Month Archives: June 2017

Maqaallo

SHEEKO : DIIN IYO DAMEER

Sheekadan soo socota waxaan sameeyey bishii 10/04/2017 kii waxaa ku duugan sheekadan murti xanbaarsan in la fahmo sida aan u dhigay sheekaduna ay tahay mida fahan fudud balse cid waliba laga yaabaa inay si kale u fasirtaan. Waana tan sheekadii
Bari baa waxaa dhacday abaar aad u daran oo ay ku leedeen dad iyo duunyaba, waxay maalinba maalin ka sii darnaataba waxa deegaankii isaga cararay xayawaankii meeshaa ku noolaa kii socon karayay mid ba meeshay nololi gaadhsiisaba. Waxa ay daruuri ka curatay deegaankii meel u dhow, waxaa arkay dameer iyo diin sidii ay u socdeen gaadhay meeshii roobka iyo naquba ka da’ay oo soo saaray xoogaa doog ah, ayaa mid waliba diin kii iyo dameerkiiba waxa uu is yidhi yaanu kani kaa dhamayn midkoodna daaqida kama daaloo waa jecel yihiin cunida cawska. Dameerkii ayaa madaxa ku riixa diin kii isagoo u diidaya inuu afkaba saaro cawska, dhawr jeer markii diinkii lagaga adkaaday in loo diido doogii yaraa ayuu isaga dhaqaaqay meeshii isagoo ciil iyo gaajaba hayso una sii gur guurtay meel ku beegan god libaax gali jirey, waxa mar qudha isha ku eegay dameerkii waxaase uu arkaya diinkii oo ku sii jeeda godkii libaaxa kadib waxa uu bilaabay dameerkii inuu meeshiiba isaga cararo, mudo markii uu cararaayey ayaa waxa ka hor timid dacawo iyadoo la yaaban oradka ka dhacaya dameerkii, ayay ku tidhi waaryaa dameer maxaa ku helay eed la cararysaa isagoo daal neef tuuraya ayuu dib u deyey jidkii uu soo maray waxaanu u sheegay dacawadii in ay isku soo laayeen diin meel uu ka soo baxay doog yari markaasay ku tidgi dacawadii hadaad diin is layseen maxaad iga cararysaa adaba ka xoog weyn diinkee markaasu yidhi deyooy war baaanad haynee walaalkii buu u yeedhanayaa diinkii waxaanu u dhaqaaqay halkuu joogay. Dacawadii ayaa ku tidhi diinka walaalkii waa kee markaasu dameerkii yidhi dee walaalkii libaax ; dacawadii intay qosol la dhacday bay tidhi waar doqon yahoow diin iyo libaax walaalo maahee orodoo doogaaga iska soo daaq. Dameerkii muu qaadan taladii dacawada ee siduu u sii socday ayaa dhulkii aabrata gadhay haraad iyo gaajana ku dishay, diinkiina siduu uga baqayay dameerkii ayuu isagiina cidladii abaarta gaajo iyo haraad ku diley. Labadoodiiba waxay halkii ku seegeen barwaaqadii yarayd ee ay heleen abaartii kadib.

Qoraaga sheekada : Abdirashiid Daacad

Maqaallo

Waa maxay findoobku?. Hordhac.

 

findoobku waa astaan badanka ku dhacda xidhmada ka kooban timaha guntooda, muruqa timaha iyo qanjidhka soo daaya saliida loo yaqaan sebumta ee la xidhiidhsan timaha(pilosebaceous unit).
waa astaan badanka la timaadda qaabab kala duwan oo saamaysa dadka da’da dhexe ah.

fin doobka ayaa ah ka mid ah xannuunada maqaarka kani ugu badan ee saameeya ragga iyo dumarkaba si isku mid ah.
waa xanuun in badan oo kamid ah dadka ku haya dhibaato iyo cawaaqib saykoolajiyeed, misena sababa inay dhex gali kari waayaan bulshada ay la nool yihiin iyo facoogaba.

xanuunkan ayaa badanka lala xidhiidhiyaa heerka dheecaanada ee qofka bani-aadamka ah oo sarre u kaca siiba dheecaanka loo yaqaan androgen. xanuunkan ayaa badanka dadka ka taga marka ay da’doodu gaadho ilaa 25 jir, waxaase jira in 25% dadka kamid ah uu da’dan kaga tagi waayo oo uu la socdo ilaa muddo dambe oo cimrigooga ah.

waxyaalaha ugu badan ee loo sababaynayo tagin waagan ayaa waxa kamid ah :- hidde-sidayaasha qofkaasi oo nugul iyo heerka dheecanadiisa jidheed.

