Maraaxilka Ay Marto Diyaarinta Iyo Ansixinta Miisaaniyadu Somaliland

Miisaaniyadi waa odoroska dakhliga iyo kharashka ku baxa qaranka sannad maaliyadeed gudihii

oo isu dheelitiran waxaana ay ka kooban tahay odoroska kharash ee ku baxaaya fulinta hawlaha

dawlada iyo odoroska dakhli ee la filaayo inuu ka soo baxo ilaha kala duwan ee dhaqaalaha

qaranka.

Miisaaniyadu waxa ay kaga duwan tahay Mashaariicaha kale waxa soo jeedinteeda iyo

diyaarinteeda iska leh xukumada oo kaliya, waxa dhaqan-galkeedu ku xadidan yahay sannad

maaliyadeed kaliya, mooshin kuma soo jeedin karaa golaha wakiiladu diyaarinteeda iyo wax ka

badelkeeda, waxa ansixinteeda iska leh golaha wakiilada.

Haddaba haddii aynu isla garanay miisaaniyada iyo waxa ay tahay sidee loo dajiyaa

miisaaniyada

Sida uu qeexaayo qodobka 6aad ee xeerka miisaaniyada qaranku wasiirka maaliayada ayaa

isagoo ka qiyaas qaadanaya lixda bilood ee hore ee sanadka iyo sanadkii ka horeeyey, wuxuu ku

dhawaaqayaa 1‐da july siyaasada guud ee miisaaniyada qaranka

 Wasaarad waliba iyo hay’ad‐waliba waxay u soo gudbinaysaa 15 july    barnaamijkeeda

siyaasadeed, qorshaheeda iyo meelaha ay mudnaanta siinayso    guddiyada golaha ee ay

wada shaqaynta leeyihiin.

 Guddiyada golaha wakiilada iyo wasaaraduhu waxay ka yeelanayaan dood iyo falaqayn,

waxayna guddi‐waliba warbixinteeda u gudbinaysaa guddida u qaabilsan miisaaniyada

golaha (golaha wakiilada) ugu danbayn 5 august.

 Guddida miisaaniyada ee goluhu waxay isku geynaysaa dhamaan warbixinadaas,

waxayna u gudbinaysaa shirgudoonka mudo aan ka badnayn 10 maalmood, iyadoo

gudoomiyaha goluhuna u gudbinayo madaxweynaha talooyinka iyo warbixinaha oo ay ku

dhan‐yihiin wixii ay ka doodeen guddiyada, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawlada

ugu badnaan 7 maalmood.

 Madaxweynuhu marka uu helo talooyinka golaha wakiilada waxa uu si toos ah ugu

gudbinayaa wasaarada maaliyada, si ay ugu darsato qorshaha odoroska miisaaniyada.

Talaabooyinkaasi oo dhan marka laga qaado lana xaqiijiyo intaasi ka dib waxa loo gudbaa

diyaarinta miisaaniyada waxaana sida uu dhigayo qodobka 7aad ee xeerka miisaaniyada qaranku

waxa Ooroska miisaaniyada diyaarinaya Wasaarada maaliyada, iyadoo ka duulaysa awooda

dhaqaale ee dalka..

 Wasaaradu marka diyaarinayso (Gudbiyaan) odoroska miisaaniyada waxay ka

dalbanaysaa maamul (Institution) kasta oo qorshe miisaaniyadeed u gaar ah leh in ay soo

gudbiyaan qorshaha kharashkooda ee sanad miisaaniyadeedka soo socda.

 Wasaaradu marka ay dhamaystirto nuqulka hordhaca ah ee miisaaniyada oo u qaabaysan

si waafaqsan xeerka miisaaniyadda, xeerarka maaliyadda iyo xisaabaadka dalka, waxay u

gudbinaysaa Golaha Wasiirada si uu u ogolaado ugu danbayn 30ka September.

 Golaha wasiiradu markuu derso odoroska miisaaniyada hordhaca ah ee wasaarada

Maaliyadu soo gudbisay, waxay ku samaynayaan deraasad in ay sharci ahaan iyo qaab

ahaan dhamaystiran tahay.

 Golaha wasiiradu marka uu saxo wixii khaladaad ama madmadaw ku jira miisaaniyada

go’aana ka gaadho wixii cabasho ah, wuxuu nuqulka uu ansixiyay ee odoroska

miisaaniyada u gudbinayaa Golaha Wakiilada  ka hor 31ka Oktoobar.

Miisaaniyadu marka ay ka soo gudubto golaha wasiirada waxa ay uga sii gudubtaa golaha

wakiilada oo iyaguna ka guta waajibaadka uu dastuurku ka siiyey waxaana sida uu qeexaayo

qodobka 13aad ee xeerka miisaaniyada qaranku, miisaaniyada hordhaca ah waxa loo baahan

yahay in ay golaha ku timaadaa go’aanka Golaha Wasiiradda, ka dib marka ay Golaha

Wasiiradu soo ansixiyaan.

