Xukuumadda oo xabsiga dhigtay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Saylac iyo sadex ka tirsan shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka oo kala Iibsaday kaadhadhkii cod-bixinta

0
47

Saylac(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkan xidhay Xildhibaan Axmed Muxumed Barkhadle oo ka tirsan Golaha deegaanka Saylac, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Selal, waxaana lagu Eedaynayaa isaga iyo sadex qof oo kale oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka inay kala Iibsadeen kaadhadh kuwa Cod-bixinta ah oo dadkii lahaa ay maqnaayeen.

Xildhibaan Axmed Muxumed iyo sadexda xubnood ee kale-ba waxa la xidhay toddobaadkan kadib markii uu khilaaf xoogani ka qarxay golaha deegaanka Saylac, kaasoo uu xildhibaanka xidhani ka mid ahaa xubnaha ridayey Maayarkii hore, arrintaas oo dhalisay fadeexado kala duwan oo ay ka mid tahay musuq maasuqa imika lagu Eedaynayo oo uu markii hore xisbiga Kulmiye kuwada socdeen balse imika lagu soo saaray xildhibaanka si uu uga tanaasulo mucaaradada uu ku wado maayarkii xilka laga qaaday oo ay xukuumaddu diiday xil ka qaadistiisa.

Illaa hada si rasmi ah looma oga tirade kaadhadhka la lunsady si doorashada loogu xado, hase yeeshee sida uu ku soo waramayo wariyaha gobolkaasi waxa ay komishanka Doorashooyinka iyo xukuumadduba wali ku adkaysanayaan eeda afartan nin loo haysto ee kaadhadhka, halka ay wali ka taagan tahay khilaafkii golaha deegaanku.

Xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka midkood-na illaa hada kamuu hadal dhacdadan loo xidhay afarta xubnood, waxaanay u egtahay haddii eeda loo haystaa taas kaadhadhka uun tahay in uu jiro Heshiis qarsoodi ay oo ay Kulmiye iyo Komishanka Doorashooyinku hoos ugu dhigayaan dhacdadan oo haddii aan wax laga qaban horseedi karta in goboladda kale-na ay ka jiraan wax is daba marin tan oo kale ahi.

Ilo dheeraad ah ayaa sheegaya sababta loo qarinayo inay tahay in lagu xaliyo muranka golaha deegaanka Saylac, hase yeeshee waxay u muuqataa in aanay cida mashruucan dabada ka riixaysaa wali ku guulaysan ujeedadoodii maadaama khilaafku sii cakirmayo.

Xisbiga Kulmiye ayaan isna dhinaciisa wali ka hadal xadhiga Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Selal, waxaanu u muuqdaa in uu saamayn weyn ku leeyahay xadhiga guddoomiyahooda, maadaama uu ka horyimi danihii Xisbigu ka lahaa Maayarada degmooyinka in aan la bedelin xilligan Doorashada oo uu xisbigu danaynayo sii joogitaankooda oo aan ololaha looga maarmayn.