Iid Muuse Muxumed oo Beeniyay Codad Been Abuur Ah Oo Laga Sameeyay Sawirkiisana La Dul Saaray oo La Iskaga Horkeenayo Beelaha Walaalaha ee Habar Jeclo iyo Habrar Awal..

0
197

Waxa Beryahan Dambe Goobaha Social Mediyaha Iyo Groupyada Whats Appyada La Isko Weydaarsanayay Codad Laga Duubay Laba nin iyagi Fariin Iskugu Gudbinaya

iid muuseLondon (Waaheen) Waxa Beryahan Dambe Goobaha Social Mediyaha Iyo Groupyada Whats Appyada La Isko Weydaarsanayay Codad Laga Duubay Laba nin iyagi Fariin Iskugu Gudbinaya Kana Hadlaya Arrimaha Dooroshooyinka Somaliland Iyo Siday Beelaha somaliland uu kala Codeyn Doonan, Labadan Nin Midkood aya Ku Tiraabayay inaan Beelaha Habar jeclo wax Lacag ah Ugu Deeqi Doonin Xisbiga KULMIYE, Madaama uu Sharaxan Yahay Nin Ka soo Jeeda Beelaha Habar awal laakin ay Beesha Habar jeclo Cod Laga heli Karayo.

Codadkan oo ka Mid aha Codadka Inta Badan Somalido Isko Weydaarsato Meelaha Whatss appka, aya Waxa Saxaafada Qaarkood oo doonaya inay Isko Diraan Labada Beelood ee Habar awal Iyo Habar jeclo oo Sanadahan uu Dambeysay Xidhiidh wanaagsani Ka dhaxeeyo Xagga Siyaasada Iyo Danaha Arrimaha Somaliland.

Haddaba Saxaafada Qaarkood aya Ku Eedeeyay In Codkani uu Soo Duubay Muwaadin Lagu Magacaabo Iid Muse Muxumed oo ah Muwaadin ay Musharaxa Madaxweyne Muse Biixi Isko Reer Yahiin, Haddaba Mar ay Shabakada Burcoonline News la Xidhiidhay aya Waxu Sheegay inaano Haba Yaraate Waxba Ka Ogeyn Codkaas La Duubay Waxaano Dhaar Ku Maray In Laga Been Abuuray Iyado Saxaafada Tageerta Xisbiga Waddani Sameeyen Muqaalkaas La Isko aaray Codadki Nimanka Halkaas Ka Hadlayay iyo Sawirkiisa ( Iid Muse) oo Barta Facebook Lagala soo Baxay.

War aano Wax Ka Weydiinaya Sababta Sidan Dadka Qaarkood uu sameynayaan waxu Ku Micneeyay in La doonayo, Labada Beelood la isko Diro, iyado Tani Markhaati uu Tahay Haddi Labadaas Beelood Codkooda oo Mideysan siiyaan Xisbul Xaakimka KULMIYE ino Si Fudud ugu Guulaysan Doono Xilka Madaxweyne.

Waxaana Cadeyn aha Codka Iid Muuse Muxumed Iy Codka Nimanka Hadlayay Inaanay Labadoodo isko Cod ahayn oo Laga Been sameeyay Muwaadinkaas Lagu Magacaabo Iid Muse Muxmud.

Iid Muuse Muxmed aya Ka Mid ah Muwadiiniinta Tageerta Xisbiga KULMIYE isago Olole Xoogan Lagu Bartay, taasina sababtay ino Cadow Badan Saxaafada Iyo Soocial mediyaha Ku yeesho.