Xaaska Gudoomiyihii Hore ee Baanka Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeysay in Guri uu Marxuun Cigaal Siiyey la Doonayo in Xoog lagaga Saaro oo Xukumadu iibsanayso.

Xarunta Booliska ee Kood-buur ayaa laygeyey xoog baana laygaga  saxeexay in khasab aan kaga baxo Guriga,  Meel aan u baxo magaranayo, Dhaqaalena mahaysto aan guri kale ugu Guuro

“Naftaydu Ogaadeen ayaan ahay, oo kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ayaan u dhashay, Markaa Waxa la ii eryanayaa “Waa Ogaadeen oo Waa shisheeye”

 

MADAXWEYXHargeysa(Waaheen)  Marwo Amran Maxamed Suldaan  Xusen Suldan Cilmi oo ah Marwadii uu ka  geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdiraxman Ducaale ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in xog looga saarayo guri uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Cigaal uu siiyey Cabdiraxman Ducaale.

Marwo Amran waxa ay sheegtay in la doonayo in marka xoog guriga laga  saaro in loo mustaafuriyo Kililka shannaad ee Itoobiya.

Marwo Amran oo arrintaasi ka hadlayaa waxay tidhi. “Gurigan Waxaa lahaa Bankiga, Anagu labaatan sanno ayaanu kujirnay,Cabdiraxmaan Waa lasiiyay oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaaba uga baxay, oo ku wareejiyay,Wuu gubtay oo waan dhisay,Bankigu ima gacan qaban,Dawladuna ima gacan qaban,Hal jiingad imaysiinin,Guryo ayaanu ka dhex dhisanay,Shalay Barqadii waxa ii yimid Bilays, Guriga Dibadiisa ayuu joogay, Waxay igu yidhaahdeen soo bax, Maxaa dhacay ayaan ugu jawaabay, ma dad ayaanu dilnay, maya yay igu yidhaahdeen, Waxa ku doonaya Taliyaha, Waan tagay, waa la I afduubay, Saldhiga Koodbuur ayaan tagay, Anigu waligay Saldhig matagin, Askarna ma arag, Waxa la igu yidhi warqadan saxeex inaad Guriga Todoba Cisho kaga baxayso, Haddii kale waa lagu xidhi, Gurigan Alaabta dibada ayaa laguu dhigayaa, Saddex Bilood hala iisiiyo ayaan idhi, Taliyaha Jooga Koodbuur, Jananka ayaan wacayaa ayuu yidhi, Wuu wacay,Waxa uu yidhi, Maalin loogu dari maayo, Maxaa dhacay ayaan idhi, Waxa ay yidhaahdeen waa amar naga sareeya, Amarkaasi anagu askar ayaanu nahay oo waanu fulinaynaa,”.

Waxa kale oo ay tidhi“Markaa sidaasi ayaa aniga la igaga saxeexay Khasab,Toban Cisho inaan kaga baxno, Meel aan u baxo magaranayo, Dhaqaalena mahaysto aan guri kale ugu guuro, Somaliland waan u dhalay, Waanan ka dhashay, hooyadii ayaa ah, Aabahay ayay dhaleen, Ayeeyooyinkay ayaa ah, Laakiin naftaydu Ogaadeen ayaan ahay, oo kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ayaan u dhashay, Markaa Waxa la ii eryanayaa “Waa Ogaadeen oo Waa shisheeye”, Dadka Guryaha laga saarayo Nidaam maamul ayaa loola yimaadaa, hadal la iilama imanin, Safaarada Itoobiya ayaa la siiyay ayaa leeyahay, Guri la ima siinin, Maxas ayaa joogta, waxaasi oo ciyaal ah ayaa kunool, oo Odaygu uu kaga tagay anigu ma keenine, Halkaasi Mudulahaasi waxa kujira Wiil Curyaan ah oo Star Tv u shaqeeya”.

Ugu dambayn waxa ay tidhi “Waxaaba la idoonayaa in la iqaado oo la ii mastaafuriyo kililka Shanaad Sida Oromada, ha iikeeno Baabuur oo hala ismastaafuriyo oo wadankaygii Jigjiga hala igeeyo,Cabdiraxmaan umalayn maayo inuu ka dhashayba,haddii uu ka dhashay in la ixtiraamo ayay ahayd, Isaga iyo Ina Cigaal rag wadanka soo dhisay ayay ahaayeen,hal boos oo jago ah oo aan  dhisto muu lahayn, nin xaaraanta Cuna ma ahayn, nin wadanka boobay muu ahayn,Wuu heli karayay inuu Fooqyo dhisto, Laakiin saafi ayuu ahaa, oo isagoo nadiif ah ayuu dhintay Cabdiraxmaan Ducaale”Ayey tidhi.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.