Madaxwene Farmaajo Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey Iyo Cida Uu Xilka Ka Qaadey

madaxweyneHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray aqbalida xil ka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xeerka Madaxweynuhu soo saaray waxaa uu sidoo kale si rasmi ah xilka uga qaaday Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo tani ay sii xoojineyso muranka la xidhiidha sharci ahaanshaha xil k qaadista.

Golaha Wasiirada ayaa shir deg deg ah oo ay xalay yeesheen waxay isku raaceen xil ka qaadista Hanti Dhowraha, kaddib markii Ilaaladiisa ay dileen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Hase ahaatee Hanti Dhowraha ayaa ku gacan seydhay xil ka qaadista Golaha Wasiirada, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci aheyn.

Waxaa uu ku dooday in isaga ay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka oo ay xasaanada kala noqon karaan, kaddib Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo xil ka qaadistiisa.

Hanti dhowrka Guud ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadistan ay tahay mid siyaasadeysan, isla markaana horay uga hadlay sharciyo uu ku xadgudbay Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadan maamulka Miisaaniyadda.

Si kastaba arrinta xil ka qaadista Hanti dhowraha ayaa xiisad ka dhex dhalin karta hey’adaha dowladda, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay durbaba ka soo horjeesteen, inkastoo Baarlamaanka uu fasax ku jiro.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Wasiiru-dawle Magacaabay
Iiiran: Gabadh Wariye ah oo ka soo dhex muuqatay Sawiro Diinta Lid ku ah oo la cambaareeyey
UK oo 2040-ka laga mamnuucayo gawaadhida cusub ee ku shaqeeya shidaalka
Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare
Xisbiga UCID Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gobolka Togdheer
Shirkadda Adobe oo khadka ka saaraysa barnaamijka Flash Player
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.