Aniga Madaxweyne Siilaanyo Adeer Buu Ii Yahay Oo Isaga Iyo Aabahay Waxay Ahaayeen Nimankii Ka Damqaday Dulmigii Ay Dadka Masaakiinta Ahi Ku Noollaayeen Xilligii Siyaad Barre, Laakiin……”

vlcsnap-2017-05-04-20h00m22s84-1024x563 hibaaq-cabdiqaadir-koosaar-1024x563Hargeysa(Waaheen):- Qaar ka mid ah Dadka Shacabka ah ee deggan Xaafadda ka dambaysa Saldhigga dhexe ee Booliska badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa Cabasho ka muujiyey Jidadkii Xaafaddooda geli jiray oo ay sheegeen in dhammaantood loo xidhay Ganacsadaha Ina Faarax Xarbi oo ay Xukuumaddu ka iibisay, isla markaana sita Warqad Madaxweyne Siilaanyo laga saxeexay. Dadkan oo qaarkood yihiin Hindi Somaliland gaar ahaan Hargeysa Tafiirtoodu degganayd illaa 1940-kii, oo Dhismayaasha hadda waddooyinka laga jaray wakhtigaa dhistay, ayaa sheegay inaanay xataa haddii Meyd ka dhinto Xaafadaha Saldhigga ka dambeeya illaa Masjidka Rusheeye dhiniciisa meel laga qaado Meydkaas ama Qofkii Sakaraada aan loo bannayn ee jidadkii laga wada jaray, iyada oo awood dhaqaale iyo mid dawladeed loo adeegsanayo; sida ay hadalka u dhigeen. Waxay Qaar ka tirsan Haweenka, Culimada, Dhalinyarta iyo Dadka Xaafadda oo Saxaafadda la hadlay shalay ugu baaqeen Madaxweyne Siilaanyo, Xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiirrada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, Hawlaha guud Cali-Marreexaan iyo Maayerka Dawladda Hoose in laga joojiyo Tacaddiga iyo weerarka Jidadka lagaga jaray oo Cadaaladda, Xaqa Muwaaddiniinta iyo u sinnaanshaha Sharciga aan la iska laabin oo aan Xoog dhaqaale iyo Xoog dawladeed la isugu tacaddiyin.

Dadkii halkaasi ka hadlay waxaakamid ahaa nin magaciisa ku sheegay Maxamed Ismaaciil Saambuuse oo sheegay in uu 1953-kii ku dhashay xaafadan, “aniga magacaygu waxa weeye Maxamed Ismaaciil Cabdilkariim Ina Saambuuse, waxaan halkan ku dhashay 1953, gurigan aan hor taaagannahayna waxaa la dhisay 1958, Somaliland oo dhamina way na garanaysaa oo Nin Muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo asalkiisu hindi yahay baan ahay, maanta aniga ayay cagaftii Ina Faarax XArbi I saaran tahay, waxaan doonayaa in la I badbaadiyo aniga iyo maatida halkan tubanba”sidaas ayuu yidhi muwaadinkan Hindiga ah oo dareenkiisa la xidhiidha jidka loo xidhay ganacsadaha cabirayay. Sidoo kale waa iyaguna ka hadlay halkaasi haween hadalladooda ay kamid ahaayeen “Waxaan doonaynaa in laga qabto ganacasadaha kadinkii naga ooday”.Marwo Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar Maxamed oo kamid ah dadka goobta ka hadlay ayaa iyaduna faahfaahisay sida ay wax ujiraan iyo halka ay sartu ka qudhunsantay iyada oo farriin u dirtay wasiirrada madaxtooyada iyo hawlaha guud “Magacaygu waa Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar, Xaafaddan waxaan ku leeyahay reerkan Hindida ah ee hadalka iiga horreeyey gurigooda guriga ka dembeeya, Ina Faarax Xarbina Anigu Cagahayga Ayaan Ugu tegey waxaan ku idhi inaadeer labadaas waddo ee Hawd ka imanaya haddii laguu xidhay, tan