu Thaqiif dagaal ku qaatay oo xoolihii u sofaba ka qaaday oo neefta ku ciriiryay…

Rasuulka Alle scw markii uu Hawaazin haweenkoodii iyo carruurtoodii u celiyey bay dadkii ku soo heenteen oo yiraahdeen: Rasuul Allow noo qaybi balaladayada geela iyo ariga leh, oo waa isa soo buurteen oo Rasuulkii Alle scw geed ku riixeen oo go’ii kala haray, markaasuu yiri: Waryaada war go’ayga ii soo celiya! Geedaha Tihaama geel tiradiisu tahay haddii aan hayn lahaa waa idiin qaybin lahaa oo bakhaynimu iyo fulaynimo iyo beenaale toonna iguma aydaan barane…. dabadeed ritigiisa kuriskiisa intuu dhogor yar ka soo qaaday oo saa u bitiyey buuye: Wallaahay baanan balaladiinnii ka reeban wax dhogortaas le’eg oo aan Khumuskii ahayn, khumuskana waa idiinku daray…, ee wixii la soo helo kulay dun ama maxaad ku tahay keena oo yaan wax la boolyin, boolida ciddii qaadatay adduunka waa ku ceeb aakhirana fadeexad iyo cadaab baa ku sugaysee…

Saa nin baa yiri: Rasuul Allow waxaan anigu soo qaatay bahashaan yarta ah oo aan doonayo inaan ritigayga reeryo uga sameeyo, suuye Rasuulkii Alle scw: anigu saamigaygii waa ku cafiyey….Suuye: Haddii ay heerkaas gaartay dooni mayo intuu iska soo tuuray…

DUQAYDII LA MAAL GALIYEY SI AY DIINTA U TAAGEERAAN…

Ibnu Isxaaq wuxuu ka wariyey Cabdullaahi bin Abi Bakar inuu yiri: Rasuulkii Alle scw dadkii la soo jiidayey xoolo gooyo siiyey, kuwaas oo ahaa duqayda beelaha madaxda u ahayd iyo wax garadkii tolkood, isagoo doonaya inay islaamka si fiican u qaataan oo jeclaadaan, waxaana ka mid ahaa duqaydaas:

1- Abu Sufyaan bin Xarbi wuxuu siiyey boqol geel ah
2- Mucaawiye bin Abi Sufyaan wuxuu siiyey boqol geel ah
3- Xakiim bin Xazaam wuxuu siiyey boqol geel ah
4- Nadiir binul Xaarith wuxuu siiyey boqol geel ah
5- Calaa bin Jaariya Athaqafi oo binu Zahra xulufo la ahaa wuxuu siiyey boqol geel ah
6- Al-Xaarith bin Hishaam wuxuu siiyey boqol geel ah
7- Safwaan binu Umayah wuxuu siiyey boqol geel ah
8- Suhayl bin Camar wuxuu siiyey boqol geel ah
9- Xuwaydab bin CabdulCuzaa bin Qays wuxuu siiyey boqol geel ah
10- Cuyiinah bin Xisni wuxuu siiyey boqol geel ah
11- Al-Aqrac bin Xaabis Attamiimi wuxuu siiyey boqol geel ah
12- Maalik bin Cowf wuxuu siiyey boqol geel ah

Waxaa iyana jiray rag Quraysh ah oo la siiyey geel boqol ka yar waxaana ka mid ahaa Makhramah bin Nowfal oo reer Zahar ahaa, Camiir bin Wahab oo Reer binuu Jumax ahaa, Hishaam bin Camar oo Caamir bin Lu’ay ahaa inta la siiyeyna lama xafidin, Siciid bin Yarbuuc oo Reer Binuu Makhzuum ahaana wuxuu siiyey konton geel ah, Assahmina konton geel ah buu siiyey, Cabbaas bin Mardaasna konton geel ah buu siiyey, markaasuu saluugay oo ka carooday oo gabay ka tiriyey uu Rasuulka ugu cabanayo, markaasuu Rasuulku scw yiri: Ordaya ninka carrabkiisa iga gooya markaasaa loo kordhiyey geelee, taas oo carrabkiisa gooysay oo cabashadiisii joojisay…

Nin saxaabadiisa ka mid ah baa Rasuulka scw ku yiri: Rasuulkii Allow Cuyiinah bin Mixsin iyo Aqrac bin Xaabbis waxaad siisay boqol boqol geel ah Jaciil bin Suraaqa Addamariina waa aad qadisaye?

