Safiir Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweyne Siilaanyo & Baadhitaano Hay’adaha amaanku ku wadaan Wiilkii Reer S/land ee Imaaraatku soo mastaafuriyey isagoo ka qayb galaya Tartankii Quraanka

Hargeysa(Waaheen) Safiir Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar ah ku tegi doono dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood.

Wareysi shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi  maanta ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.

baasheSafiir  Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.

Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,

“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.

Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku  xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.