saldhiga dhexe idiin dhaxaysa hanaga xidhin, waxa uu igu yidhi gabadh yahay wax aan waddo kuu hayaa ma jirto, xilliga aan u tegey waxay ahayd bishii February bilowgeedii, intaasna waxaan isku halaynayay in amniga awgeed aanu isagu u dhawaanayn saldhiga dhexe siddeeda mitir ee u dhaxaysay, hase yeeshee immika waxa ay soo gaadhay in uu keenay fayl uu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay oo saldhiga dhexe laba mitir oo keliya loo banaynayo, markaas waxaan haddana isku dayay inaan hawlaha guud bal la xidhiidho, waayo waxaa uu aniga igu yidhi ganacsaduhu dawladda dhexe ayaa iga iibisay”. Sidaas ayay tidhi MArwo Hibaaq Muj. Cabdiqaadir Koosaar oo kamid ahaa dadka goobta ka hadlay waxaanay intaa ku dartay “Markaa haddii ay dhacday in boostii Salaan Jirde ay Ilma Salaan Jirde ka xishoodaan inay ku qabsadaan, maadaama oo aabahood dan guud u bixiyey oo ninkaas Ina Faarax XArbi uu dawladdii ka iibsaday, waxaa Nasiib darro ah in wadadii u dhaxaysay saldhiga dhexe iyo boosta uu ku darsado, oo meel immika xaafadayadaas meydka loo mariyaa haba yaraatee aanay jirin, haddii uu guri naga gubtana meel uu dab damiskii noo soo maraa aanay jirin.” “Waxaa kale oo aan ku darayaa in MAdaxweynaha Cabir loo geeyey oo la hor dhigay laakiin isagu ma oga in [ganacsadaha] waddo loogu daray, markaa waxaan doonayaa in aan la hadlo wasiirrada ay Maxamuud Xaashi iyo Cali Marreexaan ee Waddadan u xidhay ganacsadaha ee madaxweynaha hor dhigay cabirka boostada ee haddana loogu daray wadadii u dhaxaysay saldhiga,waxaan leeyahay Madaxweynaha ha ka xumaynina magaca, waayo ragna waxay bixiyeen in saldhigii dhexe iyo boostii ay dan guud noqdaana, qaarna…..maaha in berri ay madaxweynaha taariikhda u gasho oo la yidhaahdo madaxweynaha ayaa inaadeerkii u xidhay [wadada] oo saldhigiina amnigiisii khalkhal geliyey, dadkii xaafadda degenaana wadadii ka xidhay, arrintaasina Ceeb weyn weeyey. Aniga Madaxweyne Siilaanyo Adeer buu ii yahay oo Aabahay buu la soo halgamay, waxaa ay ahaayeen nimankii ka damqaday ee duurka u wada galay dulmigay ay dadkaas masaakiinta ahi ku noolaayeen xilligii Siyaad Barre, dulmigii shalay oo kale in maanta isaga magaciisii nalagu dulmiyo waa nasiib darro, Maxamuud Xaashi [Wasiirka Madaxtooyada] iyo Cali Marreexaanna [Wasiirka Hawlaha guud] waxaan leeyahay Magaca ha ka xumaynina”. Sidaasi ayay tidhi MArwi Hibaaq Muj. Cabdiqaadir Koosaar oo ah Curadii uu dhalay alla ha u naxariistee Muj. Cabdiqaadir Koosaar Maxamed, Guddoomiyihii xilka hoggaamineed ee Jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SNM uga horreeyey Madaxweyne Siilaanyo xilligii uu halganku socday. Marwo Hibaaq oo kamid ah haweenka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ee guryaha ku leh xaafadda ka dembeysa saldhiga dhexe ee magaallada hargeysa waxaa kale oo ay farriin u dirtay shacbiga degen xaafaddaasi oo ay ugu baaqday in ay nabadgelyadooda ilaashadaan isla markaana ay hab salmi ah cabashadooda u gudbiyaan.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.