SAAMAYNTA MIISAANIYADA IYO QORSHAYNTEEDA SIDA AY HAYADAHA KALA DUWAN UGA QEYBGALAAN IYO GOLDALOOLOOYINKA JIRA.

 

Sida ku cad arkaanta iyo rukunada maamulka iyo maareynta dhaqaale ama miisaaniyada

dowladeed amaba mid aan dowli ahayn marwalba waxa jirta in lagu kala duwan yihiin dhinaca

hufnaanta iyo wanaajinta (effectiveness and efficiency),hadaba waxa ay miisaaniyadu tahay

keliya in laysku beego kula talogalka qorshaha dakhli soo xaroon doona iyo kharashaadka la gali

doono iyadoo la isku halaynayo ilaha dhaqaale ee jira(economic resources);inta badan

jhanaanka maamulka maaliyadeed ee dalalka soo koraya iyo kuwa horumarey labadooduba

way ku kala duwan yihiin hanaanka hufnaanta maamul miisaaniyadeed,waxaana ka qeyb gala

todoba hayadood oo dowli ah dhinaca dowlada waana kuwa ugu badan ee ka shaqadoodu ay

ku xidhan tahay maamulka dhaqaalaha iyo dakhliga,ugu horeyna waxa iska leh isku dubaridka

iyo agaasinka howshani xafiiska waaxda miisaaniyada ee wasaarada maaliyada oo kaashada

xafiisyada kala duwan ee maaliyada.

Baadhis iyo u kuurgal badan oo aan samaynay waxaanu ogaanay in xafiiska xisaabnaadka guud

u xilsaaran yahay inuu jeegareeyo miisaaniyada iyo in si sax loo isticmaalayo iyo inkale,sidoo

kale xafiiska hantidhowrka guud ayaa isna u xilsaaran inuu double jeegareeyo inkastoo shaqo

isku mida oo baadhis ah ay qabtaan labaduba balse sida ay noo sheegeen khubarada

xisaabaadka iyo hantidhowrku waxa weeye baadhis labada xafiisba iyadoo hantidhowrku

sameeyo waxa loo yaqaan PRIOR AUDITING IYO ACTUAL AUDITING,balse waxa si gaar ah uu

xafiiska xisaabaadka guud uu u xilsaaran yahay inuu ku sameeyo miisaaniyada tashiil iyo

hubinta in miisaaniyada sidii saxda ahayd loo isticmaalay.

Ahmiyad siinta kala horaynta mudnaanta hayadaha kala duwan ee dhinaca saamiga ay ku

leeyihiin ,miisaaniyada ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee ilaa hada aan hirgalin sida ku cad

xogaha aanu ku helnay baadhistayada saxaafadeed,waxaana maragmuujin noo ah in doorka

xilibaanada aqalka xeer dejinta ee golaha wakiiladu ay ku andacoonayaan inaanay awood badan

u lahayn inay doorkooga ka ciyaaraan waxaanu noo sheegay xubin ka mid ah gudi hoosaadka

aqalka wakiilada ee dhinaca dhaqaalaha inay in badan ka doodaan oo falan qeeyaan balse ay

awoodi ka maqantahay ,waxaana dhacda in kala horeysiinta mudnaanta hayadaha kala duwan

ay hooseyso sida ku cad cadeymaha uu noo sheegay xilibaanka oo ka hadlay in miisaaniyada

sanadka 2017 ay ciidanka asluubta cabasho ka muujiyeen waxa loo qoondeeyey waxaana jirta

sida ku cad lifaaqyada nuqulada miisaaniyada sanadka 2017 in hayado muhiiim ahaa aan loo

siiniin ahmiyadoodii balse qaarkalena ay aad u sareyso ahmiyada laga siiyey.

Filed in: Articles

You might like:

Daawo: Faysal Cali Waraabe oo Bogaadiyey Madaxwayneha Cusub Ee Somaliland
Daawo: Xisbiga Waddani Oo Aqbalay Natiijadii Doorashada Somaliland
Muuse Biixi Cabdi Oo Noqdey Madaxweynaha Shanaad Ee Somaliland Iyo Codadka Uu Helay
Daawo: Natiijada Doorashada Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
Daawo: Musharaxa Wadani Oo ka hadlay Natiijada Doorashada
Wasaarada Warfaafinta oo Xayiraadii ka qaaday Tv-ga Kalsan
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.