Yuu ku dhacaa xanuunkani?.

xanuunkan ayaa waxa halis ugu jira amaba uu ku dhici karaa qofka ay labadiisa waalidba xanuunkan lahaayeen, isaga oo leh jaanis ah 48% inuu isna yeesho, sida oo kale qofka hal waalidkiisa kamid ahi uu leeyahayna waxa uu leeyahay jaanis ah 8% inuu isna ku dhaco.
side baa xanuunkani ku dhashaa?

Maxaa sababa xanuunkan?.

waxa ugu badan ee sababaana waa korodh ku yimaad xaddiga saliidda (sebum) ah ee qofku soo daayo, xidhan ay xidhanto dhuunta soo qaada saliidda sebumta loo yaqaan ee maqaarka ku taala; waxyaalaha ugu badan ee sahla in dhuuntani xidhanto ayaa ah dheecaanada qaangaadhnimada oo iyagu sababa in xaddiga saliidani kor u kaco sida oo kalena dhuuntani korto oo dhuubato; sida oo kale waxa iyaduna sii kordhisa sababtana infection bakteeriyada loo yaqaan propionbacteria acne afartaasi sababood ayaa iyagu ah waxa ugu weyn ee xanuunkan keena.

Astaamaha xanuunkani waa maxay?.

xanuunkan ayaa waxa uu qofku la yimaad 5 astaamood oo kala ah
white commedons- finan cadcad oon wax dheecana lahayn
black comedones- finan madmadaw oo ibta furtay.
papules- finan maqaarka cabaar kasoo kacsan oo cascas .
pastules- finan dheecan leh.
nodules iyo cysts oo iyaguna ah finan intanba ka waaweyn.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkan?.

xanuunkan ayaa daaweyntiisu waxa ay ku xidhan tahay hadba marxaladda uu marayo, taasi oo loo kala qaybiyo marxalad sahlan( mild), mid dhexe( moderate) iyo mid daran( severe).
marxaladda koowaad ayaa waxa lagu daaweeyaa topical tretionin 0.01-0.05%, salicylic acid 2-5% amaba azelic acid 20% waxaanad sidoo kale isticmaalaysaa clindamycin amaba erytheromycin gel/ cream.
marxalladda labaad waxaad adeegsanayaa dawooyinka sarre ku xusan iyo oral antiobiotics sida doxycycline amaba tetracycline.
marxaladda seddexaad waxaad adeegsanaysaa oral isotretionin inkasta oonad siinayn dumarka uurka leh amaba nuujinaya; iyaga waxaad siin kartaa oral hormones ay kamid yihiin oral contraceptives.
haddaba, xanuunkan ayaa u baahan inuu qofku daawooyinkan joogteeyo muddo badan oo u dhaxaysa 3-6 billood.

Mohamed Biihi

Maqaallo

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

2.7          SADDEXDA MAAN-LAAWE

Nin baa beri u geed fadhiistay gabadh uu aad u jeclaaday, wuxuuna yarad ahaan uga bixiyey hanti wixii uu haystay oo ahaa boqol halaad oo geel ah iyo awr baarqab ah. Isagoo aan neef xoolo ahi xeradiisii ku hadhin ayuu ninkii ooridiisii kala wareegay reerkii uu la gacaloobay. Gabadhii uu jeclaa wuu soo xero gashaday laakiin guurkeedii wuu ku caydhoobay. Noloshiisuna waxay isku beddeshay baryo uu tolkii iyo qayrkii gacmaha hoos hoorsado.

Muddo dabadeed gabadhii la soo guursaday oo reerkeeda bakhtigu xalaal u yahay oo aad uga murugaysan heerka nololeed iyo duruufta qalafsan ee kala soo gudboonaatay baahida iyo saboolnimada qoyskeeda, ayaa waxa soo martiyey aabbaheed oo socoto ah. Waxa ay ku soorto ma ay hayn, sidaas daraadeed inta ay saan sarco ah ardaagii dibedda u dhigtay ayay fadhiisiisay.

