LOTTERY-gii Maraynka oo ay Sannadkan ay ku Guuleysteen Dhalinyaro Reer Somaliland

Bakhtiyaanasiibka lagu tago dalka Maraykanka ayaa Somaliland waxa ka Xareeyey in ka badan Hal Milyan oo Qof

sssHargeysa(Waaheen)  Waxa todobaadkii hore la soo saaray liiska ku guuleystay Bakhtiyaanasiibka lagu tago dalka Maraykanka ee loo yaqaano LOTTERY, waxa sannad walba adduunka oo dhan laga xareeya Bakhtiyaanasiibkaasi iyada oo la sheego in Malaayiin qof xareeyan Bakhtiyaansiibkaasi basle waxa kali ah oo ku guleysta 50,000 oo qof Sannad walba.

Bisha October ee sannad walba ayaa la Xareeya Lotteriga, waxana natiijada la soo dhajiyaa Bisha may.

Hadaba Sannadkii hore ee 2016-kii Bishii October dhalinyaradii xareysay ee reer Somaliland ayaa lagu qiyaasay in ay ka badnaayeen Hal Milayn oo Qof, waxana bishii October buux dhaafay sawirlayaasha kuwaasi oo kumanaan dhalinayro ahi sawiro Kur ah ka galayeen, waxana la sheegay in dakhliga sawirlayaasha soo gala bishaasi oo kali ahi uu sannadkii lacagta soo gasha ay ka badto tay bishaasi helan.

Todobaadkii hore ee bishan May ahayd kow ayaa la soo dhajiyey Natiijadii waxa dhanka Somaliland ku guuleystay dhalinyaro aad u badan oo ku kala nool gobolada dalka, waxaan goobaha bulshadu ku kulanto ee Facebook loogu hamblayeynayey dhalinyaradii ku guulestay Bakhtiyaanasiibka lagu tago dalka Maraynka.

Waxa kale oo jira goobo ay sameeyeyn dhalinyaro reer Somaliland oo ah Facebook  oo sanado hore ku guulesytay Lotterigaasi isla markana dalka Maraykanka ku tagay kuwaasi oo ku kala sugan gobolada dalka Maraykanka, waxanay dhlinyaradaasi saaxiibadood uga waramaan  meelaha ugu fudud ee laga soo baxo isla markana waxyaabaha Safaaradaha Maraynku waydiinayaan ayey uga sii jawaaban.

Meelaha Wariyaasiyada Lagu qaaddo ayaa kala ah Safaarada Jabuuti ee Maraynka iyo ta Itoobiya.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.