Cabdiraxmaan Cirro oo Muuse Biixi iyo Wasiir Cadaani uga Jawaabay Eedihii ay Ujeediyeen

 

“Muuse waxaan leeyahay anagu waxaanu soo wadnay Tudhaalaha Dadke, Adigu ma Shaanidii ayaad soo wadaa” Cirro

IMG_911CA5-C33B1A-31EC9B-201A79-FCAC78-29C787 Hargeysa (Waaheen) Murashax Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo dhawaan ka soo yeedhay Muuse Biixi iyo Wasiirka Warfaafinta Cadaani.

Cabdiraxman Cirro waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisu wakhtigoodii ay dhaceen, isla markana shacabka Somaliland isbedel u baahan yihiin.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu shallay u waramayey Xamse Cali Bulbul oo ka socday Telefeshinka HCTV.

Cabdiraxman Cirro si sarbeeba ah  ugu jawaabay hadalo ka soo yeedhay Cadaani waxa uu yidhi “waxaan maqlay baribaa nin maxbuus ah la soo xidhay, waxaana lagu xidhay meel aan musqul lahayn, marka laba maxbuus ayey ahaayeeno, dabadeena waxay yidhaahdeen maxaynu sameyna meeshu musqulba malehe, midba yidhi waar sacabkayga ku kaadi marku  sacabkaygu buuxsamana  dibada aan ku soo daadiyo, laakiin waa in aad iga joojisaa marka uu sacabku buuxsamo, markii uu sacabkii buuxsamay ayuu yidhi ninkii Ob, Ob, Markaasi yidhi adeer Ob-ba ma leh, marka waxan leeyahay cadaani Oba maleh, marka hayska hadlo, mar hadaanu meel uu ku joogsado iyo wuxu ixtiraamayo iyo wuxu dhawrayaa anay jirin, marka waa ninkaasi kaadidu ka socotey ee  joojin kari waayey, haddii aanu waddani nahay anagu doorasho ayaanu rabnaa in aanu xukunka la wareegno ayaanu rabnaa in aanu dalka xagaajino ayaanu rabnaa, marka xukumada iyo Kulmiye doorasho hawsoo diyaargarooban, cayda iyo aflagaadada iyo xasilooni darada ha joojiyaan”Ayuu yidhi Cirro.

Murashax Cabdiraxman Cirro waxa kale oo uu jawaab kulul siiyey siiyey Muuse Biixi Cabdi.  Waxanu yidhi. “Muuse waxaan leeyahay maalin  dhaweyd waxaana ka maqlayey isaga oo leh Waddaniyoow ma wixiini ayaad soo  wadaan, anagu barigii dhaweyd dadweynaha ayaanu nidhi lix billood dib haloogu dhigo, waxanay ahayd arin waaqici ah oo jirtay, siina suurto gal umay hayn in doorasho u dhacdo, Muuse waxaan leeyahay anagu waxanu soo wadnay Tudhaalaha dadka, adigu ma Shaanidii ayaad soo wadaa”Ayuu yidhi.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Baadigoobka loogu jiro in daawo loo helo Aidska oo rajo cusub yeelatay
Mayarka Borama Oo Xabsiga Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gaacsatada Jaadka Kadib Markii Ay Diideen Canshuuro dheeraad ah Oo Lagu Kordhiyay
Danbiyadda lagu kala galo Telefoonada oo sii badanaya iyo caqabada go’aankan
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo safar gaar ah oo aan xog laga hayn ku tagay Dubai
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay halista Doorashada, Adeegyada bulshada ee Liita iyo Heshiiska Madaarka Berbera
Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.