Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo 1,200,000 Dollar Ku Wareejisay Komishanka Doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Hawlaha Kaadh-Qaybinta Ee Dalka Ka Bilaabantay

 

WASIIR3Hargeysa( Waaheen) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay Komishanka Doorashooyinka  Qaranka ku Wareejisay $1,200,000 (Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Dollar) oo ka dhinayd lacagtii ay xukuumadu Somaliland hore u balanqaaday oo ay qabtii hore dhawaan lagu wareejiyey komishanka doorashooyinka.

Lacagtan $1,200,000 ee ay shalay wasiirka maaliyadu wareejisay ayaa waxay komishanku ugu talo-galeen in lagu qabto hawlaha qaybinta kaadhadhka codbixinta ee dalka ka bilaabantay.

Munaasibadii Wasiirka Maaliyadu ay lacagtaasi ku wareejinaysay oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Maaliyada oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Xisaabiyaha Guud  ee  Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay tidhi “Maanta waxa aanu halkan ku fadhinaa Wasiirka Madaxtooyada, Xisaabiyihii Guud, simihii Baanka Dhexe, Guddidii Doorashooyinka Qaranka. Halkan waxa aanu maanta ku bixinaynaa $1,200,000, (Milyan iyo Labadii Boqol Ee Kun Ee Dollar), waxa halkan jooga Baankii oo isaguna xaqiijinaya in lacagtaasi ay ugu shubaan Accoun-ka Komishanka Doorashooyinka iyo Xisaabiyihii guud oo isaguna soo diyaariyey Milyan iyo labadii boqol ee kun ee dollar.”

Sidoo Wasiirka Maaliyadu mar ay ka hadlaysay Sicir Bararka ayaa waxa ay sheegtay in Somaliland aanay dibada wax u dhoofin wax soo saar buurana aanay lahayn, balse ay dibada wax kala soo degto, sidaa darteedna ganacsatada dalku ay doonayaan inay koobkii shaaha ah ku iibiso dollar, isla markaana arrintaasi ayey Wasiir Samsam ku tilmaamtay inay lafdhabar u tahay sixir-bararka dalka ka jira oo ay sheegtay inaanay xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin sidii loo xakamayn lahaa.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa isaguna Wasiirka Maaliyada iyo guud ahaan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uga mahadnaqay sida xukuumadu ay hawlgashay ugana qayb qaadato doorashooyinka iyo diiwaangalinta dalka, isagoo Gudoomiyaha Komishanku arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu ugu mahadnaqaynaa Wasaariiradda Maaliyadda Marwo Samsam siday uga hawlgalaan qaabkan doorashadeenu u socoto oo run ahaantii mid hawl badan ah, waxa kale oo aanu uga mahadnaqaynaa run ahaantii qaabkii ay dawladu uga qayb qaadatay isdiiwaangalintii oo run ahaantii ahayd mashruuc aad u weyn oo aynu ku soo guulaysanay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa  si weyn ugu mahadnaqay Wasiirka Maaliyada Somaliland, waxaanu fariin u diray Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka isagoo tilmaamay in doorashada Somaliland aanay lacag la’aan u baaqan doonin, waxaanu yidhi Wasiirku “Munaasibadan aynu isugu nimid ee guddida doorashooyinka Qaranka ay ku wareejinayso Wasiirka Maaliyadu lacagtii ka dhinaatay, waanu ku bogaadinaynaa Wasiirka hawsha fiican ee runtii ay qabatay iyadoo amarkii Madaxweynaha fulinaysa” ayuu yidhi Wasiirka Maxamuud Xaashi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay mar uu ka hadlayey cida farsamo ahaan qabsoomida doorashada masuulka ka ahi ay tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanu yidhi Wasiir Xaashi “Farsamo ahaan doorashada waxa masuul ka ah guddida doorashada, Madaxweynaha qaranku waxa uu leeyahay Masuuliyada guud oo qaranka oo dhan ayuu Masuul ka yahay ‘Head of State’, balse dad badan ayay raganimada gabigeeduba ay kaga soo ururtay xann iyo dacaayad warbaahin lagaga hadlo, way sahlan tahay in qof la dhaliilo lana caayo oo biyo la qudhqudhiyey way ka sahlan tahay, laakiin waxay u baahan tahay in hadalka loo miidaan dayo oo uu cadaalada salka ku hayo, xaqiiqona uu ku fadhiyo.

Xisbiyada Mucaaridka iyo dhamaan taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka waxaanu u cadaynaynaa in dalkan doorasho ka dhici doonto xiligii loogu talo galay Illaahay idambii, waxaanu u cadaynaynaa in aanay lacag la’aan u baaqanayn doorashooyinka Somaliland, waxaanu leenahay kuwa wali ka walwalsan ee leh mudaa la kordhinayaa, waar bishu hortiinay iman doontaa baanu leenahay ee caloosha u sii daaya oo raga siyaasada qoolaaliyaya waxaanu leenahay miciin ha ka dhiganina oo ha jeedaalinina inay wax kordhayaan iyo shaki iyo mala’awaal ee si nadiif ah u tartama” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.