Iyadoo xaalku sidaa u murugsan yahay ayaa waxa soo ag maray nin ka soo laabtay ugaadhsi uu ku maqnaa oo laalaadsanaya cadkii uu soo ugaadhsaday. Aqalkii buu ku soo baydhay si uu u waydiisto biyo la cabbo. Muskii inta uu ka dhawaaqay ayuu yidhi “Yaa reerka jooga?” Gabadhii oo ardaaga fadhida ayaa tidhi “Waa la joogaaye waa ayo?”

Markii ay is toydeen kadib ayuu muska ka soo fidiyey dhagley biyo loogu shubo. Gabadhii ayaa ku tidhi “Waar ninyahow islaameed biyo iyo baad midna ma haysanee, miyaad cadka aad sidato wax naga siisid?”

Ninkii ayaa intuu yara aamusay gabadhii ku yidhi “Haddii aan cadka wax kaa siiyo, adna maad iga yeeli waxa aan ku waydiisto?”

Int ay si wanaagsan ugu qososhay ayay ku tidhi “Haa. Waan kaa yeeliye bal ii sheeg.”

Ninkii inantii wuxu waydiistay waxaanay ka filayn oo ah gaabsi iyo in ay nafteeda ku soorto. Gabadha oo cadka aad ugu baahnayd, xaalad cidhiidhi ahna ku jirtay, ayaa iyadoo yaabban tidhi “Cawayska caawa cidi ilama joogto’e kaalay oo ardaaga iska fadhiiso anaa kuu yeedhi doona’e.” Ninkii inta uu si degdeg ah gabadhii ugu fidiyey qayb ka mid ah cadkii uu soo ugaadhsaday ayuu isaga oo faraxsan halkii ka dhaqaaqay.

Cadkii yaraa ayay dheriga ku ridday illayn wax kale oo quud ah cad iyo caano toona ma hayso’e. Markii uu gabbalkii dhacay ee ninkeediina soo hooyday, ayuu ninkii ugaadhsadaha ahaa ee ballantu ka dhaxaysayna sidii ay ku tidhi ardaagii oo aabbaheed iyo ninkeedii ku sheekaysanayaan meel aan ka fogayn oo muska dabadiisa ah isna soo fadhiistay.

Gabadhii inta ay aqalkii soo hor fadhiisatay ayaa iyadoo kor u dhawaaqaysa waxay tidhi:

“I dhagaysta saddexdiinan maanlaawe idinka ayaan idinla hadlayaaye. Maan-laawe aabahayow, waxaan ku leeyahay maxaad ku garatay in aad marti geshiin ugu soo badheedho reerka dartaa u sabooloobay ee wixii ay xoolo lahaayeenba ay xeradaada ku jiraan ee aanad sidigna u soo celin.  Maan-laawe ninkaygow  waxaan ku leeyahay maxaad ku garatay inta aad wax alliyaale wixii aad xoolo lahaydba yarad u bixisay aad gabadh islaameed ku soo hoyso guri aan wax adduun iyo arquun ahi dhex oolin. Maan-laawe ninka muska ku jirow maxaad ku garatay in aad lug sakaaro ku soo hungurayso gabadh boqol geel ah iyo baar-qabkiisii yarad looga bixiyey.”

Saddexdii nin iyagoo aanu midkoodna jawaab bixin, nin kastaana uu garowsaday khaladkiisii, ayay goobtii ku kala yaaceen.

Ximkadda aynu qisadan kala baxaynaa waxa weeyi in qofku maarayn karo dhibaatooyinka ee soo wajaha nooc kasta oo ay yihiin haddii uu maskaxda si wanaagsan uga shaqaysiiyo isaga oo aan ka tanaasulayn sharaftiisa, anshaxa iyo akhlaaqda suubban. Xasuuso xikmaddii ahayd “Waan baahanahay looma bahalo cuno.”

2.8     BAROORTU ORGIGA KA WEYN

Inan gashaanti ah ayaa jeclayd wiil gayaankeeda ah. Sida caadadu ahaan jirtay ceeb ayay ku ahayd hablaha guurdoonka ah in ay afka ka yidhaahaan wax baan jecelahay, si kasta oo ay xiiso ugu qabto inanka ay jeceshahayna cid uma ay sheegi jirin.

