Dalalka Galbeedka oo ka Naxay Masjid ay Qatar Ka Dhistay Sweden

qatar-620x264Wargayska Preprat ee Dalka maraykanka ayaa warbixin ka sameeyey Masaajid ay dhowaan dawlada Qatar ka dhistay Magaalada Malmo ee Koonfurta Dalka Sweden oo ah wadan dadka ku nool 80% aanay aaminsanayn in Ilaahay jiro.
Wargaysku waxa uu leeyahay Masaajidkaasi waxa uu keeni karaa werwer ku saabsan in ay dadka wadankaasi galaan Diinta Islaamka, iyadoo muddo dheer la is weydiinayey diinta ay dadka wadankaasi mustaqbalka aamini doonaan.
Masjidkan oo xadhiga laga jaray dhamaadkii Todobaadkii hore ayaa loo bixiyey Magaca Hooyadii Muuminiinta ee “Khadiija” waxana uu ku fadhiyaaa masaafo ku dhow 2000 M oo square ah, waxana uu qaadi karaa illaa 2000 oo Musliin  ah oo hal mar ku wada tukan kara, taas oo ka dhigaysa Masaajidkii ugu weynaa ee laga dhiso wadamada Scandanevian-ka.
Sweden ayaa dhamaadkii 2016 waxay qaabishay 10 kun oo qaxooti ah oo ka soo jeeday wadamada Suuriya, Afghanistan iyo Ciraaq, kuwaas oo badankooda la dejiyey magaalooyinka Malmo iyo Stochlom.
Sida la ogyahay wadamada reer Yurub ayaa si guud uga werwersan islaanimada, gaar ahaan waxa ay u bixiyeen ‘Islamophobia‘ iyadoo muwaadiniinta reer yurub ay maalinba ta xigta ku soo qancayaan diinta Islaamka, kaalintii kaniisaduhu ku lahaayeen shacabka qaaradaasina uu hoos u sii dhacayo, tahriibayaal malaayiin ah oo ka tegaya Wadamada Muslimiintuna ay u hayaamaan Dhankooda.

 

Filed in: Articles, Radio Waaheen

You might like:

Daawo: Faysal Cali Waraabe oo Bogaadiyey Madaxwayneha Cusub Ee Somaliland
Daawo: Xisbiga Waddani Oo Aqbalay Natiijadii Doorashada Somaliland
Muuse Biixi Cabdi Oo Noqdey Madaxweynaha Shanaad Ee Somaliland Iyo Codadka Uu Helay
Daawo: Natiijada Doorashada Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
Daawo: Musharaxa Wadani Oo ka hadlay Natiijada Doorashada
Wasaarada Warfaafinta oo Xayiraadii ka qaaday Tv-ga Kalsan
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.