Xadiga Biyaha ah ee aad Bisha Ramadaan Cabbayso

0
62

biyoIn biyo badan la cabo ayaa ka mid ah khaladaadka ay dadka qaarkii sida khaldan u aaminsan yihiin, gaar ahaan marka lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaanta.
bahda caafimaadku waxa ay ku talinayaan in aad maalintiiba qaadato ugu yaraan 3 Litir oo biyo ah gaar ahaan xilli kulaylaha, laakiin dariiqada aad u qaadanaysaa ay ahaato mid saxan.

Waa in aadan biyo badan hal mar wada cabbin gaar ahaan xilliga la afurayo, iyadoo digniintani ay sii labanlaabmayso gaar ahaan marka biyaha aad cabbayso ay yihin kuwo qabow, waana xaalad jidhkaaga khatar ku keeni karta, waxayna saamayn xun ku yeelan karaan calooshaada, waxana ay kugu sababi karaan xanuun qaybaha jidhka qaarkii aad ka dareento.

Marka la joogo afurka ku dadaal in aad sadex midh oo timir ah ugu hormariso, dabeetana aad koob biyo ah cabto, ka dibna salaada maqrib ka bacdi aad isticmaasho waxii kale ee afurkaaga ka mid ah, waxaa suurogal ah in aad afurkaaga ku cabto shaah, waa inaad ogaataa in shaahaasi uu ugu dambaynta ka mid noqonayo xadiga biyaha ah ee jidhka u gudbaya.
Xiliga suxuurta ha isku badinin biyaha aad cabbayso adiga oo ka sii werwersan in aad xilli dheer ka soomanaan doonto, biyo badan oo aad suxuurta cabtaana waxay waxyeeli karaan gaska caloosha waxana ay kordhin karaan shaqada kelyaha oo dabeeto kaadi badan kugu sababi kara, ka dibna aad si degdeg ah u haraadi karto gelinka hore ee maalinimadaba.
Xiliga suxuurta waxaa haboon inaad khudrada cunitaankeeda badsato gaar ahaan xabxabka
Xiliga suxuurta ha isku badain cuntada dhanaanka badan ama milixda caadiga ah lagu badiyey, sababtoo ah dhanaankaasi marka uu jidhka galo waxa uu u baahanayaa biyo badan, taasina waa talaabo kugu keeni karta inaad xiliga maalinimada haraado.