Maalin baa inantii oo adhigoodii la joogta in ay dacawo gaadday oo ay ka cuntay orgi. Isla maalintaa ayaa dagaal sokeeye ka dhacay deegaankoodii waxaana lagu dilay wiilkii ay jeclayd. Markii ay maqashay geeridii wiilkii ay jamatay ayay baroor iyo qaylo adhigii la dhex fadhiisatay. Sidii ay u ooyeysay markii ay indhuhu casaadeen ayuu aabbaheed oo qayladeedii meel fog ka maqlay u yimid, waxaanu ku yidhi “Aabbo goorahanba waan maqlayey baroortaada ee maxaa ku helay?”

Inantii uma ay joojin aabaheed oo waabay ka sii dartay. Markii uu canaantay ee uu ku celceliyey in ay u sheegto waxan aanu ogeyn ee ku dhacay ayay ku tidhi  iyadoo hadli kari la’ “Aabbo, orgigeenii hebel ayay dacawadii cuntay.”

Waa nin weyne, aabbaheed wuxuu warka ku hayaa in ragga dagaalka ku dhintay uu ka mid yahay wiil uu ku tuhunsanaa in uu inantiisa la haasaawo. Isagoo la kaftamaya ayuu inantiisii ku yidhi “Baroortu orgiga ka weyne” aabbo adhiga innoo soo hooy!

Odhaahdan caan-baxday waxa la adeegsadaa marka qof cabashadiisa iyo ficilkiisu ka weyn yahay inta muuqata laakiin qofkaasi aanu doonayn in uu caddeeyo waxa uu ka cabanayo ama ka cadhaysan yahay. Markaasa la yidhaa “Baroortu orgiga ka weyne saani u sheeg waxa aad ka cabanayso aad diiddan tahay.

2.9       HADDAYDII MA I HODDAY

Nin la odhan jiray Faarax Adhi-badane oo xoolo badan lahaa ayaa beri damcay in uu guto waajibkii xajka. Sannadkii uu is lahaa aad u tabaabulshaysatid ayay kaliil aad u ba’ani la soo gudboonaatay deegaankoodii, wuxuu dabadeed Faarax oo xoolo jacaylna lagu yiqiin uu qaraar ku gaadhay in uu sannadkaa ka baaqdo gudashadii xajka si uu xoolaha uga badbaadiyo wacdaraha kaliisha oo aanay uga raacin inta uu xajka ku maqan yahay.

Sannadkii dambe oo roobku dunida maasheeyey, dhulkuna barwaaqo noqday, ayaa Faarax isku diyaariyey in uu xajiyo. Markii uu tabaabulshihii ambabaxa guda-galay ayaa xanuun ku soo booday. Markii uu qiimeeyey xaaladdiisa iyo kurbadda haysa baaxaddeeda, ayaa nin weyni wedkiisa wuu yaqaanaaye wuxu naftiisa ku qanciyey in aanu ka kacayn oo uu u dhimanayo xanuunkan ku dhacay.

Markii uu sakaaraday ayaa Faarax waxa uu xasuustay oo hor yimid in aanu xajkii gudan isagoo in muddo ahba awoodi karayey in uu waajibkaas iska dul qaado. Waxa kale oo uu is tusay in xoolaha uu hasto oo dhami aanay maanta waxba uga tarayn aakhriyo iyo xisaabta ku sugaysa. “Allow wanaagsanaan lahaydaa in aad caydh ku dhimato adigoo soo xajiyey” ayuu isku ciil kaambiyey. Wuxu naftiisa ku canaantay in xoolo-jacaylkiisu seejiyey in uu sannadkii hore guto fariidadii xajka ee lagu lahaa. Isaga oo ka murugaysan in uu dunida ka hoyanayo intaanu xajiyin, ayuu ku calaacalay weedha hal-ku-dhigga noqotay ee ”Haddaydii ma i hodday!”

Xikamadda aynu qisadan kala baxaynaa waxa weeyi in qorshaha Ilaahay uu ka weyn yahay qorshaha aadamaha. Haddii waajibaad diini ah lagugu leeyahay, ma ogid goorta aad dhiman doonto, sidaad daraadeed qorshayaashaada kale dambaysii oo horaysii waajibaadka Ilaahay.

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com

Maqaallo

SU’AASHA WAA KUMA AQOONYAHAN IYO JAWAABTA SIDA AAN U MACNEEYEY ARAGTI AHAAN KA UU YAHAY AQOONYAHAN.

