Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.

0
99

llahay ha u naxariistii waxa shalay shil gaadhi ku dhintay askari ciidanka Booliiska ka tirsanaa oo ku magac dheeraa Amarre, waxa uu muddo dheer ka shaqayn jiray Kaantaroolka galbeed ka Hargeisa ee Abaarso la yidhaa, sawiradan waxa aan ka qaaday August 2015 isaga oo shaqadiisa maalinlaha ah gudanaya, waxa uu lahaa astaamo uu kaga duwan yahay dhammaan ciidanka wadooyinka joogsada, Illahay ha u naxariistee waxa uu si daacad ah u baadhi jiray gawaadhiga caasimadda soo galaya iyo kuwa ka baxaya labadaba, waxa uu la dagaalami jiray maandooriyayaasha qarsoodiga kusoo gala sida Khamriga,Daroogada iyo waxyaalaha kale ee sharci darada kusoo gala magaalada.

Illahay ha u naxariistee waxa uu la dagaalami jiray dhallinyarada tahriibaysa isaga oo gawaadhida ka reebi jiray dhallinyarta da’doodu yartahay ee aan waalid la socon, waxaan xasuustaa galab aan u safrayay magaalada Gabilay gaadhigana ay saarnaayeen lix wiil oo dhallinyaro ah in uu dhammaantood naga reebay lana xaqiijiyay in ay tahriibayeen kadib markii waalidkoodu goobta ugu yimaadeen. Illahay ha u naxariistee waxa uu ahaa shakhsi akhlaaq badan oo dadku aad u jecel yihiin, dhawr goor ayaa la isku dayay in laga badalo Kaantaroolka Abaarso laakiin waxa diiday dadka deegaanka oo wanaag iyo shaqo fiican oga bartay.

Maalintii Axadda ee bishu ahayd 18/6/2017 waxa aanu Abaarso ku aasaynay Inaadeerkayga Yacni oo habeenkii Axadu soo galaysay geeriyooday, Illahay ha u naxariistee Amarre waxa uu ahaa dadkii sida hagar la’aanta ah noola shaqaynayay, waxa aanu qorshaynay in aroornimadii hore ee Axadda aanu maydka aasno maadaama ay dadku sooman yihiin, Illahay ha u naxariistee Amarre waxa uu nagu soo kalahay abaaro 6:30 aroornimo si uu oga qayb qaato aaska, waxa uu nagula tukaday xabaasha dusheeda isaga oo ka mid ahaa dadkii ugu hawsha badnaa aroortaa, markii iigu dambaysay waxa ay ahayd habeenkii Isniintu soo galaysay abaaro 10:30 Habeennimo isaga oo Kaantaroolka iga soo saaray gaadhi wadada marayay.
Amarre astaamaha gaar u haa ee aan ku arkay waxa ka mid ahaa :
1. Geesinimo
2. Daacadnimo
3. Hawlkar
4. Akhlaaq
5. Shaqo wanaag
6. Feejignaan
Ciidanka noociisa ahi waa kuwa aynu u baahanahay isla markaana astaan u ah nabadgalyadda iyo kalsoonida ka dhaxaysa Booliiska iyo dadweynaha,ugu dambayntii waxa aan ka codsan lahaa ciidanka Booliiska in ay marxuumkaa reerkiisii ka war hayaa isla markaana la sharfo ciidanka daacada ah inta ay nool yihiin.