Wasiiradii Gobolka Awdal oo Kaadhadkoodii Cod-bixintu Galaftay laba Jeer Qaadasho ay Sameeyen wakhtigii ay is-diwaangalinayeen iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo Kaadhkiisii Cod-bixinta qaatay

Wasiirada Waxbarashada, Boosaha, xidhiidhka Golayaasha iyo  Arrimaha Bulshada oo kadhadhkoodii lagu daray liiska dadka lab jeer is-diwaangaliyey iyo ceebtii ay sameyn oo ay kula Dul galgalanayaan Komishanka iyo Jaamacada Camuud

dddWasiirka-WaxbarashadaHargeysa(Waaheen) Xog rasmi ah Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaysa in Wasiiradii Gobolka Awdal ee xukumada Madaxweyne Siilaanyo aanay ilaa wakhtigan qaadan Kaadhkii Cod-bixinta Doorashada, Masuuliyiintani  sababta ay u qaadan waayeen ayaa la sheegay in ay tahay in wakhtigii Diwaangalinta cod-bixiyaashu socotay ay laba laba jeer qaateen kaadhadhkii cod-bixinta sidaasi daradeena ay Kaadhadhkoodu ay ka gubteen madama Sharciga Komishanku dhigayo qofkii laba jeer is-diwaangaliya aanu helay Kaadhkii uu ku codeyn lahaa   isla  markaana kaadhku  gubanayo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Cabdilaahi Ibraahin Habane, Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige, Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Maayirka Borama Maydhane iyo Wasiiro ku-xigeeno ayaa la sheegay dhammaan kaadhadhkoodii cod-bixintu gubteen oo lagu daray liiska dadka laba jeer si diwaangaliyey wakhtigii lays diwaangalinayey, waxana la sheegay in Masuuliyiintani ay ka mid yihiin dadkii Serverkii kala shandhaynayey dadka laba jeer kaadhka qaatay uu reebay.

Wasiiradan ayaa markii ay waayeen kaadhadhkoodii waxay magaalada Borama ka bilaabeen dagaal qaawan oo ay ku qaadeen Komishanka Doorashooyinka iyo Ardaydii Jaamacada Camuud ee sannadkii hore dadka diwaangalinaysay iyaga oo warar been abuur ah ka faafiiyey waxanay wasiiradani magaalada galiyeen in la xaday qaar ka mid ah kaadhadhkii dadweynaha  isla markana Ardaydii jaamacada Camuud sameeyen  Musmaasuq, basle waxa iska cad in markii masuuliyiintani waayeen kaadhadhkoodii ay ku codeyn lahayeen ee uu reebay Miishanka kala sifeynayey dadka laba jeer is-diwangaliyey in ay warbahinta la soo fadhiisteen warar khalkhal galigaadhay diwaangalinta.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacada Camuud ayaa Hargeysa u yimid eedo wasiirka waxbarashadu ka fidiyey Jaamacada Camuud, waxanay gudoomiyaha iyo qaar ka mid ah hormoodada jaamacadaasi oo la socday ay dacwad ka gudbiyeen wasiirka oo ay ku eedeyen siday wararku nagu soo gadhayaan  in sharaftii jaamacada meel uu kaga dhacay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Saylici ayaa ah Masuulka kali ah ee soo qaatay kaadhkiisi cod-bixinta.

Diwaangalinta  Gobolka Awdal ayaa u socota si habsami ah iyada oo dadka reer Awdal qaadanayaan kaadhadhkoodii.

 

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.