“Dal horumarkiisa waxa laga eegaa Miisaaniyadda, inaga Miisaaniyadeena Karaaniyiin baa xukunta oo tidhaa wasaarad Heblaayo maxaa ugu jiray sanadkii hore oo ka jara ama ugu dara” wasiirka Beeraha S/land

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir ayaa mar uu ka hadlayey xafladda Ardayda Jaamacaddaha Dalku Talooyin la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka iyo Abaaraha waxa uu kaga hadlay dhibaatadda ka taagan dhaqaalaha dalka iyo adeegyadda farsamadda gacanta isagoo ardayda ku booriyey inay wax kaga bedelaan dalka.

BeerahaWasiir Maxamed Aw Daahir marka uu ka hadlayey dhinaca dhaqaalaha waxa uu yidhi “ wxa loo baahan yahay Miisaniyad horumar ku salaysan oo aan hadhaw la odhan duuduub halagu ansixiyee laga doodo oo la yidhaa Ilihii dhaqaalaha maxaa ugu jira Dawladd marka la eegayo halka ay u socoto waxa laga eegaa Miisaaniyadeeda. Haddii ay dagaal galasyo Miisaaniyadeedaa laga eegaa, haddii ay Tacliinta horumarinayso Miisaaniyadeedaa laga eegaa, haddii ay dhaqaale noqonayso Miisaaniyadeedaa laga eegaa inaga Karaaniyiin baa xukumaysa miisaaniyadeena oo yidhaa wasaarad heblaayo imisaa ugu jiray sanadkii hore oo waxoogaa ka gooya ama ugu dara, markaa horumarin waa halka aynu usocono.” Ayuu yidhi

Wasiir Maxamed Daahir waxa kale oo uu Ardayda u bandhigay in qaybtii Farsamada gacanta aynaan wali ka faa’iidaysan, waxaanau sheegay iyadoo Jaamacaddaha Somaliland leeyihiin qaybtii Engineering-ka hadana ay Somaliland ka shaqeeyaan shaqaale badan oo ajanabi ah, kuwaas oo uu sheegay inay buuxiyeen kaalintii Engineerada Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay wax ka bedelaan waxbarashada Jaamacaddaha.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.