Suuye Rasuulkii Alle scw: kii naftaydu gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye Jaciil bin Suraaqa baa khayr badan waxa dhulka ka buuxa oo dhan oo Cuyiinah bin Xisni iyo Aqrac bin Xaabbis ka mid yihiin, laakin waxaan labadooda wax u siiyey inay soo islaamaan Jaciil bin Suraaqana islaamnimadiisaan ku halleeyey….

Muxammed bin Isxaaq wuxuu ka wariyey Cabdullaahi bin Al-Xaarith bin Nowfal inuu yiri: aniga iyo Taliid bin Kilaab oo Reer Layth ahaa baan waxaan u nimid Cabdullaahi bin Camar bin Al-Caas oo kabihiisii gacmaha u suran yihiin oo Kacbada ku dawaafaya markaasaan ku niri: ma la joogtay maalintii Xunayn markii uu Rasuulka scw la hadlayayey ninkii Reer Tamiim?

Suuye: Haa, Nin Reer Tamiim ah oo la yiraahdo Dhex yare (Dul-Khuwaysarah) baa Rasuulka Alle scw oo dadkii wax siinaya u yimid oo soo ag istaagay, ooye: Muxammadow, waa arkay wixii aad maanta samaysay!

Suuye Rasuulkii Alle scw, haye, sidee u aragtay?
Suuye: Caddaalad kuguma arag!

Markaasuu Rasuulkii Alle scw carooday ooye: War hooge, haddii agtayda caddaalad laga waayo ciddee caddaalad laga helayaa! Saa Cumar binul-Khiddaab baa yiri: Rasuul Allow sow inaan dilno ma aha?

Suuye: maya, faraha ka qaada wuxuu yeelan doonaa taageerayaal diinta tiimbada ilaa ay ka baxaan, sida fallaartu uga baxdo ugaarta lagu dhufto, oo markii caaraddeeda la eego aan waxba lagu arag oo markii daabka la eego aan waxba ku ool oo markii dabada la eego aan waxba ku ool, iyadoo dhiiggii iyo uuskiiba ka dheeraysay……

Warin kalana waxay leedahay waxaa nabiga scw u yimid nin madax taallooga leh iyo dhafoor soo taagan iyo indho god ku jira iyo koodad dhaadheer, markaasuu yiri: Rasuulkii Allow Alle ka baq…!

Suuye: War haddii aanan anigu Alle ka biqin yaa ka baqaya, sow anigu waxa dhulka jooga inaan Alle ka baqo uma mudni, warin badan baa ninkaas ku soo aroortay waxaana ka mid ah, markii uu iska dhaqaaqay bay Cumar iyo Khaalid yiraahdeen: Rasuul Allow aan qoorta ka goynno, markaasuu yiri: iska daaya waxaa dhici karta inuu tukadee, sayeen: intee baa tukanaysa oo aysan diintu qalbigooda jirin…

Suuye: aniga la iima dirin inaan dadka qalbiyadooda qodo…

Waxaa kale oo riwaayadaha ninkaas ka mid ah inuu Rasuulku scw yiri: ninkaas waxaa asalkiisa ka soo bixi doona dad Quraanka oo qoyan akhrinaya oo uusan qalbigooda gaarahayn, oo sidii fallaartu neefka uga baxdo diinta uga baxaya…

Xaddiiskaan macnahiisu waxay weeye dad diinta ku talax tagaya oo xadkeeda dhaafinaya oo marka dambe dhinaca kale uga tallaabaya, sida gamuunka ugaarta markii lagu dhufto dhinaca kale uga muur baxo, waxaa jiray fallaaro afka ku leh bir fiiqan oo caarad af badan leh, isla markaasna leh dabo qaansada u qabsata, marka leebkii ugaarta ku dhaco oo dhinaca kale uga baxay oo la arkay isagoo aan uus iyo dhiig toonna lahayn, oo caaraddiisii iyo ushiisii iyo dabadiisiiba qallalan yihiin oo aysan waxba ka raacin sidaas bay diinta uga baxayaan iyagoo qallalan oo aan diintii waxba ka raacin, waa mataal xeel dheer oo Rasuulkeennu scw Khawaarijta ku mataalay, ninkaas baana ugu horreeyey nin fikradda Khawaarijta xanbaarsan, wuxuuna ahaa Reer Binuu Tamiim oo Najdi dagi jiray…

