Sheeko Kale: Nafyahay Silcaysaa xageebaad ku socotaa…Cabdisalaam Yaasiin

0
133

cabdiNafyahay silcaysaa xagee baad ku socotaa?

Ma soofkaad dhaqaysaa siyar loo dareesaday?

Miyaad sibirdhaqaadoo baadi baad ku sugantay?

Ma sabankaa ku ciiloo kaa gooyay sahaydii?

Mise saaadkaad dirataa safarkii ku baalmary?

Waadigan siloone ma Qaad bay ku siiyeen?

Oo intaad sakhraantaad seexatataa gidaarada?

Ma riyaad salaantoo sidoodii u dhaqantaa?

Dadka suuraddiisii sansaan waad u leedahay

Hadana saaca xoolaad subixii ku foofaataa

Ee ma sir baa qarsoonoo kaa dhigay sidaadtahay?

Nafyahay silacaysaa xagee baad ku socotaa?

Ashahaadaan waan sixi misna sanam ayaan sidan

Salaadaan u kacayaa misna waan sahwiyayaa

Sekaan gacan ku bixiyaa oo ta kalaan ku siiyaa

Afka waan ka soomaa uurkuse waa sidiisii

Xajkaan sahay u qaataa hadana wuu i seegaa

Silaana Islaamkaad magaciisa sidataa.

Nafyahay silcaysaa xagee baad ku socotaa?

Ma sir baa qarsoonoo kaa dhigay sidaad tahay.

Sidan aad u dhigan tahay may sixin waxgardkii

Dhaqankaagi suulyoo murux siibad baad tahay

Halkaa uu suldaan jiray sicirbarar madaxdii

Guurtidii la sugi jiray saar aduun ayaa helay

Odaygii dadka ba siday sarif buu ku doorsaday

Sarkaalkina xaaraantii subaxnimuu xalaashaday

Oo musuqii striga laa hadh cad baa la soocdaa

Sareeyee ilaalana siidhiwalaha weeyaan

Sahanada fasaadkana sagaxadaad ku taalaa

Ee ma sir kuu qarsoon baa kaa dhigay sidaad tahay?

Nafyahay silcaysaa xageed baad ku socotaa?