Buuhoodle oo gashay xaalad dagaal heshiiska Somaliland iyo Khaatumo kadib

0
143

Buuhoodle(Waaheen) Ciidan Beeleedyo iska soo horjeeda ayaa gaaf-wareegaya gudaha iyo banaanka magaaladda Buuhoodle, kadib Heshiiskii Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo la galeen Somaliland.

Laba Maleeshiyo oo ku hubaysan gaadiidka ciidamadda ee hubku saran yahay oo kala taageersan hor-joogayaasha beelaha Buuhoodle ayaa lagu dhex arkay shalay magaaladda, waxaanay kooxda ka soo horjeeda Cali Khaliif ku hanjabeen inay la wareegeen magaaladda amaankeeda, halka ay ugu baaqeen maleeshiyadda Cali Khaliif taageersani inay ka baxaan magaaladda.

Illaa hada ma jiro wax dagaal ah oo dhex maray labada maleeshiyo, hase yeeshee waxa la filayaa in xaaladdu faraha ka bixi doonto maalmaha soo socda haddii aan xal loo helin hanjabaada iyo Goolaaftanka hadheeyey magaaladda ee ay kala samaynayaan jabhad beeleedyada ka soo jeeda deegaanku.

Cali Khaliif iyo kooxdiiisa ayaa casuumaddo waaweyn ku leh Hargeysa, kuwaas oo ay u samaynayso xukuumadda Somaliland iyo beelaha kale ee degan Somaliland, iyadoo lagu maamuusayo Heshiiska hordhaca ah ee ay hargeysa ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo.