Madaxweynaha Somaliland oo maanta Qudbadii Xuska Qaranimada Somaliland ee 2017-ka si Toos ah uga jeediyey Qasriga Madaxtooyadda

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta si Toos ah uga jeediyey Qasriga Madaxtooyadda Qudbadii Xuska sanad guuradda 26aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 2017-ka.

sii;;Qudbadda Madaxweynaha Somaliland oo taabanaysay dhinacyo badan waxa uu kaga hadlay qorshaha qaran ee sanadkan loogu talogalay in wax lagaga qabto dhibaatada Abaaraha ku soo noq noqday shacabka Reer Somaliland, waxaanu ku dhawaaqay in si rasmi ah Somaliland isugu tashanayso isla markaana ay wax ka qabanayso Beeraha, Biyaha, Dibu-xoolaynta Xoola dhaqatada iyo Dhir beerida.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu kaga hadlay wax ka qabashada sicir bararka isagoo sheegay inay Xukuumaddiisu si dhakhso ah wax uga qaban doonto, isaoo sheegay inay xukuumad ahaan bilaabeen talaabooyinkii ay wax kaga qaban lahaayeen.

Madaxweyne Siilaanyo si adag uga hadlay qorshaha beesha caalamku ku doonayso inay cunaqabatayntii Hubka kaga qaado Somaliya, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka hor iman doonta.

Qudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran:

Taariikhda: 18 May 2017

 

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,

 

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu…

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

madaxtUgu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u jeedinaya, dhammaan shacbi weynaha Somaliland meel ay joogaanba, Xuska 26 guurada munaasibadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May 2017.

Si gaar ah, waxaan u boggaadinaya halyey-yada ciidammada qaranka kala duwan ee hadh iyo habeen heegankan ugu jira adkaynta amniga gudaha iyo difaaca qaranka.

Maanta waa maalin weyn, waa maalintii aynu la soo noqonney madax- bannaanideenii murkacatay 1-dii July 1960. Waa maalintii hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee ummaddani, ay go’aamiyeen in ay dib u saxaan taladii ay il-duufeen soddon sanno ka hor, 18-kii May 1991.

 

Waxaan caad, iyo ciiro toona saarnayn, muddadaa 26-ka sannadood ah ee aynu ahayn dal iyo dawlad gaar ah, in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina illowsiiyey xanaftii iyo xanuunkii inaga soo gaadhay 371-kii bilood, ee aynu ka mid ahayn dal weynihii la odhan jiray Soomaaliya.

Guushaa ballaadhan ee inoo soo hooyatay, waxaa galladeeda iska leh ALLAHEENA weyn ee awoodda badan.

Mar labaad, waxaa mudan in aan u mahadnaqo ama u duceeyo, dhammaan hoggaamiyeyaashii qarankan taladiisa iiga horreeyey. Sidoo kale, waxaa mudan in aan bogaadiyo dhammaan haldoorkii, iyo halyeyadii ka soo kala jeeday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, culimada, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo siyaasiyiinta ee doorka weyn ka soo qaatay horumarka iyo dib u dhiska uu qarankani maanta dugsanayo.

Waxaan leeyahay waynu guulaysannay. Guusha dawladnimadeenna waxaa saldhig u ah, oo ay ku timi caqli, cuud iyo cudud aynu leenahay, oo aan carri shisheeye laga soo waaridin.

In kasta oo aan si rasmi ah dunidu u aqoonsan qarannimadeenna. Haddana, waxaa dhab ah in badan oo adduun weynaha ka mid ahi, inay inoola macaamilaan sidii dal madax-bannaan.

Taasi ma’aha arrin ku timi sahalo, balse waa mid ku timi isku-tashi, tacab, tawfiiq, talo wadaag iyo ALLE taban-taabadii.

siilaSomaliland waa xaqiiqa jirta oo aan cidina indhaha ka qarsan karin. Somaliland nin neceb iyo nin jecelba, waa cadceed soo baxday, oo aan cidina sacab ku qarin karin.

Waxaan beesha caalamka leeyahay, Somaliland waa qaran tashaday oo wax taransaday. Waxaannu nahay ummad aan dhito xun dhigan, dhibteedana dunida ka dhawrtay.

Sidaa darteed, ma geyno in lanagu gafo, ama nalagu gabood falo. Ma geyno in lanoo garba duubo, raggii aanu kala guurray, geelii isugu kaaya jirayna, aanu kala soocannay.

Ma geyno in na loogu abaal gudo in na la dhayalsado. Dhinaca kalena, la dhiso dhigayaga, oo maalin kasta maqdarad loo dhigo, maalna loogu ururiyo.

Ka garowsan mayno bulshada caalamka, in ay ku xad-gudbaan xurmada iyo xuquuqda aanu ummad ahaan leenahay, ee EEBE na siiyey.

Ka garowsan mayno caalamka caddaalad darro gaadha, in ay noo kala hiiliyaan ama nooga eexdaan walaalahayo.

