HAMBALYO:-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan

0
103

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba, waxa uu guud ahaan umadda Islaamka ah gaar ahaan shacabka Somaliland uu ugu hambalyeynayaa curashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo kow ah maanta oo taariikhdu ay tahay 27/05/2017.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu guud ahaan shacabka Somaliland uu u rajeynayaa in Alle uu ka aqbalo acmaasha suuban ee bisha Ramadaan, waxaana uu ku dhiiri-geliyey in bisha Ramadaan laga faa’ideysto kheyrkeeda iyo weli ba acmaasheeda suuban.

Guddoomiye Cirro, waxa uu ugu dambeyntii uu u duceeyey inta xanuunsaneysa ee awoodi kari weyday in ay soomaan bisha Ramadaan, isaga oo Alle uga baryey in uu xanuunka ka dulqaado sida oo kale na uu caafimaad sareecan ah ugu bedelo, waxa kale oo uu intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan bisha Ramadaana uu Alle uga baryey dembi dhaaf iyo in uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa.