Guddoomiyaha Waddani Ee Maraykanka Maxamed Aadan Tarbbi Oo Tilmaamay In Wasaaradda Caafimaadka Uu Ku Jiro Khilaaf Huursan

0
41

kacaanWasaaradda Caafimaadka Soomaalilaan waxay ummadda Soomaalilaan u haysaa shaqo aad i muhiim ugu ah arrimaha bulshada mana aha good siyaasadeed ee waa goob bulshada loogu adeego. 72-kii saacadood ee ugu danbeeyey waxa magaalada Burco ku geeriyooday in ka badan 40-qof oo sida runtii ah la badbaadin karayey noloshooda.

 

Hadalka u baahan in la fasiro bulshaduna ay fahanto waa hadalkii Wasiiru Dawlaha Caafimaadka. Oo u dhignaa: In wasiiru dawluhu magacaabay Isuduwaha Gobolka Saraar muddo bil gudaheedana Wasiirku magacaabay mid kale. Halkaa su’aal sharci ayaa soo galaysa oo ah yaa awood uleh inuu Isuduwe magacaabo ma Wasiirka mise Wasiiru Dawlaha? Waxa kale oo uu Wasiiru Dawluhu sheegay in madaxtooyadu qorshe u samaysay Shuban biyoodka fulintii qorshahaana wuxuu ku eedeeyey Wasiirka oo uu yidhi weydiiya wixii uu qabtay.

 

Waxa kale oo hadalka Wasiiru Dawlaha ka muuqatay inuu jiro xidhiidh la’aan ka dhaxaysa isaga iyo Wasiirka. Haddaba Madaxtooyada Soomaalilaan waxaan ugu baaqayaa in si degdeg ah hoos loogu eego Wasaaradda Caafimaadka iyo hawlaheeda shaqo maadaama ay tahay xaruntuu ugu muhiimsanayd ee adeegga bulshada aynu ka filaynay.