Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?

0
119

‘Qoom hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado’

Gananacsadaha Bill Gates ayaa markii olola doorashada dalka Maraykanka lagu jiray, sharsxay nooca hoggaamiye ee dal u baahan yahay kaasi oo dhalin kara hal-abuur lagu hiran karo.

Markaan arkay qeexitaanka hoggaamiyaha uu tilmaamay ganacsadahani ayaan dhankeena soo jaleecay,bal si aan hoggaamiyaha uu sheegay uga dhex baadho raga maanta u orday hoggaaminta dalka,haddana waxaan is idhi malaha isku hoggaamiye ayaydaan sheegay Oday Bill Gates .

Qaybtii hoggaaminta ee dalka lagu hagi lahaa horumar intan ka sareeya waayay ilayn qofka waxa lagu qiimeeyaa waxa uu hore u soo qabtay’e.Iyana xaggii hal-abuur nimada iyada hadal keeda daa, intaa bulshada way dhex socdaan wax uunbay ka doonayaan balse wax ay qaataan uma sheegaan.

‘Qoom hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado’. anigoo hoggaanka wanaagsan baadhaya ayaan isha ku dhuftay Abwaan Cali Seenyo oo maahmaahdan ku xardhay buugga Hoggaan isbeddel horseeda ee uu qorey Dr. Saciid Cali Shire.Haddii qoomku hoggaan dawga horumarka iyo hadaf toosaan ku haga uu waayo wuxuu noqonayaa mid hagaasa.aragtida fog ee ku dhisan siyaasad hadaf leh waxa ay qaabaynaysaa nooca dalku noqonayo.

Haddaba qormadii Bill Gates uu ku sharaxayay hoggaamiyaha wanaagsan bal ila dhugo oo kuweenan ka dhex baadh.

“Hoggaamiyayaasha wanaagan waxa ay leeyihiin awoodda ay ku samayn karaan laba arrimood; shayada daruuriga ah ee baahida aadka ah loo qabo maanta iyo in ay isla markiiba seeska u dhigaany hal-buurnimada lagu noolaan karo tobannaan sanno ee soo socda, qarannaduna ku badbadaan.

Dal ahaan iyo adduun ahaanba, waxa aynu ku tartamayna arrimo kala gedisan oo muhiim ah ay tahay in hoggaamiyayaasheennu ka hawlgalaan-laga bilaabo argagixiso la-dagaalan, shaqo abuur iyo tahriibta.

Hoggamiyaheenna soo socdaa waxa uu qayb ka noqon doonaa koox cusub ee hoggaamiyaaasha dunida ah oo la tacaali doona, halgana u geli doona dhibaatooyinkaas u baahan in deg deg looga jawaabo. Hoggaamiyayaashan waxa ay noqon donaan kuwo kala door bida (Prioritize) hoos u dhigga saboolnimada, in qof kasta caafimaad helo, kor u qaadista koboca dhaqaale- amma waxay noqon doonaan kuwo oggolaada in horumarku istaago. Furaha kaliya ee lagu kala doorbidi karo horumarka waa in la taageero hal-abuurnimada (Innovation).

Marka aan hal-abuur la nimaadno, waxa aynu abuurnay malaayiin shaqo ah, waxa aan dhisnay shirkado adduunka hoggaamiya, waynu caafimaad qabnaa, nolosheenana waxaynu ka dhignay mid wax-soo-saarkeedu badan yahay.

Faa’iidooyinkan waxa ay ka gudbaan xuduudaha, waxay awood siiyaan horumarinta nololeed ee adduunka. Dhaqanka guud ee hal-abuurka dunidu waxa uu horumarsana waqtiyadii sayniska, tiknoolajiyada iyo hoggaamiyayaasha qiimaha leh oo mar waqtiyada la curta si ayu abuuraan mucjisooyin horumariya nolosha casriga ah. Waxa aan aaminsanahay in aynu ku jirno mid ka mid ah waqtiyadaa cajiibka ah.

