Wasiirkii Hawlaha Guud Somaliya oo caawa Dablay Hubaysani Muqdisho ku Dishay

 

 

201753636294168801376314abas-sirajiggggggHargeysa(Waaheen) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka caawa  fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada  loogu geystay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.

Ilaalada wasiirka ayaa lagu waramayaa in is rasaaseyn ay dhaxmartay ciidamo kale oo ilaalo u ahaa mas’uul ka tirsan dowladda oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin qofka uu yahay kadib markii ay kala shakiyeen waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday wasiirka.

Hasse ahaatee warar kale oo ku saabsan dilka wasiirka ayaa sheegaya in dabley hubeysan rasaas ku fureen gaadhiga uu la socda gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan hasse ahaatee wasiirka Cabaas oo la socday gaadhi Prado ah ayaa la sheegay in ay haleeshay rasaas u muuqatay mid leys weydaarsanayo, sida goob joogayaal sheegeen.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in wasiirka ay rasaas ku fureen ciidamo, baadhitaan uu socday.

Ma’aha wax cusub is rasaaseynta inta badan dhaxmarta ciidamada dowladda hasse ahaatee waa markii ugu horeysay oo kala shakiga ciidamada uu ku geeriyoodo mas’uul ka tirsan gollaha xukuumada.

Alle u naxariisteen Cabaas Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ayaa dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay magaalada Kismaayo.

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.