Abu Jacfar wuxuu ka wariyey Abi Siciid Al-Khudri inuu yiri: ninkii nabiga scw sidaas ula hadlay wuxuu ka hadlayey xoolo Cali bin Abi Taalib Yaman ka keenay oo nabigu scw u qaybiyey koox ay ka mid ahaayeen Cuyiinah bin Xisni iyo Aqrac bin Xaabis iyo Zaydul-Khayl…

Ibnu Isxaaq wuxuu Cabdullaahi bin Abu Bakar ka wariyey inuu yiri: Nin ka mid ah raggii ka qayb galay goobtii Xunayn baa wuxuu yiri: Wallaahay anigu Rasuulka Alle scw oo hashiisii fuushan feer socda, oo gashan kabo qallafsan bay hashaydii hashii nabiga scw ciriiriday saa kabtayd geeskeeda baa Rasuulka kubkiisa ku dhacday oo xanuujisay, markaasuu cagta jeedal iiga dhuftay ooye: Waad i xanuujisay ee gadaal iiga bax, markaasaan ka durkay oo iska tagay, mise maalintii xigtay Rasuulkii Alle scw baa i goobaya, markaasaan iri waxaa lagu raadinayaa lugtii Rasuulka scw ee aad shalay xanuujisay, markaasaan u tagay Rasuulkii Alle scw markaasuu igu yiri: Waxaan kuugu yeeray jeedalkii aan shalay kugu dhuftay inaan qaantiisa ku siiyo markaasuu i siiyey siddeetan sabeenood oo uu ii siiyey nabarkii uu igu dhuftay…

Rasuulka Alle scw caaddil sanaayaa oo naxariis badnaayaa, jeedal uu ku dhuftay cag kab qallafsan ku jirta buu ka siiyey siddeed neef oo ido ah, iyadoo nabarkii isaga soo gaaray uu ka xanuun badnaa, sidaas buu nabigeennu scw isaga ilaalinayey dadka xaqooda oo wuxuu jeclaa in mar walba isaga buro laga wado, Muslimiintu haddii ay nabigooda scw dhaqankiisa ku dayan lahaayeen adduun iyo aakhiraba waa ay guulaysan lahaayeen…

Ibnu Isxaaq wuxuu Abi Saciid Al-Khudri ka wariyey markii uu Rasuulku scw dad Quraysh iyo qabaa’il kale oo Carbeed ka tirsan xoolo gooyo siiyey iyadoo aan Ansaar dadkii wax la siiyey cidi uga jirin, baa waxaa dhacday inay beeshii Ansaartu carootay oo dudmo muujisay, iyadoo hadallo la isla dhex xulay oo ay qaar yiraahdeen: Wallaahay Rasuulkii Alle tolkiis buu helay, saa waxaa Rasuulka scw u yimid Sacad bin Cibaadah ooye: Rasuulkii Allow beeshii Ansaartu waa ay kaa dudeen markii aad faygii aad soo heshay hanti badan siisay tolkaa iyo Qabaa’il Carbeed oo kale, iyadoo aan beesha Ansaar waxba laga siin, suuye Rasuulkii Alle scw: Adigu Sacad ahaan xaggee arrintaas ka taagan tahay?
Suuye: Anigu nin tolki ka mid ah baan ahay Rasuul Allow…

Suuye Rasuulkii Alle scw: tolkaa ii shiri

Markaasuu Sacad Ansaar isugu keenay meel xero ah, saa waxaa u yimid rag Muhaajiriin ah suu waa ka leexday oo waa dhex galeen, saa kuwa kalaa u yimid suu waa celiyey markii ay shireen buu Sacad Rasuulkii Alle scw u yimid oo ku yiri: Rasuul Allow beeshii Ansaar waa kuu shirsan tahay, markaasuu Rasuulkii Alle scw u tagay oo intuu Alle mahadiyey oo wuxuu mudan yahay ku ammaanay buu dabadeed yiri: “Kulanka Ansaareey waxaa i soo gaaray inaad iga dudeen oo aad wax iga tabanaysaan, ma waana idiin imaan idinku lunsan oo Alle idinma hanuunin? Oo cayr ah oo Alle idinma coodin? Oo cadow isu ah oo Alle laabtiinna isuma xaarin!

Sayeen: Haa, Alle iyo Rasuulkiisa baa abaal iyo galladba leh!
Suuye: kulanka Ansaareey maad ii jawaabtaan?
Sayeen: maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Allow, Alle iyo Rasuulkiisa baa abaal iyo galladba lehe!

