Hawl-wadeen Havayoco ka tirsan oo ku Geeriyooday shil baabuur oo ka dhcay Qoyta

0
145

Sheekh(Waaheen) Alla ha u naxariistee waxa shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Qoyta ku geeriyooday marxuum Mohamed Warsame boobe oo Ka mid ahaa shaqaalaha Hay’ada HAVOYOCO, kaasoo uu la dhacay gaadhi uu watay.

Shilka gaadhigan ayaa sababay dhimashada Marxuumka, kaasoo lagu Aasi doono magalaadda Borama maanta sida uu sheegay C/laahi Xasan oo sheegay inay muddo dheer saaxiibo ahaayeen.

Shilalka baabuurta ku safraysa jidadka dhaadheer ayaa soo badanaya, waxaana inta badan shilalkaas sababa arrimo badan oo ay ka mid yihiin jidadka oo xun, dirawalada oo qaarkood aanay ahayn kuwo khibrad u leh wadista baabuurta iyo gaadiidka oo aan la iska hubin xaaladooda marka la kaxaysanayo.