Booliska Mozambique oo baadhaya cidda soo abaabusha dilalka ragga bidaarta leh

Booliska gobolka Zambezia ee bartamaha dalka Mozambique ayaa sheegaya in uu ballaadhinayo baadhitaannada ka dhanka ah sare u kaca dilalka loo gaysto ragga bidaarta leh.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay dhowr nin oo bidaar leh.

Booliska ayaa ka shakisan dadka wax ku dabiiba dawo dhaqameedka in ay faafinayaan warar aan sal lahayn oo ah in dahab uu ka buuxo madaxyada ragga bidaarta leh, iyagoo rajaynaya in madaxyadaasi loo keeni doono si ay ugu curaaftaan oo ay qeyb ahaan ugu isticmaalaan daweyntooda.

Ilaa iyo haatan booliska ayaa waxa ay soo xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay dileen rag bidaar leh, haatanna waxa ay baacsanayaan dadka soo abaabulay weerraradan lagu bartilmaameedsanayo ragga bidaarta leh.

Afhayeen u hadlay booliska gobolkaasi Zambezia ayaa sheegay in inta badan dadka dambiilayaasha ah ee falalkan ku kaca ay ka yimaadeen dalalka dariska ah.

Booliska deegaanka ayaa sidoo kale ka walaacsan dilalka ka dhanka ah dadka Albinaha loo yaqaan ee jirkooda uu ka maqan yahay maadada midabka keento, iyadoo lagala baxayo qaar ka mid ah unugyadooda jirka, arrimahaasi oo dhammaantood ah kuwo ku yimid curaaf ama in lagu faashado.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Wariye Jimcaale Dayib oo Maalintii 5aad Sifo Sharci daro ah ugu Xidhan Maayarka Gabiley
Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland  
Gud Ku xigeenkii Xisbiga Waddani Ee Gobalka Saaxil Oo La xidhay
Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga ka Jaray library Loogu Magacdaray
Ciraaq oo ku dhawaaqday in la soo af jaray dagaalkii “Dawladda Islaamka”
Lubnaan: Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.