 Wasiirka maaliyadu wuxuu ka hor akhriyaya fadhiga Golaha Wakiilada warbixintiisa

miisaaniyada uu ku lafa gurayo xaalada guud ee dhaqaalaha dalka wuxuuna si fiican uga

waramayaa arimahan:‐

1. Dakhliga

2. Kharashka

3. Hadhaa (surpluse)

4. Daymaha (loans)

5. Deeqaha (grants)

6. Cashuur  dhimis haday jirto

7. Macluumaad kasta oo miisaaniyada la xidhiidha.

8. Mashaariicda horumarineed.

 Marka warbixintu dhamaato mudanayaashu waxay waydiin karaan wasiirka wixii su’aal

ama waxay ka dalban karaan xogaha kale ee ay uga baahdaan miisaaniyada.

Sida uu qeexayo qoddobka 10-aad ee xeerka miisaaniyadu qaranku marka golaha wakiilada

loo gudbiyo miisaaniyada qaranka waxa la raaciyaa lifaaqo iyo warbixino faahfaahsan oo ku

saabsan miisaaniyada iyo qaybaha ay ka kooban tahay waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu

lifaaqo miisaaniyada

 Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan macluumaad kasta oo la xidhiidha dakhliga iyo

kharashka.

 Sababaha korodh kasta ama dhimis kasta oo dhakhli ama kharash.

 Siyaasad maaliyadeed ka (financial policy) ee xukuumadda ee sannad maaliyadeedkaas

 Warbixinta Daymaha qaranka iyo faahfaahintooda .

Ansixinta Miisaaniyada

 Marka miisaanyadu golaha soo gaadho shirgudoonka goluhu wuxuu mudo aan ka

badnayn 14 maalmood ku diyaarinayaa go’aanka ansixinta miisaaniyada, sida uu

dhigaayo qodobka 19aad ee xeerka miisaaniyada.

 Haddii guddiyada ku shaqada leh arrimiha miisaaniyadu ay talooyin soo jeediyaan

shirgudoonku waxa uu mud 14 maalmood gudahood ah madaxwaynaha u

gudbinayaa talooyinkaas.

 Marka golaha wakiiladu ansixiyaan miisaaniyada, madaxwaynuhu waxa uu soo

saarayaa go’aan uu ku dhaqan galinaayo ansixinta miisaaniyada.

Cod u qaadista Golaha Ee Miisaaniyada

Qodobka 17aad ee xeerkan oo ka hadlaaya ansixinta miisaaniyada waxa uu dhigayaa cod u

qaadista miisaaniyada waxa loo raacayaa soo jeedimaha  mudanayaasha, kaas oo ay ka mid ahaa

nn karaan:-

1. In sideeda loo ansixiyo odoroska miisaaniyadda.

2. In kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyo odoroska miisaaniyadda.

3. In aqlabiyad ku celiyo  gebi‐ahaan. Haddii Goluhu ku ogolaan waayo aqlebiyada

fudud.

4. Haddii goluhu ku ogolaan wayo cod hal dheeri ah in miisaaniyadda la celiyo

waxay miisaaniyadu ku ansaxaysaa sidii xukuumadu ku soo gudbisay.

5. Guddoomiyaha Goluhu wuxuu cod gelinayaa    soo jeedinta leh aqlabiyadda

doodda mudanyaasha iyo diidmadeeda.

Xisaab Xidhka Miisaaniyada

 Miisaaniyad sanadeed kasta xisaab xidhkiisa waxaa xukuumadu soo gudbinaysaa

Golaha Sida ku cad Qodobka 55aad, Faqrada 6aad ee Dastuurka.

 Guddida ku shaqadaleh miisaaniyada marka uu dhamaystiro deraasadooda iyo

xogtooda, wuxuu Golaha ka horjeedinayaan warbixin talooyin xambaarsan oo la

xidhiidha sida miisaaniyada loogu dhaqmay iyo dhaliilaha uu lahaa ku

dhaqankaasi.

 Goluhu xisaab xidhka wuu ansixin karaa ama wuxuu ku celin karaa

Hanti‐dhawrka isagoo talooyin iyo tilmaamo raacinaya si loo soo saxo amba loo

qabyo‐tiro Mudo 45 maalmood gudahood ah. Sida uu dhigaayo qodobka 31aad ee

xeerka miisaaniyada qaranku.

Guddida Miisaaniyada Ee Heer Qaran:-

1. Wasiirka wasaaradda maaliyada

2. Wasiirka duulista hawada

3. Wasiirka hawlaha guud

4. Wasiirka beeraha

5. Wasiirka xanaanada xoolaha

6. Wasiirka ganacsiga

7. Gudoomiyaha rugta ganacsiga

Xigasho:

Xeerka miisaaniyada qaranka ee XEER NO. 44/2010 iyo qodob ka mida dastuurka

jamhuuriyadda Somaliland ee la ansixiyay sannadkii 2001.

Filed in: Articles

You might like:

Daawo: Faysal Cali Waraabe oo Bogaadiyey Madaxwayneha Cusub Ee Somaliland
Daawo: Xisbiga Waddani Oo Aqbalay Natiijadii Doorashada Somaliland
Muuse Biixi Cabdi Oo Noqdey Madaxweynaha Shanaad Ee Somaliland Iyo Codadka Uu Helay
Daawo: Natiijada Doorashada Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
Daawo: Musharaxa Wadani Oo ka hadlay Natiijada Doorashada
Wasaarada Warfaafinta oo Xayiraadii ka qaaday Tv-ga Kalsan
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.