Wasiirka Madaxtooyada Oo Fariin U Diray Siyaasiyiinta Ku Dooda In Doorashada Madaxtooyadu Mar Kale Dib U Dhacayso

“kuwa ka war warsan ee leh kolba muddo ayaa la kordhinayaa waxaanu leenahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee caloosha u sii daaya”Maxamud Xaashi

 

ssssssHargeysa(Waaheen) Wasiirka Madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa fariin u diray siyaasiyiinta inta badan ku dooda inay doorashada madaxtooyadu mar kale dib u dhici doonto. Wasiir Maxamuud Xaashi oo shalay ka  hadlayey kulan ay xukuumadu ku wareejinaysay lacagtii baaqiga kaga ahayd kharashka doorashada ayaa sheegay inaanay jirin wax dib u dhac oo ku iman kara doorashada.

Ugu horayn wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya cid iska leh masuuliyada qabashada doorashada ayaa waxa uu yidhi “Farsamo ahaan doorashada waxa masuul ka ah guddida doorashooyinka, madaxweynaha qarankuna waxa uu leeyahay masuuliyada guud, waana masuulkii qaranka oo dhan, dad badan ayey xan, dacaayad iyo warbaahin laga hadlo kaga soo ururtay raganimada gabigeeduba, way sahlan tahay in qof la dhaliilo qofna la caayo, waxbana kuma fadhido oo koob biyo ah oo la qudh qudhiyey way ka sahlan tahay laakiin waxay u baahan tahay in hadalka loo miidaan dayo cadaalada uu salka ku hayo iyo xaqiiqada uu ku fadhiyo.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin u diray siyaasiyinta ku dooda inay dib u dhacayso doorashada madaxtooyadu waxaanu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ah iyo taageerayaasha xisbiyada dhamaantood  waxaanu u cadaynaynaa in dalkan doorasho ka dhici doonto wakhtigii loogu tala galay haddii alle idmo, waxaanu u cadaynaynaa inaanay lacag la’aan u baaqanayn doorashada somaliland, kuwa ka war warsan ee leh kolba mudo ayaa la kordhinayaa waxaanu leenahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee caloosha u sii daaya, raga siyaasada qoolaalinaya waxaanu leenahay miciin haka dhiganina in kolba wax kordhayaane iyo shaki iyo mala awaal ee si nadiif ah u tartama.”

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.