Suuye: Wallaahay waxaad oran kartaan haddii aad doontaan oo run ah, adigoo lagu soo beeniyey baad noo timid markaasaan ku rumaynnay, oo hagroon oo kuu hiillinay, oo lagu soo cayrshay oo ku soo hoyinnay, oo cayra ah oo ku caawinnay, Kulanka Ansaareey ma waxaad iiga duddeen, markii aan hanbo yar oo adduunyo ah siiyey duul aan ku soo jiidayo oo doonayo inay soo islaamaan anigoo idinka islaamnimadiinna idinku halleeyey?! Mawaydaan Ansaareey raalli ku noqonahayn inay dadka kale ari iyo geel la tagaan idinkuna aad Rasuulkii Alle kaxaysataan oo degaankiinna la aaddaan? Kii nafta Muxammad gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye, haddii aysan hijradii jirteen qof Ansaarta ka mid ah baan ahaan lahaa, dadka kale oo dhan haddii ay waddo qaadaan Ansaarna ay waddo qaaddans waddada Ansaar baan qaadayaa, Allow Ansaar u naxariiso iyo Ilmaha Ansaarta iyo Ilmaha Ansaarta ilmahooda….”

Markaasay Ansaartii oohin la dhaceen ooyeen: Raalli baan ku nahay haddii aan Rasuulka Alle saami iyo qayb u helnay…, markaasuu Rasuulkii scw ka tagay oo la kala dareeray….

NUXURKA CASHARKA:
Casharkaan waxaan ka baranaynnaa duruus badan:

1- Marka koowaad waxaan soo aragnay sidii nabigeennu scw beeshii Hawaazin ee hoggaankooda xun jabiyey oo dagaal dulmi ah soo galiyey sidii uu markii ay soo islaameen oo soo hoydeen u taageeray oo garabka u siiyey, taas oo muujinaysa naxariistii iyo waxgaradnimadii Rasuulkeenna scw…

2- Rasuulkeennu scw beeshaas wuu u tabeeyey oo wuxuu u dhisay qaabka ay Muslimiinta wax uga heli karaan oo wuxuu doonayey inay muslimiintu iyagoo raalli ah ay dadkooda u celiyaan, marka koowaad wuxuu u sheegay inaysan isku heli karin dadka iyo duunyada ee ay mid doortaan, marka labaadna wuxuu u sheegay inay Muslimiinta oo dhan codsigooda u soo jeediyey oo aysan isaga kaliya ka codsan si uu taageero ugu heli, isagaana bilaabay oo naftiisa iyo jifidiisa wixii ay saamiga u heleen ku yaboohay,dabadeed waxaa ku dayday dadkii iimaanka sare lahaa waa Muhaajiriin iyo Ansaar, reer binuu Saliim oo ka mid ahayd beelihii goor hore soo islaamay baa iyaduna ku yaboohday oo ugaaskoodii oo iimaan laawe ahaa khilaafay, laba ugaas oo aan diintu weli qalbigooda galin baa diiday iyagana waxaa loo ballan qaaday in gadaal looga gudi doono woxooda sidaas buuna nabigu scw dhibkaas u xalliyey…

3- Waxaan kale oo soo aragnay nin nabigeenna scw ku dhacay oo xanuujiyey oo nabigu jeedal kabta dusheeda uga dhuftay oo haddana u mag dhabay oo siiyey siddeetan ido ah, iyadoo nin moodayey in isaga eed loo haysto oo xanuunkii uu nabiga scw gaarsiiyey laga gudayo baa isagii xoolo uusan filahayn la siiyey, taasi waxay muujinaysaa daacadnimadii Rasuulka oo la doonayo inay madaxda Muslimiintu uga daydaan oo wixii shacabkooda ay gesytaan gudaan wixii iyaga soo gaarana u samraan..