Tusaalayaasha cajiibka ah ee dunida soo maray wax aka mid ah, hoggaamiye xor ka dhigay hal-abuurnimada dawladnimo iyo ganacsiga gaarka. Waxa ay ahayd 1961-kii markii Madaxweyne John F. Kennedy uu la hadlay Aqalka Sare ee Maraykanka (U.S. Congress). Waxa uu kala hadlay loollan adag oo uu dalka oo dhan la galay si uu nin dayaxa korkiisa u geeyo muddo toban sanno gudahood ah.
Hadda hadalkan waxa uu yimi waqti ay socdeen qalalaase dhaqan iyo mid siyaasadeed, waqti dhaqaalaha iyo ammaanka qaranku uu ciida iyo camaadh ka ahaa wararka u horreeya ee warbaahinta. Madaxweyne Kennedy waxa uu aaminaa in cirka oo la soo eega ay dhiirigelin u nooqnayso qarankiisa si hadafyada iyo riyooyinku u kobcaan, loona gaadho arrimo waaweyn.

Hadalkaas ma uu keenin guul bina’aadam kaliya oo ah in safar dayaxa lagu tegay, balse waxa uu sidoo kale dhiirigeliyey Amerika si ay u dhisato shabakado satalaydyo ah oo wax ka beddeshay habka aynu u wada xidhiidhno guud ahaan amma abuurtay carro-edegaynta (Globalization) waqtigan jira, soona saartay hab cusub oo lagu ogaado xaalad cimileedka lagu jiro (Weather mapping) oo beeralayda ka dhigtay kuwo wax soo saarkoodu fiican yahay.

Haddaynu dhinaca cabsida ka eegno, Madaxweyne Kennedy waxa uu si guul leh ugu baaqay in dalkeenu (Maraykanka) galo xaaladda hal-abuur ee Amerika iyo koboca horumarka Aaddame (American Ingenuity and advance human progress).

Waa muhiim in la xasuusto waxa keenay hawlgalkii dayaxa (Moonshot)- in ay tahay waxa beddelay loollanka siyaasi ee ka dhigay in lau loolamo isbeddel yimaada. In hawlgalka dayaxa lagu loolama waxa ay u baahan tahay ujeeddooyin cad oo soo jiidata khiyaalka qaranka, asal ahaana beddesha sida aynu u aragno macquuliyada. Waxa ay u baahan tahay in la qorsheeyo khayraadka iyo aqoonta dawladda iyo ganacsaiga gaarka ah. Marka aan sidaa samayno waxa aan yagleelnay jid mustaqbal oo ammaan ah, caafimaad qaba, xooggana.
Sababtoo ah, waxa aan ku jirnaa xaalad udub-dhexaad ah. Marka asbaabahaasi u bisladaan hannaan isbeddel oo hal-abuurnimo, waxa imaanaya shayo badan oo ay hoggaamiyayaasha cusub ee qaran keenaan- waxa ka mid ah qof kasta oo loo doorto doorashada Maraykanka bisha November-gaar ahaan in ay gadhaan tobanka sanno ee soo socda. Waxa ay ila tahay in afar ujeeddo aan u xulay ay yihiin kuwa kala doorashada doorbidida hadafyada lagu salayn karo:
1. In qof kasta oo koomka ku nool la siiyo awood uu ku heli karo tamar (energy) oo ay ka reeban tahay in taasi sabab u noqoto dhalan-gediska cilmilada.
2. In la horumariyo talaalka cudur-dhaliyaha HIV iyo dawada cudurrada neerfisyada (neurodegenerative).
3. In duni ahaan laga horago mustaqbalka xannuunada fida oo ka baahis xumaan kara Ebola, kana dilis badnaan kara cudur-dhaliya Zika.
4. In arday kasta iyo macallin kasta la siiyo qalab si loo helo tacliin dunida gaadha (World-class education).”

Waxa aan rajaynaya in hoggaamiyayaasheenu ay ka faa’iidaysan doonaan fursadaha adduunka wax lagaga beddelaayo, iyagoo maalgelinaya macaahid cilmi-baadhiseed oo fursadaha waaweyn ee jira u hal-tebiya/beddela hal-abuur. Marka fikradahan ay ka qaybqataan qaabaynta mustaqbalka waa arrin caafimaad qab ah, wax-soo-saar, isla markaana awood badan. Waanay noqonaysa, sababtoo ah hoggaamiyayaasha adduunku hadday u istagaan in ay mar kaliya qabtaan waxyaabaha muhiimka ah way dhacaysa.Qoraalkan Bill Gates ku daabacay www.gatesnotes.com oo uu hore Afsomali u rogay Ibraahim Khadar

Haddaba adigaa go’aan ka leh ?