Maqaaxida Inanta: Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax dhigay Ceelkii ugu horeeyey ee mashaariicda Horumarka ee Xuska 18-ka May loo bedelay

qaaxida Inanta(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta dhagax dhigay Ceelkii ugu horeeyey ee hormoodka u ahaa Mashaariicda Xukuumadda Somaliland ugu talogashay Xuska 18 May.

099A1973Ceelkan oo ku yaala Maqaaxida Inanta (God-Gal), waxa uu madaxweyne Siilaanyo munaasibaddii dhagax dhiga ka sheegay in uu bar bilow u yahay Qorshaha isku tashiga ee mashaariicda Horumarineed ee Qaranka Somaliland go’aansaday in loogu bedelo munaasibada 18 ka May.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku Duceeyey Ceelkaas oo uu ilaahay ka baryey in uu noqdo mid dadka deegaanku ka faa’iidaystaan, isagoo ku hambalyeeyey dhalinyaro Mutadawiciin ah oo ku deeqay $12,000 oo ku baxaya Ceelkaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Hambalyeeyey Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco oo ku deeqay Qalabka Ceelkaas lagu qodayo, oo uu keenay goobta dhagaxa la dhigay, isla maantana bilaabay dhismihiisa.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, oo iyana ka hadlay goobta ceelka laga qodayo ayaa umadda ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan kana dhabeeyaan qorshaha Qaran ee bulshadu isla qaadatay inay kaga baxdo baahida Abaaraha eek u habsatay Somaliland..

Dhalinyarada Mutadawiciinta ah ayaa iyana dhinacooda uga mahad naqay masuuliyiinta Qaranka qorshahan ay shacabka hormoodka ugu yihiin.099A1971 099A2038

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Baadigoobka loogu jiro in daawo loo helo Aidska oo rajo cusub yeelatay
Mayarka Borama Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gaacsatada Jaadka Kadib Markii Ay Diideen Canshuuro dheeraad ah Oo Lagu Kordhiyay
Danbiyadda lagu kala galo Telefoonada oo sii badanaya iyo caqabada go’aankan
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo safar gaar ah oo aan xog laga hayn ku tagay Dubai
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay halista Doorashada, Adeegyada bulshada ee Liita iyo Heshiiska Madaarka Berbera
Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.