Aqoon-yahan waa qof saddex ammuurrood kulansadey, saddex kale na adeegsadey:-

1. Hal-abuur curin kara fikir ummaddi ku naajixi karto ama dhib kaga bixi karto.

2. Heli kara dhib xididkeedu dheer yahay oo waayo badan manfac u diiday ummad dhib ka bixi kari waydey.

3. Xallili kara maroorradilaac ummadeed, kuwaas oo u tasoobay miciin cid garasho iyo faham ku dhaanta caawi-madood.

Si uu arrimaha kor ku xusan u xaqiijiyo, aqoon-yahan waa qofka adeegsada saddexdan ammuurrood:-

1. Daraasadeyn dhib jirta, iyada oo maanku u shaqeeyey si ka fog rabista nafta iyo dannaha cid kale, (researching rationally through critical analaysis).

2. Yaqaan dhaqannada aadanaha iyo duruufaha waayuhu keeno isaga oo bartilmaameed sanaya dhib iyo xalkeed dheeftuna in la naajaxo iyo ogaal korodhsi tahay (ontological and epistemological assumptions).

3. Tijaabiyey oo haddii ay qoloocato toosin kara, haddii ay dheellidana tiirrin kara, oo dhankay u baydhaba duwi kara (repressive hypothesis and the symbolic violence of the field, habitus and the capital ‘Foucault and Bourdieu synthesis).

Aqoon-yahanka maantu ma aha mid intaasi ay haggayaan eh, waa mid bulshada caadiga ahi ka xoog-roonaatey oo dhankii la doonaba loo duway. Waxa uu noqday oo laga dhigtey Buug Buug sita, waxa uu ku fashilmay in uu ummadiisa wax ka beddello xumaantana la dagaallamo.

Taa cakiskeeda waxa ku adeegtay siyaasi qabiil wata iyo Caaqil ama Suldaan la macaasha siyaasiga daneystaha ah. Aqoontu waa indhaha umadda, haddii ay shaqeyn waydo waxa hubaal ah in darbi kasta laga soo go’ayo.

Waana ta maanta haysata meelo badan oo farsamo xumo dawladdeed ragaadisay. Xumaanta aqoonta gashey waxa ay dhaqan gaddiday habsami u socodkii dawladnimo, ganacsi, wax-barasho iyo jidkii horumarka ee loo irkan lahaa in iyada laga ga baxo waa aqoonta eh.

Mohamed Hagi Mohamoud

VideosWararka

Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Somaliya Oo Hargeisa Kula Kulmay Gudoomiyaha Komishanka SL

Hargeysa(Waaheen) – Safiirka dawladda Mareykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr.Stephen Schwartz., ayaa socdaal uu ku soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxa uu kulan xasaasi ah uu si gaara u la qaatay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md.Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Kulankan oo ka dhacay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa ay labada dhinac ba kaga wada hadleen arrimo khuseeya qabsoomidda Doorashada Somaliland ee la filaayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkan iyo weli ba sida oo kale halka ay mareyso qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa si faahfaahsan uga xog waramay halka ay wax u marayaan, waxaana uu sheegay in wakhti xaadirkan ay si toos ah u gelayaan qeybintii kaadhadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada Somaliland ee goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer isaga oo sheegayna in hore ay u soo dhammeeyeen goballada Saaxil,Boorama iyo xeebaha Sanaag, waxaana uu si aada carabka ugu dhuftay in ka Komishan ahaan aanay jirin wax qabyo ah oo hawshaas kaga hadhan farsamadeeda.

Danjire, Stephen Schwartz oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey guddoomiyaha Komishanka iyo kooxdiisa la shaqeysa ba oo uu sheegay in ay ku amaanan yihiin sida fiican ee ay hawshaas u wadaan qabashadeeda.

