“Danta Somaliland Ayaa Ku Jirta In Ay Doorashadu Dhacdo 13 November Ee Sanadkan ” Wasiirka Cadaani

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa waxaa uu ka hadley kulamo shalay dhex maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Somaliya
Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacada BBC waxaa uu sheegay in Safiirka Hargeysa yimid ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka isa markaana ay u cadeyeen in labadii jeer ee hore  doorashadu dib u dhacdey ay daruufo keenen  balse iminka ay doorashadu dhici doonto wakhtigii loo qoondeeyey ee 13 NovemberSidoo kale Wasiir Cadaani ayaa waxaa uu carabka ku dhuftey in doorashada oo xiligeeda  dhacda ay ku jirto danta Somaliland waxaana uu yidhi

” Safiirka Mareykanka Ee Hargeysa yimid waxaanu u cadeynay in labadii jeer ee ay doorashoyinku dib u dhaceen in ay keenen daruufo gaar ahi oo ay diyaar u ahayeen dawlada Somaliland iyo xisbiyada qaran kuba iminkana November 13 keeda diyaar ayaa loo yahay in  qaranka Somaliland doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo .

Umada Somaliland doorashadaas waa u diyaar , dawlada iyo xisbiyaduna waa u diyaar danta Somaliland baana ku jirta in ay doorashadu xiligeeda ku dhacdo ” ayuu yidhi wasiirku

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Wasiiru-dawle Magacaabay
Iiiran: Gabadh Wariye ah oo ka soo dhex muuqatay Sawiro Diinta Lid ku ah oo la cambaareeyey
UK oo 2040-ka laga mamnuucayo gawaadhida cusub ee ku shaqeeya shidaalka
Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare
Xisbiga UCID Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gobolka Togdheer
Shirkadda Adobe oo khadka ka saaraysa barnaamijka Flash Player
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.