Xirsi oo Sheegay in Safar hore oo Caynabo ku tagay Qori lagu Qabtay, Maanta loo Diiday in uu Caawimo Gaadhsiiyo Dad Shuban Biyood u Jiifa

 

Waxa uu ku eedeyey koox magac xukumada ku shaqeysta ay hagardaamooyin u maleegayaan dadka reer Caynabo

 

xirsiHargeysa(Waaheen) Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa dhaliil kulul ujeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta xukumada Silaanyo oo sheegay in ay Bixiyeen amar loogu diiday in cisbitaalka Caynabo uu gaadhsiiyo Dawooyin, Biyo iyo Cunto uu xisbiga Waddani ugu deeqay .

Xirsi oo Ciidamada Boolisku ka hor istaageen Cisbitaalka in uu deeqdaasi gaadhsiiyo ayaa ka hadlay talaabadaasi bini’aadanimada ka soo horjeeda ee lagula kacay.

Waxaan yidhi. “halkan aanu joognaa waa dhakhtarkii Caynaba waxaanu wadnay dawooyin iyo cunto aanu ugu gargaarayno dadka xanuunadu soo riiteen la jiifa ee shuban biyoodka, ka xisbi ahaan waxaanu kale oo aanu wadnay dhakhaatiir aqoon sarre leh kuwaasi oo aanu ugu talo galnay in ay dadka daaweyaan, Hadaba waftigayagii waddani ee sidaasi u socday waxaa dhakhtarka Caynaba ka kulanay in qoryo la nagu qabto, waxa qoryaahasi nagu qabtay askartaasi halkaasi ka muuqda, waxay yidhaadeen dawlada tidhi yaan la soo galin, oo qoladaasi yaanay soo galin”Ayuu yidhi.

 

Xirsi oo hadalka siiwatana waxa uu yidhi. “waxa muuqata dadkii oo shumaya oo xuunansanaya ayaa dawadii aanu siday ee mucaawimada ahayd loo diiday oo laga xayiray, waxaanu dadka reer Caynabo, dadka reer Saraar iyo dadka reer Somaliland ee Samaha jecel u bandhigaynaa, in sifo afduub ah in dadkii loogu diiday in aanu caawimo gaadhsiino, waanu cambaaraynaynaa, ficilkan imika qoryaha lanagu qabanayo waxa uu la mid yahay ficilkii Maxkamada Hargeysa ka dhacay ee reer Waddani iyaga oo maxkamada jooga lagu dhibaatiyey, ee qaar lagu xidhxidhay, qaar lagu jidhdilay, qaarna jeelasha  hada ugu jiraan, markaasi ciidii fulisay waa amar qaldan ciidi fulisay amarkaasina waxaan leeyahay waa amar qaldan, waa maamul qaldan waa sifo qaldan, markii hore waxa laga cabanayey in dadku  hadlaan xoriyadooda, nin dalka qori kuma qabsan madaxweynihiina anaga shallay la shaqeynayeyn kumanan ogeyn sidaasi, hadan aanay ahay wax maanta la gaadhay ama dadka buka loo tashaday, ama cayanbo u khaas ah”Ayuu yidhi Xirsi

 

Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay. “Ninkii dadka reer caynaba wax u tarayo halkan kaalay, hadaydaan umada u iman, oo aad tidhaahdan cid kalena yaanay u iman waa nasiib darro, dhacdadii tan ku xigtay oo badhasaabka maanta jooga joogay, halkaasi ayaa aniga qori laygu qabtay oo layga celiyey, nasiibdarro waxay ahayd mid isaga ku kali ahayd, oo kaligii isaga ku koobnaa, markii wasiirka Dakhliga la hadlay wuxuu igu yidhii ma ogi, sidiiban ku galay shirka waxaan u arka caynba, in kooxi ay afduubatay oo kooxnimo ku afduubtay isla markana magaca dawlada huwanaya”Ayuu yidhi.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.