Qaramada Midoobay oo Dawladda Somaliya ka aqbashay Eriga wakiilkii hay’adda FAO ee Somaliya iyo Somaliland

0
79

Hargeysa(Waaheen) Dawladda Somaliya ayaa Somaliland iyo Somaliya ka Eriday wakiilkii hay’adda qaramada midoobay ee FAO Rechard Trenchard, kaasoo uu wasiirka Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliya Yuusuf Garaad ku Eedeeyey dhaqan xumo iyo inaanu lahayn karti uu ku maamulo xilka uu u hayey FAO.

Eriga wakiilkii Somaliya ee Hay’adda FAO ayaa bedelkiisii ay hay’adaasi soo buuxisay, iyadoo si ku meel gaadh ah ugu magacawday Danielle Donoti, inta laga soo magacaabayo qof kale oo rasmi ah, maadaama Qaramada midoobay u hogaansanaatay Amarkii Dawladda Somaliya.

Amarka lagaga saaray Ergayga FAO Somaliya oo ay xukuumadda Somaliya u dirtay Qaramada Midoobay 13/06/2017, Tix-raaciisuna ahaa REF:MFA/SFR/PS/3154/2017 ayaa loogu qabtay muddo sadex cisho gudahood ah inay Qaramada midoobay ku soo bedesho, waxaanu ahaa qoraal Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliya si adag ugu soo jeediyey Eedo masuulkaas la bedelay.

Eeda ugu culus ee loo jeediyey Wakiilka la bedelay ee FAO Somaliya ayaa ahayd in uu ka caga jiiday in uu madaxda Somaliya kala shaqeeyo hawlihii gurmadkii Abaaraha, iyagoo sheegay in aanu wax fur fur naan ah u muujin wasiiradda iyo wasaaraddaha ay hay’adaasi wadashaqaynta leeyihiin.

Somaliya waxay u adeegsatay Eriga wakiilkii hore ee FAO Heshiiska Caalamiga ee ay Somaliya saxeexday  ee qodobka 25aad ee soo baxay 1947-kii, faqradiisa 1aad, wax ka bedelna lagu sameeyey 1961, kaasoo awood usiinaya dawladda Somaliya inay dalkeeda ka saari karto masuuliyiinta Hay’addaha Qaramada Midoobay haddii ay ku xad-gudbaan shaqada ay hayaan.

Qoraalka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliya u dirtay Hay’adda FAO iyo Qaramada Midoobay oo Nuqulkiisa ay Waaheen heshay, isla markaana ogaatay warka ku saabsan bedelka Wakiilkii hore ee FAO ayaa muujinaya inay Dawladda Somaliya awood u leedahay inay bedesho masuul kasta oo ay u aragto inaanay la shaqayn Karin.

Amarka Eriga Wakiilka FAO ayaa saamayn ku leh Somaliland, maadaama uu wakiilka la soo magacaabaa maamulo xafiisyadda ay FAO ku leedahay Somaliland iyo Somaliya, hase yeeshee aan waxba laga weydiin xukuumadda Somaliland.

Wakiilka la Eryey ee FAO ayaa si la mid ah nidaamka ay Somaliya ku qawaday hawl maalmeedkiisa shaqo iyo taageero la’aanta dadka Somaaliyeed ula macaamili jiray Somaliland, iyadoo aanay hay’adda FAO iyo hay’addaha kale ee qaramada midoobay ka jawaabin codsiyadii wax lagaga qaban lahaa xaaladdii abaaraha eek u dhufatay Somaliland.

Sidoo kale, Hay’adda FAO iyo hay’addaha kale ee Somaliland ka hawl-gala ayaa xilliyadan danbe noqday kuwo aan waxba isaga tiring ama aan aqbalin awaamiirta wasiiradda Somaliland, taasoo ay kuu muujinayso inaanay jirin mashariic wax ku ool ah oo ay dalka ka wadaan.

Maamul xumo iyo dhaqaale la’aan ayey xafiis kasta oo qaramada midoobay ahi jawaab kaaga dhigayaan mar kasta oo wax laga weydiiyo mashaariicda dalka looga baahan yahay, gaar ahaan kuwa Gurmadka abaaraha iyo ka soo kabashada, halka aya Somaliya ugu dhago nugul yihiin marka ay amar ku siiso fulinta mashaariicda ay uga baahato.