Faysal Cali Waraabe oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay in uu soo Dhiso Dawlad Sadexda Xisbi u Dhex ah, Shaqadana ka Eryo Wasiirada iyo Agaasimayaasha u olooleya Kulmiye

Waa Nasiib darro in Xirsi oo Daawo dad u Siida la yidhaahdo ma gali kartid Caynabo, waxaasi dawladnimo ma ah, go’aanada noocasina in la qaato ma fiicna

“Nin aad u wanaagsanaa oo  La odhan jiray Cabdiraxman Ducaale oo Bankar ahaa, waa ninkii inaga ilaalin jiray sicir-bararka ayaa Agoontii uu ka tagay Guriig laga saarayaa, Madaxweyne Go’aanka ka noqo

 

madaxweynahaHargeysa (Waaheen) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu xakameeyo wasiiradiisa ku jira Oloolaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu wasiirada u soo jeediyey in ay kala doortan xilka qaranka u hayaan iyo Oloolaha Kulmiye.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay falkii hogaamiyaha xisbiga Mucaarid ee Waddani Xirsi laga horjoogsaday in uu daawo geeyo Cisbitaalka Caynabo, waxaanu go’aankaasi xukumadu qaadatay ku tilmaamay nasiib darro.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay guriga laga saarayo aqoontii gudoomiyihii hore ee baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxman Ducaale, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in laga noqdo go’aanka laga sarayo qoyskaasi guriga. “Dawladu labba qalad oo waaweyn ayey sameysay, inkasta oo ay  qalad badan tahay, midi waxa weyaan nin aad u wanaagsanayo La odhan jiray Cabdiraxman Ducaale oo Bankar ahaa, waana ninkii inaga ilaalin jiray sicir-bararka oo Gudoomiyaha Banka dhexe ahaan jiray ee dhintay Allahawnaxariiste, ayey dawladii gurigii Agoontii ka saareen, anigu Somaliland horan u sheego waxaan idhi ninkeeda Fiican dila”ayuu yidhi.

Isaga oo sii wata hadalka waxa uu yidhi. “Ta labbadana waxa weeyi qoladii maalintii dhaweyd caynabo tagtay, ee dawooyinka siday ee in ay caynabo galan loo diiday, aniga barri la iidiiday in aan gabiley tago oo meesha maqaaxida Inanta laygu hor joogsaday, waa ceeb in qof daawo sida loo diido in uu Cisbitaalada uu geeyo, dawlada waxaanu leenahay Kulmiye dadka loo afduubi maaye, Agaasimayaashi ayaa Kulmiye u shaqaynaya, ku yar oo Madaarka jooga dhammaan Dukhaankii ayuu wadda kireyo, wuxu leeyahay Muuse u kacay muuse u kacay, waxana leeyahay nin aad Muuse u shaqayso iyo in aad Dawlada u shaqayso, dawladanu iska arkaynaa.”Ayuu yidhi.

Faysal waxa uu sida fiinta uga qayliyey Masuuliyiinta Xukumada siilaanyo ee u olooleya Kulmiye isla markana ilaaway xilkii  qaranka ay u hayeen. “Agaasimihii ayaa olooleynaya, wasiirkii ayaa shaqeynaya, maalin dhaweyd waxaan ku idhi kala saara Muuse Biixi iyo dawlada, nin wasiir ah ayaa igu yidhi maye kala saarimayne anigu golaha dhexe ee Kulmiye ayaa ku jira, habba  kulmiye u tago shaqadii qaranka noo daa ayaan leeyahay, haddii aanay joojin wasiiradu oloolaha Muuse biixi waxaan idiin sheegayaa, Madaxweynaha waxaanu ku qasbaynaa in uu dhiso dawlad loo dhan yahay, wasiiradan muuse daba yaacayna waa in kulmiye u go’aan, laakiin in lacagtii dawlada, baabuurtii dawlada, awoodii dawlada in uu muuse nagula tartamo yeelimayno”Ayuu yidhi.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Baadigoobka loogu jiro in daawo loo helo Aidska oo rajo cusub yeelatay
Mayarka Borama Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gaacsatada Jaadka Kadib Markii Ay Diideen Canshuuro dheeraad ah Oo Lagu Kordhiyay
Danbiyadda lagu kala galo Telefoonada oo sii badanaya iyo caqabada go’aankan
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo safar gaar ah oo aan xog laga hayn ku tagay Dubai
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay halista Doorashada, Adeegyada bulshada ee Liita iyo Heshiiska Madaarka Berbera
Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.