Waxaan dunida uga digayaa, in la gaadhsiiyo Dawladda iyo Dadka aan Odayga u ahay, in uu ku dhaco gadood xun, oo lumiya gobonnimadii lagu bartay.

Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.

Soomaalidu waxay ku maahmaada: “Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto”

cabdiSidaa darteed, maanta ummadii soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.

Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban.

Dhinaca kale, waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga.

salaanWaxaan ugu baaqayaa dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna tashada, oo iskiin u tashada.

Haddii soomaali wada noolaan kari wayday, wuxu caqliga fayobi ina farayaa, in ay iskeed u kala noolaato.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

ssssssWaxa sannadkan ina soo wajahay duruufo adag oo kala duwan. EEBE Mahaddii, waxa hubaal ah, in aynu in badan oo ka mid ah kaga soo dabaalannay dedaalkeenna iyo doobirteenna, oo aynu kaashannay ducada ALLE.

Waxaa ka mid ah sicir-bararka ama sarrif-bararka, ka dhashay arrimahan soo socda:

1.  Dhoofka Xoolaha Nool oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaheena, isla markaana ahaa waxa ugu weyn ee aynu dhoofinno, oo la joojiyey. Taasi waxay keentay in aynu ku weyno lacagtii adkayd ee aynu ka heli jirnay, oo aan ka yarayn Saddex Boqol oo Milyan oo Dollar sannadkii.

2.  Lacagtii inooga iman jirtay xoogeenna dhoofsan (Qurba-jooga), oo sababo kala duwan darteed u yaraatay.

3.  Sannad walba, waxaynu lacag adag oo aan ka yarayn dhawr boqol oo milyan ku soo iibsannaa Qaadka, oo aan wax qiimo ah inoogu fadhiyin.

Lacagtaa joogtada ah, oo ummad ahaan inagu ah dhiig bax, ma jirto haba-yaraatee, wax aynu ku beddelanaa.

4.  Ganacsigeennii iyo wax kala iibsigeennii, waxaynu ku salaynay lacag aynaan lahayn, mid kaash ah iyo mid lagu isticmaalo adeegga tilifoonnada ee casriga ah (ZAAD iyo E-dahab), taas oo meesha ka saartay isticmaalkii cumladdeenii sharciga ahayd.

5.  Waxa intaa dheer, innaga oo aan wax soo saar iyo tacab kale u feydan, iska daa waxaynu dunida u dhoofinnee, ab iyo isir khudraddii aynu beeran jirnay, ee dhulkeenna kala soo bixi jirnay, waxaynu maanta ka soo iibsannaa dalalka aynu deriska nahay.

Arrimahaa aan soo sheegay, waxay keeneen baahi dollar, oo xad dhaaf ah, iyo in cumladdeennii qiimo dhacdo, markii la isticmaali waayey.

Haddaba, waxaan Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in ay naga go’an tahay la-dagaalanka sicir bararka iyo hirgelinta go’aamaddii ka soo baxay Golaha Wasiirrada, ee looga gol lahaa qiimo u yeelidda Shillinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxa dalka ka dhacay abaaro ba’an, oo waxyeelo u geystay duunyadii, daaqii iyo dadkiiba.

Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen, guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakhtigan xaadirka ah, waxa qiyaas ahaan la xaqiijiyey in boqolkiiba toddobaatan xoolihii noolaa ay dhammaadeen, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalkeenna.

Taasi waxay keentay, in dad badani ku soo hoydaan Tuulooyinka, iyagoo caydh ah.

Abaartaasi markii ay dhacday, waxaan magacaabay guddi qaran oo ka kooban culimo, ganacsato iyo mas’uuliyiin xukuumaddayda ka mid ah, si ay gurmad iyo gargaar ula gaadhaan dadka tabaaloobay, kuwaas oo illaa hadda shaqaynaya.

Waxaan shaki ku jirin in guddidaasi dedaal weyn ay samaysay, ILAAHAYNA sabab uga dhigay in ay badbaadiyaan nafo badan, oo baad iyo biyo la’aan u dhiman lahaa.

Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo Guddidii aan u xil-saaray taakulaynta abaaraha. Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadaatay gargaarkii iyo gurmadkii loo fidiyey dadkeenna xilligii abaarta.

Mar labaad, waxaan ummadayda ku hambalyeynayaa caadooyinka wanaagsan ee ay dhaqanka u leeyihiin, in ay iskaashadaan ama is caawiyaan wakhtiyada adag.

Waxaan caddaynayaa in Xukuumaddaydu ay gacan weyn ka geysatay gurmadkii abaaraha, isla markaan gundhig u ahayd hawlaha gargaarka. Hore ayaa loo yidhi: “Nin adhigiisii bahal galay, ayaan darane mooyee, orod darane lama yidhaahdo”.

Sidaa darteed, waxba lamaanu hadhin haba yaraatee, kuna faani mayno, oo waxay ahayd xil iyo waajibaad na saaran.

