Wasaaradda Deegaanka oo Amar ku bixisay in lagaga guuro todoba cisho Gacan Libaax iyo Seere daaqeedka Bookh

0
114

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri X Ismaaciil Maxamuud ayaa soo saartay amar ay buurta Gacan Libaax iyo Seeraha Bookh kaga rarayso dadka xoolo dhaqatada ah.

Amarka waiirka ayaa maamulka deegaankaasi faray in ay dadka kaga raraan mudoo todoba cisho gudahood ah.

Wasiirka ayaa amarkeeda ku sheegtay in dhul daaqsimeedkaasi uu xidhnaan doono illaa bisha labaad ee sanadka 2018. Iyadoo ku war-galisay hay’addaha Amaanka in talaabo laga qaado qofka u hogaansami waaya amarka.

Talaabada wasaaradda deegaanku qaaday ayaa ku soo beegmaya xilli dadka reer miyiga ah ay ku dhufatay abaar baahsan, taasoo sababaha keena loo foodsaaro dadka oo aan helin dhul-daaqsimeed loo seereeyey oo ay ku baxsdaan wakhtiga adag.