Banaan Bax Ka Socda Magaalada Muqdisho Iyo Madaxda Dawlada Oo Gaadhay Goobta Banaan Baxa

0
106

b3(114).JPGMuqdisho(Waaheen)-Banaanbax lagu taageerayo  madaxweynaha iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan oo layskugu soo baxay garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ayaa waxa iskkugu yimid dadweyne fara badan, iyada oo ay haatan goobta banaanbaxa ay gaadheen madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, raysal wasaare Xasan Cali Khayre iyo  masuuliyiin ka tirsan dawlada.

Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre salaam sharaf ku siiyey  garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium.

Khudbadaha ay jeedin doonaan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisu ayaa la filayaa inay inta badan ku saabsanaan doonaan wixii u qabsoomay mudadii ay xilka dalka hayeen.

Banaanbaxa lagu taageerayo madaxweynaha iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay dhamaadeen boqolkii cisho ee ugu horeeyey dawlada Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, iyada oo mudadaasna wax badan qabatay