EEBE, waxaan ka baryayaa, inuu ajar iyo xasanaad, dhammaanteen inaga siiyo, qaadhaankii iyo sadaqaddii aynu isu hurray.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

EEBE mahaddii, roobkii waa inoo da’ay, abaartiina wey jabtay. Hase yeeshee, waxay ummad ahaan ina dhaxalsiisay, dhibaato weyn oo u baahan gurmad deg deg ah, iyo qorshe aynu kaga gaashaamanno, ama kaga hor-tagno abaaraha ina aafeeyey, ee inagu soo noqnoqnaya.

Duco-qabayaal,

Qoysaskii aynu xilliga abaarta caawinaynay, waxay soo doogeen iyagoo badi caydh ah, xeradii xooluhu uga buuxi jireen ay madhan tahay, oo cuud iyo calaf kalena aan haysan.

Haddaba, markii aan arkay duruufta dalku ku jiro, waxaan garwaaqsaday in loo baahan-yahay in mar labaad aynu samayno gurmad qaran.

Sidaa darteed, waxaan u beddelay debaaldegii iyo damaashaadkii 18-ka May, oo ahayd munaasibaddii qaranka, qaadhaan ururin ballaadhan oo aynu ku taageerno dadkeenna tabaalaysan.

Si looga midho dhaliyo mashruucan qiimaha badan, waxaan magacaabay, Guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee Bulshada, culimo aw diin, ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, Xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan Xukuumadda.

Guddidan, waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururin ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May illaa 26-ka June 2017.

Qaadhaan ururintan oo socon doonta muddada 45-ka cisho, waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.  In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.

2.  In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay, gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.

3.  In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.

4.  In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xilliga jiilaalka.

5.  In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xilli roobaadkan.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland ee milgaha iyo maamuuska mudan, in ay fadhiga ka kacaan oo ka qayb qaataan qaadhaan ururinta ballaadhan ee ka bilaabantay guud ahaan Gobollada Dalka oo dhan.

 

Waxaan leeyahay dadkaygoow, wax isu hura, oo wax isu quudha, waxna isa siiya. Waxaan leeyahay aynu isku tashanno, ALLAHEENNA talo saaranno. Waxaan idin leeyahay, isu naxariista, si EEBE inoogu naxariisto.

 

Duco-qabayaal,

 

Waxay ummaddi asaageed ku gaadhi kartaa, aqoon, iskaashi, iyo isku duubni. Sidaa darteed, waxaa inala gudboon:

1.  In aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna.

2.  In aynu kor u qaadno wada jirkeenna, iyo waddan jacaylkeenna, isla markaana aynu ubadkeenna ku ababino arrimahaa.

3.  In aynu wax weyn ka beddello qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.

4.  In aynu xoog saarno wax soo saarka beeraha iyo kalluunka.

5.  In aynu qabanno doorasho xor iyo xalaal ah, xilligii loogu talo galay ee 13-ka November, 2017-ka, isla markaana muujinno bulsho ahaan, hab-dhaqan ku dhisan baraarug iyo bisayl badan, sidii caadada inoo ahayd.

6.  In aynu joojinno ama yarayno cunista Qaadka, kaas oo adhax jab ku ah nolosheenna dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo Caafimaadka.

7.  In aynu la nimaadno qorshayaal aynu ku qabanno biyaha badan ee badda ku shubma.

8.  In aynu dhaqan gelinno wareegtooyinkii aanu soo saarnay ee lagu daryeelayey daaqa, duur-joogta iyo deegaanka.

9.  In ay joojiyaan hudheellada waaweyn ee cuntada lagu kariyo adeegsiga dhirta iyo dhuxusha, si looga hor-tago xaalufka dhirta, waxa lagama maarmaan ah in ay ku beddelaan gaasta, oo ah mid haataan qiimo ahaan aan ka qaalisanayn.

10.              In aynu abuurro mashaariic salka ku haysa isku tashi iyo iskaa wax-u-qabso, taas oo waajib ka dhigaysa in arday kasta oo ka soo baxa Dugsi Sare, ama Jaamacadda Heerka Koowaad ka qalin jabiya, in uu qarankiisa u shaqeeyo wakhti xaddidan oo xeer jideeyey.

11.              In aynu ba’abiinno xidhmooyinka dhulka sharci darrada ah, isla markaana aynu soo celinno nidaamkii seerayaasha.

12.              In aynu dhiiri-gelinno, isticmaalka Cumladdeena, isla markaana ummad ahaan isugu naxariisanno sicirka badeecadaha suuqa.

ALLAHEEN BAA GALAD LEH,

 

GOBONNIMANA SHACBIGA SOMALILAND BAA LEH,

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Baadigoobka loogu jiro in daawo loo helo Aidska oo rajo cusub yeelatay
Mayarka Borama Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gaacsatada Jaadka Kadib Markii Ay Diideen Canshuuro dheeraad ah Oo Lagu Kordhiyay
Danbiyadda lagu kala galo Telefoonada oo sii badanaya iyo caqabada go’aankan
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo safar gaar ah oo aan xog laga hayn ku tagay Dubai
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay halista Doorashada, Adeegyada bulshada ee Liita iyo Heshiiska Madaarka Berbera
Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.