VideosWararka

Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo La Kulmay Siyaasiyiinta Abiib Timo Cad Iyo Ismaciil Yare

Hargeysa (Waaheen) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo shalay subax uun ka soo noqdey dalka Sucudiga oo uu cumro u tagay waxaa ay isla maanta kulmeen siyaasiyiinta magaca weyn leh ee Abiib Timo Cad iyo Ismaciil Yare

 

Siyaasiyiintan ayaa hore xilal wasiiro ah waxaa ay uga soo qabteen xukuumadan talada dalka Haysa ee madaxweyne Siilanyo iyo xukuumdihii ka horeeyey waana siyaasiyiin magac iyo miisaanba leh ku leh deegaada ay ka soo jeedaan ee gobalka Gabilay

 

Ilaa hada ma cada ujeedka rasmiga ah ee kulankooda khaaska ahi ahaa , balse waxaa ay ku kulmeen sida lanoo sheegay meher maanta ka dhacay hotelka Green Plaza oo ahaa wiil uu dhalay siyaasi Abiib Timo Cad

MaqaalloRadio WaaheenWararka

Doorka Barnaamijka Xisbiga WADDANI ee cidhibtirka Musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka

“Xilka qaranku meherad laga taajiro maaha, waa madal loogu adeego ummadda.”

Fakhriga, gaajada, shaqo la’aanta, biyo la’aanta jidadka dayacan, xarumaha caafimaadka bulshada ee liita, inta shaqaalaha inna metela ee cashuurta wadhatada iyo maatida laga ururiyo biishataa ay yihiin kuwo xilka ka dhigta meherad lagu taajiro in duruufaha nololeed ee innagu gadaaman xal loo helo ha filan.

Talada qaranka Xisbiga WADDANI markuu ku guulaysto waxa qorshihiisu yahay in masuuliyiinta xilalka shacabka loogu dhiibaa noqdaan kuwo u adeega ummadda ee aanay noqon kuwo ka adeegta oo meherad ka dhigta shaqada qaranka. Xisbiga WADDANI wuxuu cidhib tiri doonaa oo fiira gaara iyo feejigni u yeelan doona musuqa iyo leexsiga hantida ummadda ka dhaxaysa.

Haddi la weeleyo cashuurta ummadda iyo dhaqaalaha qaranka, loona isctimaalo si aan tagrifal iyo boon ahayn waxa hubaal ah in Gobollada dalka biyo nadiifa, caafimaad, waxbarasho, waddoyin iyo kaabayaasha kale ee dhaqaale ay noqon lahaayeen kuo horumarsan adeeg ahaan.

Xukuumadda hadda jirta suunaheedu waa qaate qaado, masuul kasta oo hayo jago wuxu ka dhigtay goobtiisa hal isaga u irmaan, wuxuu hoos hayaa hadhuubka musuqa een buuxsmin. Waxameeshi ka baxday masuuliyaddi iyo dabagalkii maamul ee lagula socon lahaa masuuliyiinta hantida ummadda boobaysa.

Toddobadaa gu’ ee xukuumadda KULMIYE talada qaranka haysay dhegeheeenu may maqal dhaayahna maynaan saarin hanti dhawr qaran oo xatooyo masuul ku eedaynaaya, marageedda waxa furay guddoomiyihii haayadda la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga ee dhawaan is casilay oo sheegay in musuqii xadhkaha goostay.

Muwaadin kasta kama qarsoona halka iyo heerka maamul xumida iyo maal urursiga xukuumaddu maraayo, waxa jira masuuliyiin bila kooban xilka hayay oo maanta Malaayin lacaga jeebka ku hubsaday. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay noqondoontaa mid laysla xisaabtamo oo masuul kasta lagu daba joogo shaqada loogu dhiibay shacabka.

CIDHIBTIRKA MUSUQMAASUQA, EEXDA IYO QARAABO-KIILKA (Zero-Tollerance)

Cidhib-tirka aafada musuq-maasuqa maamul, eexda, qabyaaladda, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda iyada oo la dejinayo xeer lagu xakamanayo aafadaas, isla markaana sharciga lala tiigsnayo ka qaata, ka bixiya iyo ka dillaalaba ama fududeeya. Waxa la mid ah musuq-maasuqa nidaamka doorashada, sida iibka iyo iibsiga codaynta; laaluska shaqaalaha doorashada iyo wax-isweydaarinta tirada codbixinta iyo ku dhawaaqisteedaba.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

• Samaynta ‘Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka Qabyaaladda’

• Soo-saarista hab-raac lagaga hortegayo musuq-maasuqa oo lagu wacyi-geliyo dadweynaha iyo hawl-wadeennada dawladdaba,

• Dhiiri-gelinta iyo taageerada buuxda ee dedaallada iyo hal-abuurka cusub ee ay dhalinyaradu kula dagaallamayaan aaffada qabyaaladda

