Somaliland oo Sheegtay in Boqolkiiba Sagaal iyo Toban dekeda Berbera ku Wareejisay itoobiya

berbHargeysa(Waaheen) Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka si lama filaan ah ugu  dhawaaqdey in saami laga siiyey dekeda magaalada Berbera oo maanta si rasmi ah loogu wareejin doono shirkada Dp World . Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo saaka u waramey Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada Somaliland ay Saami ka siisay dawlada Itoobiya Dekada Magaalada Berbera si ay u isticmaalaan Saamigan ayaa waxaa uu wasiirku ku sheegay in ay tahay 19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) waxaana shaacintani ay ku soo beegmaysaa xili ay maanta xukuumada Somaliland ay dekada Magaalada Berbera maamulkeeda si rasmi ah ugu wareejineyso shirkada Dp World

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.