Ololaha Doorashada Faransiiska oo Soo Xidhmay

 

Waxaa la soo gebagabeeyay ololihii doorashada madaxtinimada Faransiiska iyadoo maalinta berito ah ay dadku u dareerayaan codbixinta doorashadaasi.

ololeKooxda ka shaqeynaysay ololaha doorashada madaxtinimada ee musharax Emmanuel Macron ayaa sheegtay in ay dhibane u noqdeen weerrar ballaaran oo dhanka internet-ka kaddib markii dikumintiyo muhiim ah la soo dhigay online-ka.

Waxa ay kooxdu leedahay, dikumintiyo rasmi ah oo la jabsaday ayaa waxaa lagu dhexqasay kuwo been abuur ah si dadka loo wareeriyo.

Ra’yi uruurintii ugu dambaysay ee la sameeyay kaddib dooddii Arabacadii laga sii daayay taleefishinka, ayaa dhammaan muujinaysa in Emmanuel Macron uu aad oga horreeyo hogaamiyaha midigta fog Marine le pen.

Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaan Faransiiska, ayadoo ay ciidamada dalkaasi ku jiraan feejignaan sare.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.