• Tir-tirista hab-dhaqanka musuq-maasuqa min xagga u hoosaysa ilaa madaxa sare wixii awood dawladeed ku adeegta ama shacab ha ahaado ama dirays ha sito. Waxa sidaa loo samaynayaa iyada oo la soo hubiyay in musuqmaasuqu uu dabar ku yahay horu-marka iyo tayeynta dawladnimada,

• Is-beddel ku-samaynta hay’adaha mas’uulka ka ah ilaalinta denbiga musuqmaasuqa iyo maamulka gurracan sida: Hantidhawrka, Booliiska, Maxkamadaha iwm, • Hirgelinta xoriyadda daah-furnaanta warka iyo madax-bannaanida warbaahinta,

• Hirgelinta daah-furnaanta iyo xalaalnimda bixinta qandaraasyada dawladda iyo hawl-galka hay’adda Iibka Qaranka. Si arrintaa loo xaqiijiyo waxaanu samaynaynaa xarun–online ah (Portal) oo warka qandaraaska intaan la bixin, intuu socdo iyo marka uu dhammaado macluumaadkiisa si furan looga heli karo,

• Ku-xakamaynta musuqa xeer u qaar,

• Badbaadinta iyo dhiirri-gelinta dadka sheega xatooyo xoolaha ummadda, qaraabo-kiilka iyo noocyada musuqa ee qarsoon,

• Ka-dabo-tagga hantida ummadda ee hore loo lunsaday gudo iyo dibedba,

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI

Maxamed Siddiiq Dhamme

WADDANI 2017

MaqaalloRadio Waaheen

1-dii Julay 1960: Maalin Soomaalilaan Is-khasaarisay W/Q: Cali Cabdi Coomay

Khasaarihii ka Dhashay Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya

Shacabka reer somaliland waxa ay rajaynayeen inay barwaaqo ceegaagta cagaha la galayaan marka la is-raaco ee ummadda shantii Soomaaliyeed midowdo. Balse waxa ay riyadaasi isu-rogtay riyo maalimeed aanay waxba ka jirin. Dhibaatooyinkii is-raaca ka dhashay way badan yihiin, laakiin waxaynu dul-istaagi doonaa kuwa ugu waaweyn:

· Markii la dhisay dawladdii ugu horaysay ee reer Somaliland ee laga siiyey afar wasiir, taliyaha ciidanka asluubta ee aan wax kale loogu darin, ayey bilaabeen saluug iyo niyad jab. Halka soomaaliya ay qaateen Madaxweynihii, Raysal-wasaarihii iyo intii ugu badnayd wasiiraddii iyo madaxdii hayadaha madaxa bannana.

· Ciidankii Booliska iyo ciidankii xoogga dalka ee reer Somaliland intoodii badanayd waa laga tegay, halka ciidankii Booliska ee soomaaliya loo kala qaybiyey Booliska iyo ciidanka xoogga dalka, oo derajooyina lagu taxay. Ciidankii Somaliland wuu ka aqoon badnaa kuwa soomaaliya, oo waxa ay wax ku soo baran jireen kulliyadii ciidanka ingiriiska ee” San-Heeris”. Oo ku taallay dalka ingiriiska. Dhammaan saraakiishii sarsare ee ciidanka waxa laga dhigay Soomaaliya.

· Cadhadii ka dhalatay isu-dheelitir la’aanta ciidanka ayaa keentay inay saraakiishii laga tegay ee reer Somaliland ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa ciidanku isku dayeen inay sameeyaan inqilaab sannadkii 1961-kii, inkastoo

aanay ku guulaysan, balse waxa ay daaha ka rogaysay heerka nacaybka iyo cadhadu ka gaadhay

· Aftidii distoorka loogu codeeyey ee reer Somaliland ku diideen 75% ayaa ahayd caqabad kale oo fariin toos ah u diraysa midinimadii dhexmartay Somaliland iyo soomaaliya. Dadka codeeyey ayaa lagu qiyaasay 100,000 (boqol kun oo qof). Dawladdu way ku shubatay, oo waxa ay dafirtay in reer Somaliland diideen distoorka. Waxa ay sheegeen inay dadweynuhu ugu codeeyeen 99%. Taasina waxay ahayd been aan beyd run ka ahayn.

