Boob lagu hayo Dhulka Madaarka Hargeysa iyo Dekeda Berbera oo Laga Digay

0
53

Hargeysa(Waaheen) wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta somaliland siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay mustaqbalka uu 10 sano ka dib yeelan doono madaarka caasimada Hargeysa.


Ugu siyaasi Cabdikariim oo soo xiganaya wasiirka hawlaha guud ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dhiilada iyo walaaca uu wasiir uu Cali Mareexaan ka qabo mustaqbalka airportka Hargeysa, ayaan la qabaa horena u qabay!! Wasiirku wuxuu yidhi hadal marka aad dhuuxdo macno
Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook  waxa uu si si weyn uga digay in la qaybsado dhulka madaarka, waxaanu sheegay inuu wasiirka hawlaha guud la qabo walaaca ku saabsan mustaqbalka dhulka madaarka.