Xukuumadda Somaliland oo Go’aamo adag ka soo Saartay Sixir Bararka, Digniina u Dirtay Ganacsatada Raashinka keenta

“ Maanta ilaa Bari Lacag xoog leh ayaa la galinayaa suuqa, lacag aad dibada u diraysaan ma shaqaynayso”Wasiir Samsam Cabdi Aadan

wasiirHargeysa (Waaheen)  Wasiirka Maaliyada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mr Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) ayaa sheegay inay lacag tiro badan oo dollar ah ay suuqa soo galinayaan si hoos loogu dhigo kor u kaca sarifka lacagta dollarka oo mudooyinkii u dambeeyey meel sare gaadhay.

Labadan Masuul ayaa sidoo kale ganacsatada dadka ugu baaqay inay dalka tudhaan oo ay umadda u naxariistaan, isla markaana ay ka jabiyaan maceeshada cirka isku shareertay.

Ugu horayn Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxa aanu Maanta halkan u fadhinaa sicir bararka arintiisa, imika marka aynu dalkeena eegno, abaarahaasi dhacay ee aynu todoba bilood la tacaalayno, dawladahaa waaweyn qaar bay ku adkaan lahayd siday uga bixi lahaayeen hawlahaa. Laakiinse imika waxa aanu dareenay in shacbigii Somaliland gaar ahaana dadka ganacsatada ah lala hadlo, Ganacsatada waxa aan leeyahay wadankan Somaliland wadan ictiraaf haysta maaha waxa ay halkaa ku soo gaadheen in dadku isku tashadaan oo dadku ku tashadeen in Soamliland jiritaankeeda la xoojiyo, taasaa ganacsato iyo cid walba ay ka hawlgashay.

Anigu ilaa 1991-kii intii aan halkan ka shaqaynayey waxaan ogaa dad badan oo ganacsato ah oo Somaliland inay halkaa soo gaadho maanta ka shaqeeyey, maanta laakiin marka ay dawladnimadii sii yara korodhaba waxa aad moodaa in wadaniyadii ay ganacsatadii ay leeyihiin anagu markaa hore ayaanu samaynay oo aanu wax badan wadanka galinay oo imika in aanu macaash helno ayaanu u baahanahay.

Hadaba imikana waxa aanu idinka doonaynaa in ummadda loo tudho, oo umadda loo naxariisto oo imika marka wadankeena qof waliba xisaabtamo oo uu arko dollarka wadankeena soo gala halkuu inaga soo gala, waxa kuu soo baxaysa in dalkeenu aanu wax soo saar lahayn oo waxeenii uu noqday dhagax iyo dhisme oo aduunkii aynaan kula tartami karayn inaynu wax soo saarno oo aynu wax dhoofino oo tusaale ahaan toontii ayaa China la inooga keenaa, runtii inaynu dib u xisaabtano weeyaan.

Horta Baanka ayaa u qaabilsan inuu la socto Suuqa iyo Sicir Bararka Lacagta oo uu u jaangooyo lacagta, laakiinse Baankii hadii aanay lacagi soo galayn waa Af uun wuxuu ku joojinayaaye dhibaataa haysanaysa.

Imika shirar badan oo aanu la galnay baanankaa ku yaala wadanka haday Dahabshiil yihiin iyo Haday Telesom yihiin iyo Haday Salaam Bank yihiinba iyado laga faa’iidaysanayo wixii na soo maray oo hadaanu toban million oo dollar galino waa laguu jaakidhayaa oo tobankii milyan ayaa lagaala wareegayaa, wiig ayay lacagtii hoosaynaysaa, tobankii milyan dibada ayaa loo saarayaa, dabadeedna halkii ayaa lagu soo celinayaa, markaa waxa weeyaan lacagtii waddanka soo gashayna markaynu dibada u saarno, hadana waxa aad ku soo noqonaysaa in maalinta dambe aad lacag kale raadiso, tiina ma shaqaynayso oo waydinkaa arkaya oo Adhigii aynu dhoofin jirnay waa la joojiyey oo dollarkii ina soo galayey sidii hore wuu ka yar yahay.

Markaa waxa aan la hadlayaa Ganacsatada oo waxaan leeyahay waynu ognahay in idinkoo dollar aan sidan in aydaan waxba soo iibsan karin oo raashinkaa aad umadda u keenaysaan in aad dollar hadaydaan sidan aydaan soo iibsan karayn waanu ognahay, laakiinsse hadana marmar ayaa tudhaale la sameeyaa oo waxay ahayd in raashinka la jabiyo iyadoo Abaaro, Xoolihii oo la joojiyey iyo Xanuunaba ay jiraan oo dhibaatadaasi inagu dhacday in raashinka hadana la jabiyo ayay ahayd runtii. Maanta ilaa Bari Lacag xoog leh ayaa ayaa la galinayaa suuqa, lacag aad dibada u diraysaan ma shaqaynayso, waxa la doonayaa xisaabtan oo in lacagtaa suuqa la galiyey ay umadda ka jabiso sicir bararka oo ay wax tarto, hadii laga fursan waayo oo inta lacagtii dollarka ee Baanku suuqa soo galinayey la urursado oo la yidhaahdo waa caadadoodiiye aynu ka urursano oo aynu xarayno oo aynu halkii uun ka miisno ma shaqaynayso waxa uu qorshahayagu yahay oo shaqayn doonta in Raashinka ummadda ay dawladdu keento, dawlada ayaa keenaysa, maraakiib raashin ah ayay keenaysaa, sicir jaban ayaana dadka laga siinayaa oo wakaaladii ganacsiga umaddaa la soo celinayaa ee raashinka wax yar lagaga iibin jiray, hadii tudhaale la waayo taasina way iman doontaa. Ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu shirkan jaraa’id maanta u qabanay in Suuqii iyo Sarifkii galayno oo baritoole hadii alle yidhaahdo aanu lacag fiican galin doono, oo runtii dadka danyarta ahi midhihiisa ay si dhakhso ah u dareemi doonaan in shilinkoodu qiimo usoo yeesho iyo siyaabo kale oo shilkoodu uu qiimo ku yeelanayo oo aanu usoo wadno si uu ula tartamo lacagta dollarka iyo lacagaha kale ee fududbka, sidaa darteedna waxa aanu sheegaynaa ganacsatada sidaa wasiirka Maaliyadu u sheegay inay qiimaha maceeshada ay dadka ka jabiyaan oo ay u naxariistaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Baadigoobka loogu jiro in daawo loo helo Aidska oo rajo cusub yeelatay
Mayarka Borama Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gaacsatada Jaadka Kadib Markii Ay Diideen Canshuuro dheeraad ah Oo Lagu Kordhiyay
Danbiyadda lagu kala galo Telefoonada oo sii badanaya iyo caqabada go’aankan
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo safar gaar ah oo aan xog laga hayn ku tagay Dubai
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay halista Doorashada, Adeegyada bulshada ee Liita iyo Heshiiska Madaarka Berbera
Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.