· Sannadkii 1962-kii waxa shaqo joojin ku dhaqaaqay ururkii macalimiinta ee Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen barayaasha wax ka dhiga dugsiyada ku yaallay Somaliland. Macalimiintan ayaa ka cabanaysay inay ka mushahar badan yihiin macalimiinta Soomaaliya joogta.

· Xubnihii Baarlamaanka reer Somaliland oo ahaa 33 xubnood, halka reer Soomaaliya ahaayeen 90 xubnood. Ayaa shaqadii ka qaaday cuqdad, ka dib markii cod kasta oo la qaado ay reer Soomaaliy ku muquuniyaan cod aqlabiyad ah. Wax kastoo ka horimanaya danaha reer Somaliland cod ayaa lagu meelmarin jiray.

· Sannadkii 1963-kii ayaa cashuurtii lagu kordhiyey reer Somaliland, taasina waxay keentay is-maandhaaf iyo rabshado. Sayladihii xoolaha ee waaweynaa ayaa albaabada loo xidhay.

· Rajadii shanta Soomaaliyeed (Soomaali weyn) oo dhimatay. Ka dib markii itoobiya iyo kiiniya ay caddeeyeen inay Soomaalida degta dhulkooda ka mid ahaanayaan dhulkooda, oo aanay yeelanayn maamul ka madax bannana dalkooda.

· Kala qaybsanaan ku timid xubnihii Baarlamaanka iyo wasiiraddii xilka hayey. Markii ay is-casileen Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Sh. Cali Ismaaciil oo kala ahaa: wasiirka Waxbarashad iyo Gaashaandhiga, waxa booskoodii buuxiyey Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi “ iyo Ibraahim Cismaan Food, oo loo kala magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Ganacsiga. Waxa kale oo jagadii Baarlamaanka iska casilay Axmed X. Ducaale, booskiisna waxa loo doortay Axmed Ismaaciil( Duqsi). Kala qaybsankani wuxuu saameeyey xubnihii xisbiga SNL.

· Sannadkii 1963-kii ayuu Wasiirka Arrimaaha Gudaha ee wakhtigaasi C/risaaq X. Xuseen (AUN) ayaa booqosho ku yimid Somaliland, isagoo loo soo diray inuu soo dejiyo cadhadii ka dhalatay codayntii distoorka, ka dib dadkii ayaa ku mudaharaaday oo cabasho kala hortagay. Isu-soo-bax weyn ayaa lagu qabtay Beerta xoriyadda, ka dib C/risaaq ayaa soo galay si dadka ugu khudbadeeyo. Dadkii ayaa dhabarka u jeediyey. Halkii wasiirku uga garaabi lahaa ayuu ku yidhi” reer Hargaysow sii jeedka ayaad ku qurux badan tihiin”. Manay suurtogalin khudbadii uu damacsanaa

Cali Cabdi Coomay

CaliCoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Tix-Raacyo:

Cali Jaamac Qalinle…..Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed (2009).

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper

VideosWararka

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Oo ka Hadlay Jabhad lagaga Dhawaqay Laasqoray

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay  Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana ay Xukuumaddu masuul ka tahay.

 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isagoo jooga Degmada Dhahar, ayaa sidoo kale ka waramay Shuban Biyood ka dilaacay Degmada Dhahar iyo dad u dhintay, waxaanu yidhi ugu horeyn ‘Anigu hadda waxaan ku sugan yahay oo aan jooga Dhahar, oo aan dadka aan kula ciiday, si fiicana waa looga ciiday, kolay Shuban Biyoodkii wuu soo gaadhay, oo dad ayaa Dhahar ugu geeriyooday Shuban Biyoodka, balse waa lala tacaalay, oo waa la xakameeyey,  oo imikana xaaladu aad bay u fiican tahay”.

Wasiirka Kalluumaysiga mar aanu wax ka  weydiinay wax uu kala socdo Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray ayaa yidhi “Dalka waxa ka talisa Dawlad, iyadaana masuuliyada nabadgalyada iyo amaankaba dalka iyo dadkaba ILLAAHAY ka sakow ka masuul ah, markaas cid haba yaraate laga ogolaanayo inay nabadgalyada khal-khal galisaa ma jirto”

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed),wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay khayraadka badda ka faa’iidaystaan, oo ay wax kala soo baxaan.

1 2 17
Page 1 of 17