4- Waxaan soo aragnay sida nabigeennu beelihii diinta ku soo biiray laakin aan weli iimaanka fiican yeelan uu duqaydoodii xoolaha u siiyey isagoo doonaya inuu soo jiito oo ay diinta soo galaan, maxaa yeelay duqayda beeluhu waxay haysteen cad dheeraad ah oo dadka ay maamulaan ku haysteen marka haddii taladii lagala wareegay waa inay gartaan inaan la casilin ee ay islaamka dhexdiida ku helayaan xurmo iyo xulquumba, taasina waxay keentay inay badankoodii noqdeen rag adag oo diinnta darbi u noqday, Maalik bin Cowf oo colaaddii u dambaysay hoggaaminayey markii nabigu scw dadkiisii iyo maalkiisii u celiyey oo boqol halaad oo soo jiidid ah siiyey wuxuu bilaabay inuu Taa’if duullaan joogto ah ku qaado oo ay markii dambe dani baddo inay nabiga scw u soo hoydaan oo ergo u soo dirsadaan diinta u qaadda…. Oo horseedday inay soo islaamaan…

5- Xoolihii badnaa ee la siiyey dadkii diinta loo soo jiidayey waxaa laga qadiyey dadka iimaanka fiican leh oo dhan, oo Ansaartu kow ka tahay, xoolahaasi waxay ahaayeen khumuskii laga saaray xoolihii la saanyaday oo nabiga scw baa xaq u leh oo meeshii uu garto inay maslaxaddu ku jirto ku bixiya, waxaa kale oo ku jiray hanti Cali bin Abi Taalib ka keenay Yaman oo dahab ceeriin ka mid ah oo iyaduna khumuskii Sakada ahayd, marka hantidaasi ma ahayn tii mujaahidiintu saamiga u lahaayeen ee waa Khumuskii laga saaray oo lix kun ee geel ah khumuskiisu waa 1200 oo halaad wixii kalana waxaa laga guday xoolahaas Cali keenay, marka nabigeennu scw sidaas uu yeelay waxay ahayd si shareecadu u bannaysay waxayna ahayd xigmad qiimo badan ku fadhida maxaa yeelay markii ay duqaydaasi diinta taageereen Muslimiintu waxay heleen awood ay adduunka oo dhan ku qabsadaan oo ku helaan hanta aan la koobi Karin, oo beelahooda ayaa ka mid ahaa kuwii Ciraaq iyo Shaam gacanta ku soo dhigay….

6- Ansaartu markii ay ka cabatay arrintaas oo qaarkood moodeen inuu Rasuulku scw tolkiis helay oo ka tashaday, markii iyaga xoolahaas laga qadiyey inkastoo ay saamigoodii qaateen Rasuulkeenna oo ahaa hoggaamiye dad yaqaan ah wuxuu u qanciyey si calooshooda furtay oo gacalnimo ku beertay wayna la dareemeen sida Rasuulku scw wax u maamulay maxaa yeelay wuxuu u sheegay qiimaha ay iyagu agtiisa ka leeyihiin kuwa uu wax siiyayna inuusan u siin gacalnimo ka haysa oo uu doonayo inay islaamka taageeraan oo ciidan u noqdaan oo dhammaantood dantoodu ku jirto, iyaguna waxay raalli ku noqdeen inay Rasuulkii Alle saami u heleen maxaa yeelay waxay garanayeen Rasuulka scw qiimaha uu leeyahay oo waxay ahaayeen dad Alle iimaan siiyey oo aakhiro doortay oo adduunyada awalba ka tashaday Allaha raalli ka wada noqdee…

7- Waxaa iyana xusid mudan ninkii qalbiga adkaa ee Rasuulka Alle scw ku aabyooday oo ku sheegay inuusan caddaalad sameen sidii Rasuulka Alle scw ka yeelay, Rasuulka scw ma ahayn daaquudyada iyo kuwa diinta dadka ku cabburiya oo ciddii ka hor timaadda cadaaba oo qoorta ka gooya, Rasuulku scw wuxuu sheegay ninkaas inaan far la saarin oo la iska daayo, isagoo sheegay inay dhici karto inuu tukado, isagoo doonaya inuu saxaabadiisa darsi siiyo marna ku qanciyo inaan qofka la iska dili Karin, markii ay yiraahdeen: Waxaa jira dad tukada oo aysan diintu qalbigooda jirinna wuxuu ugu jawaabay: aniga la iima dirin inaan dadka laabtooda qodo oo waxa ku jira baaro…

8- Rasuulku scw wuxuu sii sheegay inay ninkaas duudkiisa ka soo bixi doonaan dad Quraanka akhrinaya oo uusan qalbigooda gaarahayn, oo diinta ku talax tagaya oo marka dambe sidii leebku neefka lagu dhufto uga baxo diinta uga baxaya, kuwaas oo khawaarijta lagu sheegay sharkooda Allaha Muslimiinta ka badbaadiyee…

Filed in: Articles, Radio Waaheen

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.