Dadka Naafada ahi ma helaan Xuquuqda Uu U damaanad qaaday Dastuurka Somaliland?

0
247

naafaddaSida uu qabo heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda dadka Naafada ah iyo Bartakoolka Khiyaariga ah ee 2006 oo ay saxeexeen dhamaan dawladdaha dunidu (CRPD 2006) qodobkiisa 1-aad waxa lagu qeexaa Macnaha dadka naafada ah in uu yahay qof kasta oo aan jidhkiisu uusan dhamaystirnayn sida Araga ,Maqalka,Urinta,Socodka iyadoo loo qeybiyay Noocyada Naafanimada 5 qaybood oo kala ah Naafada Mudada Dhow, Naafada Mudada Dheer, Naafada Maskaxda,Naafada Jidhka iyo Naafada dareenka.

Dastuurka Somaliland qodobkiisa 10-aad waxa uu damaanad qaaday inay Somaliland tixgalinayso dhammaan shuruucda iyo Baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha sida baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka(UDHR 1948) uu dhiggayo.

Sidoo kale qodobka 8-aad ee dastuurka Somaliland ee ka hadla sinnaanta muwaadiniinta waxa uu sheegayaa in.

1- Muwaadiniinta Somaliland iyadoo lagu kala saarayn Midabka, Qabiilka, Jinsiga, Dhalashada, Luqada, Hantida, Mudnaanta Afkaarta waxa ay sharciga hortiisa ku leeyihiin waajibaad iyo xuquuq siman.

2- Kala saraynta ku salaysan Isirka ,Abtirsiinta ,Dhalashada iyo Deegaanku way reebban tahay isla markaa Barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xun xun ee soo Jireenka ah waa waajib qaran.

Dadka naafada ah ee ku nool Somaliland Waxa lagu qiyaasaa in ay yihiin  60% sida ku cad Warbixinta Qaramada midoobay hey’adeeda xuquuqul insaanka ee Human Right watch soo saartay sannadkii 2010 iyadoo oo ay u sababeeyeen tirada intaas leeg in ay naafo noqdaan dagaaladii sokeeye ee  Soomaaliya ka dhacay 1980 ilaa 1991 , sidoo kale Hadhaagii walxaha qarxa ayaa sababay inay dadku ku naafoobaan ,waxa kale oo ay daraasadaasi xusaysaa in guri kasta oo Somaliland ahi uu ku nool yahay qof naafo ahi .

 

 

Xuquuqda Dadka Naafada Ah

Dadka Naafada ahi waxay leeyihiin xaq iyo wajibaad la siman tan dadka kale sida ku cad dhammaan shuruucda iyo baaqyada caalamiga ah iyo kuwo wadani oo kala ah sida:-

  • Baaqa Caalamiga ah ee xuquuquL insaanka (UDHR 1948)
  • Dastuurka Jamhuuriyadda soomaliland qodobkiisa 10aad,8aad,
  • ICCPR CONVENTION
  • CEDAW CONVENTION
  • CRC CONVENTION
  • CPRD CONVENTION 2006
  • Siyaasadda Somaliland ee Naafada(Somaliland disability Policy)2012
  • Siyaasadda dadka maskaxda ka naafada ah(Somaliland mental disability policy)2014

Iyo dhammaan baaqyada caalamiga ah ee dunidu gaadhay oo si cad loogu xusay inay dadka naafada ahi la siman yihiin kuwa caadiga ah sharciga hortiisana ku leeyihiin xuquuq iyo wajibaad siman.

Somaliland waxa jira ururo iyo Hey’ado badan oo ku hawlan ka shaqaynta, u ololaynta iyo caawinta dadka naafada ah , dhammaantood waxa ay ka qayb-qaataan wacyigalinta iyo diiwaangalinta dadka naafada ah ee ku nool guud ahaanba gobolada Somaliland waxaana ka mid ah ururada iyo hey’adaha.

  • Somaliland National Disability Forum(SNDF)
  • Disability Action Network(DAN)
  • Handicap International
  • Gavo Organization Mental Advocacy
  • Ministry of Labor and Social Affairs(MOLSA)

Caqabadaha haysta dadka Naafada ah

Waaxa jirra caqabado badan oo haysta dadka naafada ah marka loo eego wacyiga ay Bulshadu ka qabto , waxa ugu wayn Faquuqa (Discrimination) oo macnaheedu noqonayo sida ku qeexan heshiiska caalamiga ah ee dadka Naafada ah (CRPD 2006) dadka naafada ah oo si muuqata looga reebbo faidooyinka ay dadka kale helaan iyadoo loo sababaynayo naafanimadooda loona  diidayo aqoonsiga iyo inay si buuxda ugu nooladaan xuquuqul insaanka caadiga ah iyo xoriyadooda ,waxa ka mid ah waxyaabaha aanay helin dadka naafada ahi xoriyada siyaasada ,dhaqaalaha,iyo tan Madaniga ah .

Waxa kale oo jirta in  dadka naafada ahi si caadiya u helin inta badan adeegyada aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka u ah taabo-galka nolosha aadamaha iyagoo badanka la kulma faquuqid kaga timaada bulshada inteeda kale , waxa ka mid ah waxyaabaha ay tabayaan dadka naafada ahi

  • Faquuquid kaga timaada Bulshada inteeda kale
  • Xaqa waxbarashada maadama aanay Jirrin school ugaar ah iyo macalimiin u tababaran marka laga reebbo dhawr school oo Hargeisa iyo Boorama ku yaalla
  • Fartii Brailka ama indhoolayaasha oo aan laga heli karrin Somaliland
  • Xaqa shaqada badiyaa fursad uma helaan dadkani xaqa shaqada
  • Iyo Xaqa isticmaalka dhismayaasha oo aan lahayn Ram Ama Accessibility
  • Iyo iyada oo aan lagu darin barnaamijyada socda ee Hormarineed ee ka jirra Somaliland

Haddaba si ay dadka naafada ahi ugu baxaan caqabadahaasi tira badan una helaan xuquuqaha aas-aasiga ah ee uu siiyey dastuurka Somaliland waxa mudan in la sameeyo xeerka Naafada Somaliland, In loo unko goobo waxbarasho oo ugaar ah dadka naafada ah, In Doorashooyinka soo socda laga siiyo Kuraas cayiman, In lagu dhiiri galiyo inay ka qayb qataan siyaasadda iyo in shaqaalaha dawlada sanadkiiba lagaga darro tiro cayiman(Affirmative action policy)

Tixraacyo

  • Dastuurka soomaliland
  • Baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka
  • Baaqa caalamiga ah ee dadka naafada ah
  • Siyaasadda Soomaalilaan ee dadka naafada ah
  • Siyaasadda Soomaalilaan ee dadka maskaxda dadka naafada ka ah